Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Collaad beeleed isu rogtay dhac jidka u dhexeeya Togdheer

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
MALMAHA
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 960
Joined: Mon Apr 27, 2009 11:16 pm

Collaad beeleed isu rogtay dhac jidka u dhexeeya Togdheer

Postby MALMAHA » Wed Jun 17, 2009 8:56 pm

Collaad beeleed isu rogtay dhac jidka u dhexeeya Togdheer [url][/url] iyo Sool iyo madaxweyne Rayaale oo la sheegay inuu ku lug leeyahay
Togdheer/Sool-(Berberanews)-Wararka ka imanaya deegaannada u dhexeeya gobolka Togdheer iyo Sool, ayaa sheegaya in saan-saan collaadeed oo hor lihi ka dhex taagantahay laba beellood oo ka soo kala jeeda jiida u dhaxaysa labadaas gobol, gaar ahaan wadada laamiga ah ee u dhaxaysa Burco iyo Laascaanood , taas oo sababtay labada dhinac kala dhacaan gaadiid iyo hanti kale, waxaanay cidhiidhi gelisey isu-socodkii gaadiidka iyo dhaq-dhaqaaqa caadiga ah ee u dhexeeya deegaannadadaas.



Wararkan ayaan illaa hadda xukuumaddu waxba ka qaban, isla markaana aanay waxba ka odhan collaada, waxaana jira warar sheegaya in hurrinta collaadan ay xukuumadu lug ku leedahay, gaar ahaan madaxweyne Rayaale oo ilo ku dhaw-dhawi tibaaxeen in kullan uu madaxtooyada kula yeeshay sallaadiinta mid ka mid ah labadan beelood oo ka dacwoonayey in looga qaado dhul iyo gaadiid dhinaca kale ka haystaan, basle uu madaxweynuhu u sheegay inay iyagu dhulkooda dhacsadaan, isagu garab siin doono, iyadoo wararku intaa ku darayaan in madaxweynuhu ka dalbay Taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani inuu beeshaas dacwada ula timi siiyo taageero milateri oo tikniko iyo ciidanba isugu jirta, balse uu arrintaa ku gacan-seydhey taliyuhu.



Madaxweyne Rayaale, ayaa lagu eedeeyaa in uu wado qorshe ballaadhan oo uu doonayo in uu dagaallo sokeeyo dalka kaga rido, gaar ahaan arrinta ka taagan deegaanka Ceel-bardaale oo madaxweynuhu aanu mar qudha soo hadal qaadin ka hadalkeeda iyo xalkeeda toona,, iyadoo dhawaana lagu qabtay gobolka Salal gaadiidka xammuulka qaada oo sida hub gurmad ah, basle la sheegay in madaxweynuhu amray in la sii daayo mid ka mid saddex nin oo loo qabtay masuulliyada gaadiidkaas, kaas oo ay isku qaraabo yihiin madaxweynaha. Sidoo kale waxa dhawaan lagu qabtay toddobaadkii hore xeebta Saylac doon hub u sidey mid ka mid ah deegaanka lagu muransanyahay ee Ceel-bardaale oo aan la xaqiijin meesha ay ku danbeysey lana sheegayo in la sii daayey.

http://berberanews.com/news.php?readmore=567

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 16 guests