Hargeysa(HWN):- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland ayaa Kumanaan qof oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan Magaaladda Caasimadda ah ee Hargeysa maanta kala qaybgalay isugu soo baxyo Rabbi bari ah, isla markaana Salaad Roob-doon ah la tukaday.
Kumanaan qof oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan Hargeysa, ayaa maanta isugu soo baxay Garoomada waaweeyn iyo qaar ka mid ah Masaajidda Magaaladda, halkaas oo lagu tukaday Salaad Roob doon ah, Ducooyin Illaahay lagu baryaayay.

Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin, oo boqolaal qof Salaadda Roob-doonta ah kula tukaday Maajidka Mustajaamaca ee Magaalada Hargeysa. Isla markaana Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland ayaa hadal uu Salaadda ka dib Masaajidkaa ka jeediyay, ku sheegay in wakhtigan hadda la joogo Dambiyada iyo Macsiyada dadku galayaa ay fara badatay, taasina ay sababtay Abaaro iyo Roob la’aan is-daba-joog ah.
Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu xusay in marka dambiyada aadamuhu galayaan bataan ay ciqaabta xagga Illaahay kaga imanaysaana ay badanayso. Sidaa darteed, waxa uu Madaxweyne ku-xigeenku ku baaqay in dadku isa-saamaxo, lays cafiyo, Illaahay dambi dhaaf la waydiisto, laysuna arxamo, si Illaahay ugu naxariisto.

Sidoo kale, Culimada waaweyn ee Somaliland oo dadweynaha Salaadda Roob-doonta kula tukaday meelaha kala duwan ee maanta lagaga tukanayay Hargeysa, ayaa dadweynaha ugu baaqay inay Illaahay dambi dhaaf iyo naxariis waydiistaan, isla markaana qof waliba qofka jilicsan ee Walaalkiis ah dhulka ugu arxamo, si Illaahayna samada ugaga naxariisto.
Dabayaaqadii bishii June ee aynu ka soo gudubnay ayay ahayd markii Madaxweyne Ku—xigeenku ku dhawaaqay in guud ahaanba dadka ku nool Deegaanadda dalka Somaliland ay soo foodsaareen Abaaro ba’an iyo Cuno-yaraan baaxad leh. Sidaa daraadeedna uu bulshada Caalamka iyo Hay’adaha Samafalka ugu baaqayo inay gurmad deg-deg ah la soo gaadhaan soo food-saareen. Dhawrkii sanno ee ugu dambeeyay ayaa la rumaysan yahay in Somaliland ay si is-daba-joog ah ugu soo noqnoqonayeen cabashooyinka abaaraha iyo roob-yaraanta, oo sababa dhimashada dad iyo duunyo badan.







