Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Xisbiga KULMIYE wuxuu u arkaa in aanay Dan u ahayn Qaranka d

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
AbduQadir
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 581
Joined: Wed Apr 08, 2009 3:41 pm

Xisbiga KULMIYE wuxuu u arkaa in aanay Dan u ahayn Qaranka d

Postby AbduQadir » Fri Jul 17, 2009 9:16 am

Xisbiga KULMIYE wuxuu u arkaa in aanay Dan u ahayn Qaranka dib u dhac Doorasho oo danbe." Muuse Biixi



Hargeysa(Golis) - Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, ayaa xukuumadda iyo Komishanka Doorashooyinka ugu baaqay in ay si dhakhso ah u fuliyaan shuruudihii furaha u ahaa qabsoomida Doorashada Madaxtooyada ee ay dhawaan la saxeexdeen Saddexda Xisbi iyo Komishanka Doorashooyinku, waxana uu ka digay in ay mar kale Doorashadu dib u dhacdo.




galabta war saxaafadeed ay soo saareen waxay daboolka kaga qaadeen shuruudo deeq bixiyeyaashu ku xidheen dhaqaalaha doorashada madaxtooyada Somaliland ee lagu wado inay dalka ka qabsoonto 27-ka Bisha September 2009-ka.




Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa war-saxaafadeed Galabta ka soo saaray Magaalada Hargeysa waxa uu kaga hadlay shuruudii deeq-bixiyayaasha ee ahayd in la bedelo Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, War-saxaafadeedkaas oo dhameystiranina waxa uu u dhignaa sidan;




"Xisbiga KULMIYE waxa uu maanta soo saaray go'aan cad oo uu ka gaadhay shuruudii deeq-bixiyayaasha ee ahayd in la bedelo Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, go'aankaasi wuxuu u dhignaa sidan:




Iyadoo aynu wada ognahay wadciga Siyaasadeed ee maanta Dalku marayo iyo shuruuda ay ku xidheen deeqbixiyayaashu maalgelintii doorashada, aragtida Xisbiga Kulmiye waxay tahay:




In Madaxweynuhu isagoo gudanaaya xilkiisa uu raadiyo xalka shuruuda ay deeqbixiyayaashu ku xidheen ee ah eriga iyo wax-ka-bedelka xubnaha Komishanka.









Xisbiga KULMIYE awood sharci uma laha wax-ka-qabashada, eriga iyo wax-ka-bedelka xubnaha Komishanka.




Xisbiga KULMIYE wuxuu mudnaanta koowaad siinayaa qabsoomida doorashada Madaxtooyada. sidaasi darteed, wuxuu ka codsanayaa Madaxweynuhu inuu tixgeliyo wakhtiga yar ee ka hadhay maalinta loo cayimay qabsoomida doorashada oo ah 27 Sept, 2009.




Xisbiga KULMIYE wuxuu ka codsanayaa Komishanka Qaranka iyo Hay'adaha doorashada ku shaqada leh oo dhan inay dardargeliyaan hawlihii doorashada, iyagoo tixgelinaaya mudada yar ee ka hadhay.




Xisbiga KULMIYE wuxuu u arkaa inaysan dan u ahayn Qaranka dib u dhac doorasho oo danbe."




Golisnews Hargeysa JSL



http://www.golisnews.com/view_left.php?articleid=9609

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 12 guests