Silanyo says he is fine and ready to kick ass
Posted: Sun Jul 19, 2009 7:54 am
Axmed-Siilaanyo oo Markii ugu Horreysay ka Hadlay Caafimaadkiisa, Xiisadda Ceelbardaale iyo Diyaargarowga Doorashooyinka
“Waxaan ummadda u sheegayaa in caafimaadkaygu aad iyo aad u wanaagsan nahay oo aan ololaha si buuxda uga qeybgeli karo, waa kaan isku soo giigiijinayo, illeyn baabuurtaba geerash baa la geeyaa, dhibaato kalena meesha ma jirto”
Guddoomiyaha KULMIYE oo maanta socdaal caafimaad ugu dhoofaya Nairobi
Hargeysa (Jam)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadlay xaaladda caafimaadkiisa iyo duruufaha waqtigan dalka ka taagan.
Axmed-Siilaanyo, ayaa shir-sharaa’id oo uu shalay ku qabtay gurigiisa magaalada Hargeysa, waxa uu kaga hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin caafimaadkiisa, xiisadda ka aloosan degaanka Ceelbardaale, xadhigga suxufiyiinta iyo arrimaha ku gedaaman doorashada Madaxtooyada ee qabsoomideedu u muddaysan tahay 27 September 2009.
Ugu horreyn Guddoomiyaha KULMIYE oo sharraxaad ka bixinayey ujeeddada shirkiisa jaraa’id waxa uu yidhi; “Shirkan jaraa’id waxaan iskugu kiin yeedhay inaan dhawr arrimood wax ka yara taataabto oo aan ugu horreyn ku baaqo in shaqaaqada Ceelbardaale ka dhacday lagu dhammeeyo nabadgelyo, waxaanan Ilaahay ka baryayaa in si xasillooni ah oo dadka oo dhan u wada dan ah ku dhammeeyo oo beerkeena burcad isu mariyo, dadka faraha badan ee axsaabta, salaadiinta iyo culimaa’udiinka leh ee halkaas u gurmadayna Ilaahay haku guuleeyo hawshaas ay galeen oo nabadgelyo iyo xasillooni ka dhalato. Waxa keliya ee haddaynu Somaliland nahay ku faani jirnay ee aynu dunida ku dhex joognay, ictiraaf ilaa wakhtigan maynu haysan ee wuxuu ahaa nabadgelyadeenna iyo xasilloonideena, taasna waa inaynu gedigeen isugu tagnaa oo hubinaa wax dambe oo innaga burburiyaa in aanay jirin, markay wax dhacaana gurmadkaas aynu maanta galaygalo. Waxaan aad ugu tacsiyadaynayaa dadkii dhibaatadu soo gaadhay dhinac walba dhibaatadu ha ka timaaddee ka soo gaadhay halkaas, waxaanan Ilaahay ka baryaynaa inay si nabadgelyo iyo xasillooni leh ku dhammaato.”
Mar uu ka hadlayey arrimaha doorashooyinka, aragtida xisbigiisa ee ku wajahan shuruudaha deeqbixiyeyaashu ku xidheen bixinta dhaqaalaha doorashada iyo arrinta Komishanka Doorashooyinka waxa uu yidhi; “Waad ogaydeenoo muddaba waxaynu ku jirnay arrimaha doorashada iyo qalqaaladeedii ayaa lagu jiray.
Arrinta Komishanka mowqif cad ayaannu iska taagnay haddii aanu KULMIYE nahay, Komishanka Doorashooyinku sharci ayay meesha ku fadhiyaan, haddii ay muddo badan dhaliili ka jirtay oo ka jirtay annagu ilaa wakhtiyo hore annagoo eegayna cadaadiska wakhtiga iyo doorashooyinka canaan baanu ka soo jeedin jirnay tiina way socon wayday imikana hadday wax iska beddelayaana mar walba way iska beddelaan, sida isbeddel ku imanayaana haddii aanu xisbiyada nahay awood gamachayaga ku jirta ma aha, qaab bay leedahay, sharci bay leedahay oo dastuur bay leedahay. Ambaqaadkeeda marka ugu horreysa waxa leh Madaxweynaha, haddii cid dhaliili ka timaad ama wax ku yimaaddaan wax kasta dariiq sharci ah ayaa loo maraaye waa inuu isagu cid u saaro oo haddii cid xumaato lagu arko sidii dhici jirtay loo gudbiyo Golaha Wakiillada.
Baarlamaanka ayaa diidi kara ama aqbali kara wax xisbi KULMIYE ahaan ama xisbi kaleba u yaal ma aha, taas lafteedana waa in deeqbixiyeyaasha lagala hadlaa oo dhammaan loo sheegaa oo ay ogaadaan.”
“Cidda kaliya ee awooddaasi leh ee cid u saari karta arrinta Komishanka waa Madaxweynaha dalka, dastuurka iyo sharciga ayaa awoodaha kala bixinaya oo kala caddaynaya, arrintaasi waxay u taalaa inuu talaabo ka qaado, waa Madaxweynaha uma taal xisbiyada KULMIYE iyo UCID toona,” ayuu ku daray guddoomiyuhu, isagoo dhinaca kalena sheegay in liiskii kama damaysta ahaa ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha laga sugayo in 27-ka bishan July ay soo saarto oo ay eegayaan waxa ka soo baxay.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu sheegay inuu Jimcaha maanta socdaal dhinaca caafimaadkiisa ah ugu kicitimo doono magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaannu isagoo xaaladdiisa caafimaad ka hadlayey yidhi; “Waad ogaydeenoo waa tii dhibaato yar isoo gaadhay ee aan sallaanka ka dhacay, arrintaasi jug weyn ayey ii geysatay anigoo markayga horena culays yara lahaa. Nabarro xoog ah ayey ii gaysatay. Allxamdulilaah aad iyo aad ayaan imika u ladan nahay, waxaan gaadhayaa Nairobi oo berrito [maanta] u baxayo haddii Alle idmo oo aan doonayo inaan ayaamo ku maqnaado oo aan iyadana ilaa heerka u sarreeya ka gaadho wixii la ii qaban karo. Waxaan ummadda u sheegayaa in caafimaadkaygu aad iyo aad u wanaagsan nahay oo aan ololaha si buuxda uga qeybgeli karo, waa kaan isku soo giigiijinayo, illeyn baabuurtaba geerash baa la geeyaa, dhibaato kalena meesha ma jirto.”
“Waxaan doonayaa inaan shacbiweynaha aadka u tirada badan ee gurigayga iigu yimi amma siyaabo kala duwan dareenkooda iigu muujiyay halkan uga mahadnaqo sidii shucuurtooda iyo niyadooda ii muujiyay iyo dadnimo, saaxiibtinimo, ehelnimo iyo qaranimaba,” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Axmed-Siilaanyo.