Boosaaso(Oodweynenews)-Wefdi balaadhan oo ka tirsan xibiga mucaaradka ee KULMIYE, ayaa maalmahan-ba ku sugnaa magaalada dekeda ah ee Boosaaso ee maamul-goboleedka Puntland. ma cadda ujeedada dhabta ah ee safarkan.
Haseyeeshee, sida ay xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo ku sugan magaalada Boosaaso xubnaha wefdiga oo uu hoggaaminayo ganacsadaha sida aadka ah ugu ololeeya xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Shugri, ayaa la sheegay in booqashada safarkiisu la xidhiidho oloe dhaqaale loogu raadinayo xisbiga KULMIYE doorashooyinka soo socda.
Waxa kale, ilahaasi tibaaxeen in booqashada wefdigaasu ka dhalatay codsi uga yimi dhinaca Guddoomiyaha Ololaha doorashooyinka xisbiga KULMIKYE ee GOBOLADA Bari Md. Maxamed Cabdi Gaboose, waxaana wararku intaa ku darayaan in wefdigu sida ugu dhaqsaha badan ugu soo noqon doonaan dhinaca Somaliland, gaar ahan magaalada Hargeysa .
Maxamed Shugri ayaa ka mid ah xubnaha ugu fir fircoon ee ka tirsan golaha dhexe iyo ka fulinta ee xisbiga Kulmiye, sidoo kale waxa uu ka mid yahay gudi dhawaan xisbigu u saaray in ay ururiyaan dhaqaale lagu galo doorashada fooda inagu soo haysa taasi oo ay wararku xaqiijinayaan in uu socdaalkani uu hada Boosaaso ku joogaa uu ka midyahay mid arimahaasi la xidhiidha, waxa uu Maxamed Shugri uu mari doonaa meelo badan oo xisbiga Kulmiye u qorshaysan, oo la filaayo in uu dhaqaale ka heli doono xisbiga Kulmiye.
Xisbiga kulmiye ayaa geed dheer iyo mid gaabanba isugu taagay xiliganbi sidii uu dhaqaale uga heli lahaa, doorshada soo socota ee madaxweynaha iyaga oo isku dayi doona cid kasta oo ay ka helayaan dhaqaale kuwaasi oo ay ku jiraan cadawga shicibka Somaliland, sida ay hada wadaanba, waftigan Maxamed Shugri ayaa dhuumasho dalka kaga baxay iyada oo uu isagu ku macneeyay socdaalkiisa mid ganacsi, hase ahaatee xaqiiqda ka fog.
Saalim Xasan
Freelance Journalist/ Boosaaso
Somalia
http://www.oodweynenews.com/display_pag ... cleid=9075





