Berbera (Buraoonline) 22.07.09 Koox ganacsato ah oo la sheegay inay maalgashi ku samaynayaan warshada sibidhka ee Berbera ayaa maanta booqasho ku tagay xarunta warshadaasi burbursan, siday tibaaxayaan wararka ka imanaya magaalo xeebeeda Berbera. 0
Ganacsatadan oo reer Somaliland ah ayaa bilaabaya inay nadiifiyaan oo ay ka guraan buburka iyo khashinka dhex yaala dhismihii warshada ee dunsan, waxaana la filaayaa inay dhawaan Berbera soo gaadhaan Engineero qiimaynaysa xadiga qiimaha ay ku kacayso dhismaha iyo kicinta warshadii sibidhka, oo ay fursado shaqo ka heli lahaayeen in ka badan labaatan kun oo qof.
Dhismihii hore ee warshadan oo ay dhistay shirkad Faransiis ahi ayaa waxay fadhiisatay 1988-kii, dagaaladii dib u xoraynta Somaliland.
Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Berbera ayaa si weyn u soo dhaweeyay in dib loo dhiso warshadaasi oo ay aaminsan yihiin inay kaga bixi lahaayeen shaqo la’aanta baahsan ee ka taagan gobolka Saaxil iyo deegaanada kale ee Somalilandba.
Madaxweyne Rayaale, oo dhawaan socdaal ku marayay Gobolka Saaxil, ayaa sheegay inay xukuumadiisu ay Ganacsatada Somaliland u fasaxayso inay dhisaan oo ay dib u kiciyaan warshadii sibidhka.
Buraoonline




