Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Caasimada Hargeysa oo lagu mataaneynayo Caasimada Stockholm

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Ducaysane_87
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3997
Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane

Caasimada Hargeysa oo lagu mataaneynayo Caasimada Stockholm

Postby Ducaysane_87 » Thu Jul 23, 2009 2:07 pm

Caasimada Hargeysa oo lagu mataaneynayo Caasimada Stockholm Sweden

Sweden,(Qarannews)-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Mudane Ahmed Haashi Abdi, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Debedda Mudane Ahmed Aden Ismail, Wasiik Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqaalaha Mudane Mahdi Osman Buuri iyo Mayarka Caasimadda Hargeysa Mudane Hussein Mohamoud Jicir ayaa Maanta oo bishu tahay 23 july 2009 la kulmey Mudane Per Spolander oo ah ku simaha Maayaraka Caasimada Stockholm ahna Madaxa qeybta Arimaha Caalamiga ah (Acting Mayor and Head of EU& International Department). Waxa kale oo shirkaas ka qeyb galay Catharina Klingsborg oo ka socota xafiiska Maayarka. Waxa kale oo shirkaas ka qeyb galay Wakiilka Somaliland ee Sweden Mudane Eidarus Sh Adan iyo Maeed Isaak. Per Spolander ayaa warbixin ku saabsan sida loo maamulo Caasimada Stockholm siiyey wefdiga. Ka dibna waxa warbix ku saabsan Caasimada Hargeysa siiyey Maayarka Hargeysa Inj. Hussein Mohamoud Jicir Munaasabadaas waxa uu Maaaayarka Hargeysa siiyey hadyad Maayarka Stockholm. Ku simaha Maayarka Stockholm ayaa mahad naq u soo jeediyey Maayar Jicir. Waxa Labada dhinac waxa ay ka wada hadleen sidii labada caasimadood ay wax u wada qabsan lahaayeen. Kadib wax ay wefdigu tageen Degmada Kista-Rinkeby oo ka mid ah xafadaha ku taal Stockholm. Halkaas waxa ku qaabiley wefdiga Madaxa Degmada Håkan Serdèn iyo Gudoomiye Ku-xigeenka gudida Siyaasada ee Degamad Mudane Abebe Hailu (Deputy Chairman, District Council). Mudane Håkan Serdèn iyo Abebe Hailu waxa ay uga warameen sida loo maamulo degmada Kista-Rinkeby. Degmadan waxa deggan dad badan oo reer Somaliland ah. Waxa labada dhinac isla garteen in la mataaneeyo Caasimada Hargeysa iyo Stockholm. Maayar Jicir ayaa casuumad u fidiyey in ay madaxa Caasimada Stockholm ku yimaadan Hargeysa.. Casuumadasna wey aqbaleen. Waxa labada caasimadood isla garteen in ay ka wada shaqeeyaan arrimaha ku saasan horumarka bulshada, debeeciga iyo sidii tababar loo siin lahaa shaqaalaha Caasimada Hargeysa. Markii uu shirarkaas dhamaaday waxa wefdiga la siiyey hadyado ka socoda Degmada Kista Rinkeby Stockholm.


Waxa kale oo wefdi la tusay oo lagu soo wareejiyey Guriga Caasimada Stockholm (Stockholm City Hall) oo ah dhismo caan ah oo dalxiisku aad u jecelyahay. Sannadkastana lagu qabto xafladda dadka la siiyey biladda Caalamiga ee nobeelka (Noble prize winner) oo sannadkasta ka dhacda Guriga Degmada Stockholm (Stockholm City Hall) 10 diisambar.

Shirarkaasi waxa ay ku dhamaadeen is faham iyo is afgarad Mohamed Hassan Freelance Journalist , Stockholm Sweden


http://www.qarannews.com/index.php?opti ... &Itemid=62

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 8 guests