The pics are coming soon...
Suuq Cusub oo Laga Furey Burco
K/simaha Duqa Magaalada Burco, Ahna Gudoomiye-Xigeenka Golaha Deegaanka Axmed Cabdi Jaamac (Falaay) ayaa maanta xadhiga ka jaray suuq cusub oo dhismihiisa laga hir geliyey Magaalada Burco ee Gobalka Togdheer.
Suuqaasi cusub oo ah Sariibad ka kooban ilaa iyo sadex qaybood oo calculus oo ay ku dhex ganacsan karaan ilaa iyo 300 Qof, waxaa loogu magac daray Guryo-Samo, kaasi oo ay koox ganacsato madax banaani ka hir geliyeen Xaafada Shiikh Bashiir ee Magaalada Burco.
Munaasibadii xadhiga laga jarayey suuqan oo ah kii ugu horeeyey ee ay yeeshaan dad rayida oo lagu qabtay gudaha xaruntan ayaa waxaa uu Kuxigeenka Duqani kaga dhawaaqay inuu suuqani noqon doono mid baahi cusub ka furtay dadweynaha adeega ka suqaya Dawlada Hoose ee Magaalada Burco.
Kuxigeenkani Dawlada waxa uu xusay inay soo dhoweynayaan suuqan, isla markaana soo kor dhindoonaan waxqabad cusub iyo dhakhli hor leh, isla markaana ay ka qayb dhigi doonaan suuqyada kale ee ay maamulaan Dawlada Hoose gaar ahaan amaanka iyo adeega kale ee la siiyo suuqyada Magaalada kaasi oo halkaasi kaga dhawaaqay inay taageerada ugu horeysa ee ay fidyaan ay tahay Haamaha Qashinka
Suuqan oo laga furey xaafad 5km, u jirta gudaha Magaalada oo ay dhistay Shirkad Wadaniya oo loo yaqaano Barako, ayaa waxaa uu ka kooban yahay ilaa 300 Qol, oo isugu jira Dukaano, Bakhaaro, iyo Kawaano Hilibka, kaasi oo ku fadhiya bed dhan 864m2.
C/laahi Daahir Jaamac ( C/laahi Baashe) oo u hadlay Mulkiilayaasha suuqaasi ayaa waxaa uu daboolka ka qaaday mar uu ka hadlayey furitaankan in suuqan oo ay ku baxday furitaankan lacag dhan $ 100,000 Dollor uuna dhismihiisa socday muddo 6 Bilooda kaasi oo ujeedada ka danbaysa ay tahay ka dib markay iskaashatada dhistay ay u muuqatay baahida ay u qabaan dadweynaha Xaafadan adeega suuqan ay go’aan sadeen inay uga gaa’iidaystaan.
Afhayeenka Iskaashatadan waxaa uu cadeeyey in uu dadka ku dhex ganacsan doona suuqan loogu balan qaaday muddo bila oo aan lacag lahayn isla, markaana looga kireyn doona si macquula.
Sidoo kalen Xildhibaan Caydiid Cabdi Kayd oo ka mida Xildhibaanada Golaha Guurtida ayaa isaguna suuqan ku tilmaamay astaan horumara oo horey loo qaaday, waxaanu ugu baaqay ganacsatada isu tagaan muruqooda oo ay hantidooda geliyaan dalka, iyada oo martida kale furitaankaas ka hadashay ay ka mid ahaayeen Shiikh Cali Warsame iyo Maxamuud Aadan Dheri.
Suuqan cusub ayaa waxaa uu noqon doonaa suuquu shanaad ee laga hir geliyo Magaalada Burco, iyada oo suuqyada kale ay gacan ta ku hayso Dawlada Hoose ee Magaalada Burco
Reported By: Yusuf Ibraahim Warsame
Ilka Case, Burco
By Email:
xagaa67@hotmail.com