Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Warsaxaafadeed ay xisbiga UCID Soo saareen

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Ducaysane_87
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3997
Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane

Warsaxaafadeed ay xisbiga UCID Soo saareen

Postby Ducaysane_87 » Sat Aug 01, 2009 11:23 am

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka
UCID
Justice And Welfare Party

Date, August 1, 2009





Ujeeddo: Warsaxaafadeed

Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka (UCID) isagoo tix-raacaya wareysigii Gudoomiyaha KDQ Jamac Maxamuud Cumar (Jamac Sweden) uu siiyay laanta Af-Soomaliga ee BBC-da maalintii taariikhdu ahayd 28/07/2009, waraysigaasi oo uu ku burburiyay hashiisyadii iyo xeerarkii ee ay wada Aqbaleen, wada saxeexeena 3-da Xisbi Qaran iyo komishinka doorashooyinka Qaranka, ee ahayd in la qaato natiijada ka soo baxda server-ka, waraysigaasi wuxuu baal marsanaa xeerarka ka soo baxay haya'daha sharciga ah ee Somaliland, ee ahaa "in aan lagu galin doorashooyika bilaa diiwangelin".

Dhawaaqa xubnahaas ka soo baxay ee xukuumaduna hagaysey waxay lid ku tahay geedi socodka diimooqraadiyada iyo xeerarkii la xidhiidha, dhabar jabna ku ah horumarkii iyo himiladii ummaddu higsnaysey, waxay kaloo niyad jab ku tahay bulshadii caalamka ee danaynaysey in ay ummaddani wax noqoto.

Xisbiga UCID wuxuu Golaha wakiilada u soo jeedinayaa in xubnahaas oo dambi culus Qarankan ka galay xasaanadda laga qaado si sharciga loo hor geeyo.

Xisbiga UCID wuxuu diyaar u yahay in uu doorashada ka qayb galo marka la ixtiraamo habkii hore loogu heshiiyay ee ahaa in la qaato natiijada ka soo baxda server-ka laguna hawlgalo, wakhtigii loo cayimayna lagu qabto.

Xisbiga UCID wuxu ku baaqayaa in nidaamkii doorashadu ku socotay dib loogu soo laabto, isla markaasna loo hogaansamo shuruucda dalka

Xisbigu wuxuu go'aansaday in aanu la shaqaynayn Guddida doorashooyinka inta ay 4-taa xubnood ee sharciga ku tuntay ay joogaan, gudoomiyane uu ka yahay Jamac Sweden. Xisbigu wuxuu ku dhaganyahay in aanu wadashaqan la yeelanayn gelaynna doorasho ay hogaaminayaana xunbanaasi laga bilaabo 01/08/2009.

Ugu dambeyn Xisbiga UCID wuxuu ugu baaqayaa dadwaynaha Reer Somaliland dibed iyo gudaba oo ay ka midyihiin:- Culumaa'udiinka, hogaan dhaqameedyada, Ganacsatada, ururada aan dawliga ahayn, saxaafada iyo aqoonyahanadu in ay difaacaan dimuqraadiyadii iyo nabadgeliyadii ay ku naaloonayeen 19-kii sanno ee ay Somaliland jirtey, oo maantana maraysa meel halis ah, oo ay ku dumikaraan guulihii la gaadhay iyo jiritaanka Somalilandba.





Alla Mahad Leh


Afhayeenka Xisbiga UCID

Md Xasan Xuseen Maxamed (Codyare)

http://www.qarannews.com/index.php?opti ... &Itemid=62

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: nnjrewzas112 and 24 guests