Hargaysa: Xisbiga UDUB Oo Maanta daah furay ololihii doorashada madaxtooyada
Written by Qarannews
Aug 04, 2009 at 11:10 AM
Hargeysa(QarannewsXisbiga talada haye ee UDUB, ayaa maanta markii ugu horeysay ka bilaabay gobolada iyo degmooyinka Somaliland ololihiisii doorashada Madaxtooyada Somaliland.
Boqolaal ka tirsan taageerayasha xisbiga UDUB oo ku lebisan shaadhadh iyo boodhadh ay ku xardhan yihiin sawirada Musharaxa madaxweynaha Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Musharaxa madaxweyne-ku-xigeenka Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, qaarkoodana ay ku qoran yihiin hal-ku-dhigyo ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan xisbiga UDUB.
Socod ku marayey dhamaan xaafadaha magaalada Hargeysa, kuwaasoo ku dhawaaqayey erayo ay ka mid yihiin UDUB ha guulaysato musharixiinteeduna ha guuleysteen.
Dadweynahaasoo ugu dambeyntii isu soo ururay fagaaraha beerta xorriyada ee magaalada Haregysa, halkaasoo ay taageerayaashooda kala hadleen xubno ka tirsan masuuliyiinta sare ee UDUB iyo madaxa sare ka tirsan xukuumada oo uu ka mid yahay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna murashaxa xisbiga UDUB ugu tartamaya jagadaa Md. Axmed Yuusuf Yaasiin.
Waxa kaloo ka mid madaxdii dadweynaha halkaa uga qudbadeeyay xubno wasiiro ah oo ay ka mid yihiin Wasiirka Hawlaha Guud, Wasiirka Arimaha Debada, oo isagu si qoto-dheer uga hadlay arimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin Dastuurka Somaliland, siyaasada arimaha debada iyo qabsoomida doorashooyinka Somaliland.
Gaar ahaan doorashada Madaxtooyada, waxaanu farta ku go'day booqashada labada xisbi mu'caarad ku joogaan magaalada Nayroobi, oo uu sheegay inay tahay goobtii uu muranka iyo ismaan-dhaafka weyni ka dhacay doorashadeedii, isla markaana waxa uu ku eedeeyay qaar ka mid ah madaxa halkaa joogta inay yihiin kuwii diidanaa in Somaliland Dastuur samaysto.
Inkastoo Md. Cabdilaahi Maxamed Du'caale aanu magac-dhebin midka uu yahay labada Guddoomiye ee UCID iyo KULMIYE kuwa diidanaa in Soamliand Dastuur samaysto, isla markaana doonayey in qabyaalada lagu shaqeeyo.
Ugu danbayntii waxa isaguna dadweyanahii faraha badanaa erayo kooban uga jeediyay madaxweyne ku xigeenka, mudane Axmed Yusuf Yaasiin, isaga oo dadweyanah uga mahad naqay isu soo baxooda balaadhan ee ay ku muujiyeen ololaha maanta, isla markaasina waxa uu ku guubaabiyay in ay adkeeyaan ama xoojiyaan oo ay sii laban laabaan taageerda ay u hayaan xisbiga UDUB.
La soco soco sawiro kale oo ku saabsan ololihii udub ee maanta
Qarannews






