BOORAME OO MAANTA SI WAYN UU UGA BILAAB MAY OLOLAHA DOORASHOOYINKU
Magaalada Boorame oo ka mid ah magaalooyinka waaweyne ee dalka Somaliland ayaa maanta si rasmi ah uga bilaban tahay ololihii doorashooyink madaxtooyda Somaliland ,hada fagaaraha Kheyriyada Borama waxaa ka bilaabmay saaka ololaha doorashooyinka Somaliland oo lagu balansan yahay 29 September 2009 la qabto.
Bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa iskugu yimid fagaaraha kheyriyada ee magaalada Borama, waxaana kasoo qeyb galay Guddoomiyaha G/Awdal, Maayarka Borama, Guddoomiyaha cusub ee xisbiga Udub ee gobalka Awdal Cabdicasiis Cismaan Raage, Guddoomiye K/xigeen Barkhad Cumar Xaaji Kheyre iyo Xoghayaha Cabdiraxmaan Maxamed Cumar.
Waxaana ugu horayn lagu furay sidii caadada ahayd aayadaha Quraanka kariimka ah , waxaa ugu horay halkaasi laga jeediya gabay ay dadku si aada ula dhaceen oo aad loogu amaanay xisbiga UDUB iy waliba madaxwayne Rayaale.
C/raxmaan Shide Bile Maayarka Borama oo xaflada furay waxuuna ka hadlay hay'ada Interpeace oo ku tilmaamay mid waday khiyaamo qaran , waxaana uu yidhi isago hadalkiisii siiwata markaanu dastuurka qaran iyo komishanka qaran go'aankii ay soo saaren ee ku saabsanaa ololaha dooraqsha in la bilaabo shalayto oo ay bishu ahayd 03/08/09 ahna mid waajib ah ,taasina waxaa halkiisii kasoo bixi waayay xisbiga kulmiye oo diiday, waana dad aan doonayn doorasho xalaal ah rabana in wadnku galo qas.
Xaflada ayaa si wanaagsan kusoo gab-gabowday waxaana si weyn ugu muuqday Guddoomiyaha cusub ee xisbiga UDUB ee gobalka Awda Cabdicasiis Cismaan Raage oo dar-dar xoogan lasoo kala baxay kaasoo taageeraaya Xisbigaan ee gobalada Awda iyo Salal aad ugu amaaneen mudada gaaban ee xilka uu hayay iyo howsha uu qabtay.
Warqabadka togaherer
Boorame











