Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Maamulka Cusub ee Gobolka SOOL

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Suldaan_JC
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 558
Joined: Sat Feb 23, 2008 4:23 pm
Location: The City of Burao and London
Contact:

Maamulka Cusub ee Gobolka SOOL

Postby Suldaan_JC » Sun Aug 16, 2009 10:04 am

1:Taliyaha Ciidanka Birmadka ee Gobolka Sool. (H/jeclo)


2:Maamulaha Cashuuraha Berriga Gobolka Sool ( Habar Awal)


3:Maamulaha Kastanka Gobolka Sool (Habar yoonis )


4:Maamule ku-xigeenka Kastamka (H/yoonis)


5:Xisaabiyaha Kastanka gobolka sool (H/jeclo)


6:Xeer ilaaliyaha Maxkamadda gobolka ( H/jeclo)


7:Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska (H/yonis)


8:Mamulaha Baanka gobolka sool (H/jeclo)


9:Maamule ku-xigeenka baanka (H/jeclo)


10:Xisaabiyaha baanka gobolka Sool (H/jeclo)


11:Taliye xigeenka CID-da Gobolka Sool (H/jeclo)


12:Taliyaha koowaad ee Maxkamadda gobolka Sool (H/jeclo)


13:Taliyaha koowaad ee Maxkamadda Degmada (H/jeclo)


14:Isuduwaha Wasaaradda Hawlaha Guud ee Gobolka (H/jeclo)


15:Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Sool (H/jeclo)


16:Xisaabiyaha Wasaaradda Caafimaadka (H/Jeclo)


17:Xisaabiyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sool (H/jeclo)

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30806
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Maamulka Cusub ee Gobolka SOOL

Postby Khalid Ali » Sun Aug 16, 2009 10:08 am

loooooooooooooool where did u get this
do u have their names 2 waleh gobolka sool waligeen ka kicii mayno :mrgreen:

User avatar
Gaashaanle_87
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 926
Joined: Thu Apr 02, 2009 7:37 am
Location: Kaydkii jacaylkaa riyo laygu keenaa' kabbo baan idhaahdaa mise waaba koob madhan :(

Re: Maamulka Cusub ee Gobolka SOOL

Postby Gaashaanle_87 » Sun Aug 16, 2009 10:09 am

Xagaad kasoo xigatay waxan?
Suldaan adiga iyo magacaagu isma lihidin! ...Qabyaaladdu waa shay qudhuna ee naga ilaali

User avatar
Suldaan_JC
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 558
Joined: Sat Feb 23, 2008 4:23 pm
Location: The City of Burao and London
Contact:

Re: Maamulka Cusub ee Gobolka SOOL

Postby Suldaan_JC » Sun Aug 16, 2009 10:14 am

:lol: :lol: :lol: :lol: :lol:

From Jidbaale

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30806
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Maamulka Cusub ee Gobolka SOOL

Postby Khalid Ali » Sun Aug 16, 2009 10:19 am

the full report



jidbaale.com. Waa xilli gabal dhac ah iyo duleedka Buuhoodle...

Waa Sidee Xaalada Gobolka Sool? (Qaybtii Labaad)
Written by Ismaaciil Aftaag
Sunday, 16 August 2009 00:16
Qormada Maanta (Jidbaale.com) hadaynu dib u yar milicsano xilligii maamulka iskiis isu magacaabay uu qabsaday magaalada Laascaanood, iyagoo adeegsanaya kuwo deegaanka u dhashay ee horgalada ah, oo iyagu sharaftii ummadooda ka doorbiday, inay u dulleeyaan qabiil maamul ku dhuumanaya, oo aanno hore iyo utuna la taahaya. Kuwo badan oo horgalayaashaasi ka mid ahi, waxay meelahaasi la wareegaalaysanayeen maanta ayeynu barwaaqo gaadhi doonaa, qaar kale waxay filayeen inay heli doonaan jagooyin u cuntama, balse markii lagu guuray (dan gaadhay!!), ayaa lagu yidhi afka dabaysha ka qarsada!!!!....

Run ahaantii kooxaha horgalada oo aan u aqaano Danley maalin dagaal, yacni kuwo dantooda wax walba u dhaafsada, waxay maanta meelahaasi la fadhiyaan catow iyo calaacal, waxay islahaayeen xilal waafi ah ayaad ka qaban doontaan gobolka Sool, balse indhahooda oo shan iyo toban ah, waxaa ilihii ay ku haminayeen oo dhan loo dhiibay kuwo dhalasho ahaan ka soo jeeda Burco iyo Hargeysa, horta nimaan quus aqoonin isagaa quus ahe, taasi dhirbaaxo weyn ma ku noqotey, mise xaalkooduba waxa weeye caduur dhaw dhawdu uma dhacsana.....


Xilalkii Ma Loo Dhiibay Danley Maalin Dagaal?!!!!


Hadaba si loo sii bahdilo, si loo tuso qiimaha aysan lahayn, si loogu muujiyo inay yihiin kuwo aan hadaf iyo mabda’ lahayn, dhamaan kaalimihii dhadhamada lahaa oo dhan, cidda lagu taxay hoos ka akhriso:


1:Taliyaha Ciidanka Birmadka ee Gobolka Sool. (H/jeclo)


2:Maamulaha Cashuuraha Berriga Gobolka Sool ( Habar Awal)


3:Maamulaha Kastanka Gobolka Sool (Habar yoonis )


4:Maamule ku-xigeenka Kastamka (H/yoonis)


5:Xisaabiyaha Kastanka gobolka sool (H/jeclo)


6:Xeer ilaaliyaha Maxkamadda gobolka ( H/jeclo)


7:Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska (H/yonis)


8:Mamulaha Baanka gobolka sool (H/jeclo)


9:Maamule ku-xigeenka baanka (H/jeclo)


10:Xisaabiyaha baanka gobolka Sool (H/jeclo)


11:Taliye xigeenka CID-da Gobolka Sool (H/jeclo)


12:Taliyaha koowaad ee Maxkamadda gobolka Sool (H/jeclo)


13:Taliyaha koowaad ee Maxkamadda Degmada (H/jeclo)


14:Isuduwaha Wasaaradda Hawlaha Guud ee Gobolka (H/jeclo)


15:Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Sool (H/jeclo)


16:Xisaabiyaha Wasaaradda Caafimaadka (H/Jeclo)


17:Xisaabiyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sool (H/jeclo)


Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa (Wanku Ilaa La Gowraco Indhihiisu Cirka Ma Eegaane), horta kooxihii horgalada ahaa, tani darsi ma u noqotay? Horeyse ma u dhacday intii dawladii dhexe burburtay qabiil xukuma gobol aanu u dhalanin? Mase dhacday xitaa intii maamulka Puntland joogay? Sow ma odhan karno waa shax uu ugu tala galay maamulka qabiilaysani inuu sidaasi u dhigo?


Bal hada dib u fiiri magaalooyinka kale sida hargeysa, burco, boorame, gabiley lama sheegin horgale ka soo jeeda deegaanada SSCayn oo xil ka haya?!!!......


Waa sidee Manhajka Waxbarasho Ee Gobolka Sool?


Waqtigii dawladii dhexe dalku manhaj sugan buu lahaa oo caafimaad qabay, wuxuuna ahaa mid si weyn loo agaasimay, loo nidaamiyey, dhan walbana laga dheelli tiraye, ka warama hadii gobolka Sool manhajka looga soo waariday Hargeysa, waaba magaalo soomaaliyeede, ka warama hadiiba ay ku soo lifaaqeen taariikhda ay ugu yeedhaan SNM (Soomaalida Midnimada Neceb)? Sow ayaan daro maaha dhashii daraawiisheed hadii lagu qulaamayo kood buur, lixle iyo kuwa ay ugu yeedhaan mujaahidiinta?!!...


Dhanka Nabadgelyada


Kuwa horboodayaasha ahi waxay ku andacoodaan nabadgelyadaanu sugnay, si ay maamulka Hargeysa maamuus iyo maalin dagaal uga helaan, waxay maalmo wadwadeen budhadh uruurin, tooray uruurin iyo qoryo gurid, balse mashruuc buu ahaayo, kuwo lufllufku gaadhin waxay yidhaahdeen, meesha waxba ma yaallaan



Hadayba taasi ku taamayeen, waxaaba hada ka bilaabantay kooxo rag iyo dumar isugu dhafan, oo meel walba furasho iyo fadhataysi ka bilaabay, isla markaasina kelifay inaan habeenkii la soconin, lafahana loo baqo.....markaa aaway danley maalin dagaal?!!!...


Docda Cashuuraha


Akhriste maalin dhawayd qoladan danley maalin dagaal (Horgale) waxay joojiyeen oday gaadhigiisa magaalada iska dhex wata, ka dibna keen bay yidhaahdeen cashuurtii? Odaygiina waar idin maba aqoonsaniye, maxaad ahaydeen buu ku yidhi? Odaygii iyo gaadhigiisaba xabsiga ayey dhigeen, waxaanay noqotey in boqol dollar oo laaluush ah lagu soo daayo....


Waxa ka soo baxa waxay ugu yeedhaan canshuuraha, oo dadku ku qabaan dhib aad u weyn, waxaana lagu qasbaa inay bixiyaan qiime aysan awoodi Karin, balse waxay xoog iyo juujuubka ku soo xareeyaan xagee bay aadaan? Ma gobolka wax loogu qabtaa? Mise rag jeebkood?...

Horgale amaba danley maalin dagaal marka laga siiyo waxay kiniin ku iibsadaan iyo waxay ku barjeeyaan iyo waxay ciyaalkooda dheriga loo saaro mooye, inta kale kuma hoyato gobolka Sool, waana arrin marag ma doon ah....
Kuwa kantaroolada joogaa ee danley maalin dagaal (Horgale) waxay ka amar qaataan wiilal yaryar oo ka yimi gobolada dariskeenna ah, waxaysan amrina ma socdaan, xitaa waxaan u soo taagna dhacdo ilaa haatan laabtayda ku qoran, gaadhi ka yimi dhinaca garoowe ayaa ka watay mid deegaanka u dhashay buu ahaa, waxaana lagu amray inuu bixiyo canshuur xad dhaaf ah...


Hase ahaate markii uu yidhi waar wax iga dhimana, waa laga ogolaaday, balse wiil qori sita oo ah kuwa deriskeenna ayaa yidhi, shillin lagaa dhimi mayo ee bixi hadii kale ka tag gaadhiga.... taasi waan u soo taagnaa........


Maantadana intaasaan kaga hadhayaa waa inoo qormooyinkeenna dambe...... waxaanse ku soo gunaanadayaa Danley Maalin Dagaal (Horgale) taariikhdu way is qoraysaa......



Jidbaale.com
Last Updated on Sunday, 16 August 2009 01:34

User avatar
Gaashaanle_87
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 926
Joined: Thu Apr 02, 2009 7:37 am
Location: Kaydkii jacaylkaa riyo laygu keenaa' kabbo baan idhaahdaa mise waaba koob madhan :(

Re: Maamulka Cusub ee Gobolka SOOL

Postby Gaashaanle_87 » Sun Aug 16, 2009 10:22 am

Khalid Ali
Maxaa ku dhacay Isaaq private section?


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 14 guests