This guy is willing to shoot riyaale , he said it on radio waheen
he is ucid Parliamentarian
xildhibaan Qabille oo Golaha Wakiilada ugu baaqay in ay Xilka ka qaadaan Rayaale iyo Ku Xigeenkiisa
Xildhibaan Qabille oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Golaha Wakiilada ayaa sheegay in ay Xukuumada Rayaale ku kacday fadeexadii ugu waynayd ee soo marta Taariikhda Somaliland ka dib markii.....
Hargeysa(GNS) Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Aqalka Wakiiladu in ay maamuus ka xayuubin ku sameeyaan Madaxwayne Rayaale iyo ku Xigeenkiisa, waxaanu ku eedeeyay in ay ku tagri faleen awoodii iyo xilkii ay Ummadu u igmatay.
Xildhibaan Qabille oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Golaha Wakiilada ayaa sheegay in ay Xukuumada Rayaale ku kacday fadeexadii ugu waynayd ee soo marta Taariikhda Somaliland ka dib markii, ay Ciidanka Somaliland ku amreen in ay xoog kula wareegaan Baarlamaanka Somaliland waxaanu arintaasi ku tilmaamay in ay karaamo dhac ku tahay shacbiga omaliland maadaama Xukuumada Rayaale ka xishoon wayday Golihii Wakiilaka ka ahaa Bulshada Somaliland isla markaana ay ku tagri fashay Hantidii iyo Awoodii Qaranka. “Waxa loo baahan yahay” ayuu yidhi Xildhibaan Qabille, “ in uu Goluhu xilkiisa guto oo uu maamuus ka xayuubin ku sameeyo Xukuumadan waqtigeedii dhammaaday ee bilawday cabudhinta iyo cadaadinta Wakiilada iyo Bulshada Rayidka ah.
Xukuumada Somaliland ayaa bilawday tallaabooyin ay ku hor joogsanayso habsami u socodka Hawlaha Baarlamaanka gaar ahaan Golaha Wakiilada iyada oo ciidamo soo tubtay Xarunta Golaha Wakiilada Somaliland.
Saciid Khadar Cabdillaahi
Gabiley News Reporter
Siciid-khadar@hotmail.comHargeysa, Somaliland