Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Burco: Halkan Ka Daawada Sawirada Goob Qaaliya Oo Dagaalkii

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Ducaysane_87
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3997
Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane

Burco: Halkan Ka Daawada Sawirada Goob Qaaliya Oo Dagaalkii

Postby Ducaysane_87 » Thu Oct 01, 2009 4:38 am

Hargaysa (Oodweynenew)- Dagaaladii dib-u-xoraynta ee Somaliland ka dhacay sannadadii sideetanaadkii iyo kuwii sokeeye ee iyaguna sagaashanaadkii wadanka ka dhacay, waxa ay sababeen burbur ballaadhan soo la soo gudboonaaday guud ahaan wadanka oo dhan.

Waxa ay si xun u burburiyeen kaabayaashii dhaqaalaha, kuwii caafimaadka, kuwii waxbarashada iyo guud ahaan xarumihii kala duwanaa ee Hay’adaha dawlada. Hasayeeshee arrinta ka muhiimsan ee intaaba la siistay waxa ay ahayd in la hanto dawladnimada xorta ah ee maanta Ummada Somaliland ku-nnaaloonayso.

Sidaa darteed, mar aan dhawaan safar ku tegay magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee Burco, ayaa intii aan halkaa ku sugnaa waxaan booqday sidaad sawirada xagga hoose-yaalaba aad ku aragtaan xarrun runtii aad layaab leh, marka laga hadlayo qaabka ay dhisan tahay iyo meesha istaraatiijiga ah ah ee ay ku taalo.




Waa xarun dhismaheedu ka duwan yahay magaalada inteeda kale, oo ay ku yaalaan guryo si layaableh loo nashqadeeyey loona qaabeeyey. Laakiin marka aad dhex-gasho aad si weyn uga naxayso dayaca iyo baaba’a ka muuqda.

Waa xarun aan weli nasiib u helin gacal ka naxa oo dayac-tira, isla markaana uga hiilaya darxumada iyo bururka ay sugan tahay, waa xun ka fadho-madhan dadaaladii kala duwanaa ee wadanka dib loogu dhisayey.

Haddii la dhiso oo wax laga qabto, waa xarun noqon karaysa jaamacada ugu quruxda badan ee Somaliland laga hirgeliyo amaba goobta wax-barasho ee wadanka ugu bilicda wanaagsan.

Habada, xaruntaasi maxay ahayd? Waa Iskuulkii farsamada gacanta ee Burco, oo ahaa Iskuul dhismihiisa ay ku fara-yaraysatay dawlada Jarmalku, laakiin si xun ugu burburay dagaaladii wadanka ka dhacay.

“Runtii Anigu waxaan iskuulkaa ka baxay 1988-kii, iskuul aan ku qiyaaso oo la mid ahi waddanka kuma yaalo. Waxa uu ahaa Iskuul lagu baran jiray aqoon aad muhiim ahayd, taas oo ay ka mid ahayd Electircity, Mechanical Engineering, Auto Mobille, qaabka loogu shaqeeyo Tornada ee loogu jarjaro looguna farsameeyo Biraha iyo waxyaabo kale.” Sidaa waxa yidhi Jaamac Yuusf Ubaxle oo iiga xog-waramayey waxyaabihii lagu baran jiray Iskuullkaas.

Waxaa kaloo Jaamac uu ii sheegay in Iskuulkaas lagu baran jiray aqoonta la xidhiidha waxyaabahaas uu xusay in lagu dhigan jiray Iskuulka sida Physic-ka, Xisaabta iyo wixii la hal-maala. “Runtii waxa uu ahaa Iskuul aad iyo aad u qiimo badan oo aan la qiyaasi Karin faa’idooyinkii uu wadanka u lahaa.” Ayuu yidhi Jaamac Yuusuf.

Sida uu Jaamac sheegay Iskuulkaasi waxa uu ahaa goobaha waxabasho ee wadanka ugu heerka sareeyey, iyada oo ay wax ka baran jireen dadka danaynaya inay bartaan aqoonta Electricity iyo ta Baabuurta, waxaana uu ahaa Dugsi farsamo.

Iskuulkii noocaas ahaa, hadda waxa uu ku sugan xaalad aad iyo aad looga naxo, waana fool-xumo iyo ceeb dul-hurada dadweynaha Gobolka Togdheer, maadaama oo uu ku yaalo magaalo madaxdoodii. Mar labaadka waa ceer Somaliland haysata maadama oo uu sida oo kale ku yaalo Caasimadii labaad ee Somaliland.

Ugu damaybayntii qordamani waxa ay ku boorinaysaa cid kasta oo danaynaysa horumarka wadanka, tayada iyo wanaaga tacliinta, xaqiijinta iyo hanashada aqoonta ku dhisan Tignoolijiyada casriga ah, waa in ay ka qayb-qaadataa dhismaha Iskuulkaa dalka iyo dadkaba faa’idada u leh.

Waxaa kaloo qormadani si gaar ah ugu dhiiri-gelinaysa Jaaliyadaha kala duwan ee dhushay Gobolka Togdheer, waa inay guntiga dhiisha isaga dhigaan sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen dadaalada loogu jiro dib-u-dhiska Iskuulkaa.



Waa kuwan Sawiradii Iskuulku ee daawasho Wanaagsan:-

1- QAYBTA KOOBAAD MUUQAALKA GUUD EE ISKUULKA IYO SIDA UU DUSHA UGA BURBURAY:



1- MUUQAALKA SIDA UU NOQDAY GUDAHA DHISMUHU;-


Dhismaha gudihiisa oo caruurtu Garoon-kubadeed ka samaysteen




C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/heersare]

Oodweynenews.com/ Hargaysa/Somaliland

Cabdiheersare01@hotmail.com/heersare2009@gmail.com



http://www.oodweynenews.com/display_pag ... leid=10829

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 9 guests

cron