Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Suldaan-Cali Cumar Saalax- Sacad Yoonis arrives at ceerigabo

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
AbrahamXirsi
Posts: 136
Joined: Wed May 05, 2010 7:09 pm

Re: Suldaan-Cali Cumar Saalax- Sacad Yoonis arrives at ceeri

Postby AbrahamXirsi » Tue Aug 03, 2010 4:03 pm

Image


Ceerigaabo(Oodweynenews) Suldaankan guud ee beelaha Yoonis Ismaaciil (H/Yoonis) ayaa maalmo yar kaddib markii uu kasoo kicitimay carriga Ingiriiska oo uu deggan yahay isagoo kazoo degey haroonka diyaaradaha Egal International Airport ee magaalada Hargeysa wuxu maalintii khamiista(maanta) gaadhey magaala-madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.halkaas oo suldaanka si weyn oo aan kala hadh lahayn loogu soo dhoweeyey, iyadoo dadweye iyo gaadiid tiro badani kaga hor tageen qiyaastii dhawr iyo toban kilometer meel dhinaca galbeed ka xigta magaalada Ceerigaabo kaddibna sidaas lagu soo geliyey gudaha magaalada Ceerigaabo.


Image


Haddaba soo dhowaynta Suldaan-Cali Cumar Saalax oo bulshada ka qayb qaadatay aan lasoo koobi karin ayaa dhinaca madaxda dawladda ee soo dhowayntan ka qayb qaadatay waxa ka mid ahaa Wasiir-xigeenka Caddaaladda Yuusuf Ciise (Tallaabo). Badhasaabka gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre. Taliyaha ciidanka qaranka gobolka Sanaag Suld-Muuse Jaamac Delef.

Dhinaca madax-dhaqameedyada beelaha reer Sanaag ee iyaguna soo dhowayntan ka qayb qaatay ayaa waxa ka mid ahaa Wakiilka Suldaanka Guud ee beelaha H/Yoonis-bari Siciid Suldaan Cali Ducaale, Boqor-Maxamed Nuux Aadan, Wakiil-Maxamed Boqor Axmed,

Chief-caaqil-Jaamac Ismaaciil Muuse Chief-Caaqil-Xuseen Xasan Cali Chief-Caaqil-Saalax Maxamed Xirsi Chief-Caaqil-Maxamed Cabdi Soofe Chief-Caaqil-Axmed Xasan (Axmed-khayr) Caaqil-Axmed Iddiris, Guddoomiyaha beelaha H/yoonis-bari C/naasir Cali Jaamac Guddoomiyaha beelaha Harti Siciid Maxamuud Ismaaciil iyo madax-dhaqameedyo kale oo fara badan.

“Waxaynu maanta halkan kusoo dhowaynaynaa Suldaan-Cali Cumar Saalax oo aniga saaxiibkay ah, iskuulkana aannu isku xilli ahayn, Hargeysana labadayada guri isku dheggan yihiin maantana suldaankeennii ah”. Sidaas waxa yidhi Wasiir-Tallaabo oo munaasibadda soo dhowaynta suldaankan ka hadlay. Isagoo intaas kusii daray “Waxan kaloo u magad naqayaa hawlwadeennadii soo abaabuley soo dhowayntan, idinkoo magaceenniina kor u qaaday”.


Image



Suldaan-Cali Cumar Saalax oo isaguna fagaarahan hadal kooban oo mahadnaq ah ka jeediyey ayaa yidhi “Dhammaan madax-dhaqameedyada beelaha ito madaxda dawladda guud ahaan reer Sanaag waxan idinku salaamayaa salaanta islaamka, salaam kaddibnawaxan si weyn idiinkaga mahad celinayaa sida lama illaawaanka ee aniga iyo weftigayga aad halkan (Ceerigaab) noogu soo dhowayswwn ee aad meel fog noogaga hor timaaddeen, waana mid aanan marnaba illaawi doonin oo aadna aad ugu mahadsan tihiin”.

Waxana Suldaanka lagu soo wareejiyey dhammaan suuqyada magaalada Ceerigaabo iyadoo markii danbena lagu dejiyey suldaanka iyo weftigiisa guri weyn oo halkaas (Ceerigaabo) looga sii diyaariyey.


Image


Oodweynenews.com

Ceerigaabo



http://www.oodweynenews.com/display_pag ... leid=11188



Mashallah. :up:

User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan
Contact:

Re: Suldaan-Cali Cumar Saalax- Sacad Yoonis arrives at ceeri

Postby Bohol iyo karaman » Wed Aug 04, 2010 3:42 am

Abraahim Xirse welcome to the net,

Suldaan Cali Cujmar Salaax Ilaahay cimrigiisaa hadaayo, Suldaanka Guud ee beesha Yoonis Ismaaciil, Durbaba wuxu qabtay shaqo badan sidaan maqlay :up:

User avatar
AbrahamXirsi
Posts: 136
Joined: Wed May 05, 2010 7:09 pm

Re: Suldaan-Cali Cumar Saalax- Sacad Yoonis arrives at ceeri

Postby AbrahamXirsi » Sat Aug 14, 2010 4:09 pm

Inshallah. :up:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 12 guests