Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Ciimada Amaanka Burco Oo Maanta Gacanta-ku-dhigay Ninan Ku H

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Ducaysane_87
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3997
Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane

Ciimada Amaanka Burco Oo Maanta Gacanta-ku-dhigay Ninan Ku H

Postby Ducaysane_87 » Tue Oct 13, 2009 5:32 pm

Ciimada Amaanka Burco Oo Maanta Gacanta-ku-dhigay Ninan Ku Hawlanaa Falal Is-garxin Ah Iyo Walxaha Is-qarxinta Oo Dhamaystiran


Burco (Oodweynenews)- Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Md. Jaamac Cabdilaahi Warsame [Biin], ayaa maanta shaaca ka qaaday in ciidanka amaanku hawlgal ay sameeyeen ku soo qabteen dad ku hawlaan falal la xidhiidha is-qarxin la-la damacsanaa xarunta gobolka Togdheer ee Burco, kuwaas oo lala soo qabtay walxo badan oo iskugu jira waxyaabaha qarxa iyo qalabkii lagu farsamaynayey.

Waxaa kale oo Gudoomiyuhu sheegay, in hawlgal kan lagu fashiliyey dadkaa is-qarxinta maaganaa ay fududaysay talaabooyin baadhitaano ah oo ay ciidanka boolisku maalmihii ugu dambeeyey ka wadeen magaalada Burco, ka dib markii la helay wararka la xidhiidha jiritaanka dad ku hawlan in falal ar-gagixiso ah laga fuliyo goobaha mihiimka ah ee ku yaala magaalo madax-da Gobolka Togdheer ee Burco.

Md. Jaamac Cabdilaahi Biin waxaa uu sidan ka sheegay mar uu maanta u waramayey laanta af-ka somaliga ee idaacada BBC-da. “Waxaa la qabtay oo la daba-socday niman budheeyey nin yidhi muslimku xaqa ah ku dagaalamo, xaq darrada-na ah iska daayo, oo dadka lugaha iyo gacmaha la jarayaana waa xaaraan ee ah la iska daayo. Sidaas awgeed daba galkaygu waxaa uu ahaa in la soo qabto labadaa nin, waxaana saaka subaxnimadii la soo qabtay mid ka mid ah kaas oo ay ciidanka amaanku ugu galeen gurigiisa kuna jabiyeen, waxaana loogu tagay qalabkii wax lagu qarxinayey oo dhan.” sidaas waxaa yidhi Guddoomiyaha Togdheer.

Waxaana uu intaas raaciyey Gudoomiyuhu hadalkiisa oo uu yidhi “Waxaa qabashadda ninka gacan weyn ka siiyey booliska dadweynaha reer Burco, waxaana ay shacabku aad ugu mushquuleen in waxani ahaa wax aanay filayn, imikana waxaan leeyahay shacabka dadka waxaa sita ee dhibaatada wada ee muslimka gubaya ha la qabto.”

Gudoomiyuhu waxaa uu mahadnaqay dadweynaha reer Burco oo ku tilmaamay muwaadiniin dalkooda jecel “Dadweynaha reer Burco waxaan ugu mahadnaqayaa sida wanaagsan ee ay u la shaqeeyeen ciidanka booliska, immikana waxaan leeyahay [reer Burco], haday taasiba dhacday waxyaabo kale oo badan ayaa jiree dadyahow idinkaa is oge oo is arki kara bileyskiina la shaqeeya waxaana tihiin muwaadiniin dalkooda jecel” Gudoomiyuhu waxaa intaas ku daray inay qabteen nin kale oo isagana baadhisi ku socoto kaas oo looga shaki qabo in uu qayb ka yahay falal ar-gagixiso ee la la damacsanaa.” Ayu yidhi Gudoomiye Jaamac Biin.

Dadweynaha reer Burco ayaa ilaa maanta si weyn ugu hawlanaa hadal-haynta dadka loo qabtay falalkaas is-qarxinta ah, iyaga oo dareenno cadho leh ka muujiyey kuna baaqay in tallaabo adag laga qaado dadkaas.

Qabadasha nimankan ayaa ku soo beegantay xilli dhawaan magaalada Haragaysa laga qabtay nin isaguna haysta qalab fara badan, oo ka kooban walxaha loo adeegsado falalka is qarxinta.

C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/heersare]

Oodweynenews.com/ Hargaysa/Somaliland

Cabdiheersare01@hotmail.com/heersare2009@gmail.com


http://oodweynenews.com/display_page.ph ... leid=11304

Dhaga Bacayl
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8363
Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
Location: H-Town in Somaliland

Re: Ciimada Amaanka Burco Oo Maanta Gacanta-ku-dhigay Ninan Ku H

Postby Dhaga Bacayl » Tue Oct 13, 2009 5:43 pm

Excute them in public. No trial should be granted.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 6 guests