Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Gudoomiye Ku Xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland Oo Si Kulu

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Gudoomiye Ku Xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland Oo Si Kulu

Postby MrPrestige » Fri Oct 16, 2009 2:34 am

Gudoomiye Ku Xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland Oo Si Kulul Uga Jawaabay Hadalo Fool-xun Oo Ka Soo Yeedhay Garaad Ay Kasoo Wada-jeedaan Gobolka Sool

Hargaysa (Oodweynenews)- Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faaraxa, ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadalo dhaleecayn iyo meel-ka-dhac isugu jira oo Garaad Jaamac Garaad Cali u soo jeediyey dawlada Somaliland, isaga oo garaadku ku andacooday in Somaliland ku soo duushay Gobolada bariga Somaliland ee Sool iyo Sanaag Barri.

Gudoomiye ku xigeenkalabaad ee Golaha Wakiiladu waxa uu sheegay in Garaadku ku hadlay wax aan looga fadhiyin in qofka madax-dhaqameed ahi ku hadlo, isaga oo ku eedeeyey in uu i Garaadku wado kicin iyo abaabul dagaal oo aan haba-yaraatee wax dani ugu jirin dadka deegaankaas ku nool.

Waxana Md. Baashe uu sidan ka sheegay xog-waran kooban oo uu galabta siiyey laanta afka Somaliga ee Idaacada BBC-da, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Garaadku waa garaadkaygii [Garaad Jaamac] waana ana dhegaysanayey hadalkiisii, hadalo badan oo aan looga baran garaadada ayaa ku jiray. Waxa weeye Sool waxa ay ka mid tahay Somaliland oo Garaadkuna waa ogyahay, wuxuum-baanu u qaadanaynaa hadaladiisaa kuwo uu dadka uun ku kicinayo, hasayeeshee wax allaale iyo wax ay faa’ido keenayaan ma jiro.”

Waxaana uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Shirka lagu qabtay Nairobi waxaanu u aragnaa shir dhaqaale lagaga raadsanayo Hay’adaha Nairobi degan, wax uu u soo kordhinayo Sool, Sanaag iyon Cayn midna ma jirto.”

Mar uu Gudoomiye Baashe ka hadlayay gacan-ku-haynta maamulka deegaanadaas waxa uu yidhi “Waxaa weeye deegaankii ayaanu nahay, deegaanka waxaa jooga Ciidamo dhulbahante ah oo halkaa u dhashay, waxa xukuma ee guud ahana maamulka deegaanka gacanta ku hayaa waa dadkii halkaas u dhashay.”

Waxaana uu intaa ku ladhay oo uu yidhi “Waxa layaabka leh waa hadalada ka soo yeedhe Garaad oo dadka inay sii kala fogayso mooyee, wax allaale wax faa’id o ah oo ay dadka u leedahay ma jirto, colaad ayuumbuu sii kordhinayaa, afka uu ku hadlayaana maaha afkii garaadada looga bartay oo wilaba isaga oo ina Garaad Cali Ah hadaladaa in uu ku hadlaa waa ceeb.”

C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/heersare]

Oodweynenews.com/ Hargaysa/Somaliland

Cabdiheersare01@hotmail.com/heersare2009@gmail.com

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: nnjrewzas112 and 8 guests