Postby Koreeye » Fri Oct 16, 2009 5:30 pm
more reliable 1
Qaabka Hab-Beeleedka Ay Xildhibaanada Guurtidu Ay Saami Qaybsiga Kuraasida Beelaha Ay Ugu Fadhiyaan +Liiska Xildhibaanada Guurtida Dhaxalka Ku Soo Galay Iyo Odayaashii Rug-Cadaaga Ahaa Xubnaha Kuraasidoodii Ku Fadhiya
Hargeysa (Oodweynenews)- Golaha Guurtida Somaliland oo ah golaha Odayaasha, isla markaana ah waaxda labaad ee xeer-dejinta oo 1997-kii lagu soo dhisay shirweynihii beelaha Somaliland ay isugu yimaadeen oo lagu qabtay hoolka Shaqaalaha dawladda ee caasimadda dalka ee Hargeysa, oo beelaha Somaliland ay ku soo qaybsadeen 82-ka kursi ee uu ka kooban yahay aqalka golaha guurtidu ayaa u muuqda mid si weyn ay wax isaga bedeleen Ergooyinkii 1997-kii ay beelahaasi ku soo Magacaabeen shirweynahaasi, kuwaas oo kala badh odayaashii golaha guurtidu ee xiligaasi ay baddidoodu wada geeriyoodeen, kuwaas oo Kuraasidoodii ay si dhaxal ah ugu soo fadhiisteen wiilashoodii iyo xubno da’ ahaan iyo maqaam ahaan ay u kala duwanaayeen, halka ay odayaal ka tirsanaa golahaasi ay iyaguna siyaalo kala duwan ay isaga casileen.
Xildhibaanada dhaxalka ku soo galay golahaasi oo tiradooda lagu qiyaaso inay gaadhayaan dhawr iyo 40 xildhibaan bal aynu eegno odayaasha rug caddaaga ahaa mid kasta xubinta kursigiisii fadhiya:
1- Guddoomiyihii hore ee golaha guurtida Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, waxa kursigiisii dhaxal ugu soo fadhiistay walaalkii Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Sheekh Madar.
2- Marxuum Suldaan C/raxmaan Sheekh Muxumed oo ka mid ahaa odayaasha waaweyn oo ay soo magacaabeen beesha galbeedka Hargeysi Shirweynii 1997-kii, waxa kursigiisii ka dhaxalay Wiilkiisa Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan.
3- Marxuum Maxamed Gaaxnuug Goosh-cadde oo ka mid ahaa xubnaha guurtida ugu jiray beesha Bali-gubadle waxa kursigiisii ka dhaxalay Wiilkiisa C/casiis Maxamed Gaaxnuug oo ah wiil dhalinyaro ah.
4- Marxuub Sheekh Muuse Jaamac Goodaad oo ka mid ahaa ergadii beesha Awdal ay soo doorteen, waxa kursigiisii isna dhaxlay Daahir Cali Jaamac oo uu addeer u ahaa.
5- Marxuum Quule Qaasaali oo isaguna ahaa xubnihii beesha Bali-gubadle, waxa kursigiisii dhaxlay wiil uu dhalay oo la yidhaahdo C/raxmaan Quule.
6- Marxuum Ismaaciil Qardhab oo isna ka mid ahaa xubnaha beesha Bali-gubadle waxa kursigiisa isna dhaxal ugu fadhiya Wiilkiisa oo la yidhaahdo Khadar Ismaaciil.
7- Marxuum Faarax Axmed oo ka mid ahaa ergadii beesha Bali-gubadle ee guurtida waxa isna ka dhaxlay wiil uu dhalay oo fanaan ah oo magaciisa la yidhaahdo Jaamac Faarax (Jaamac Riyo).
8- Marxuub Xuseen Sahal Ciise oo isaguna ka mid ahaa odayaasha guurtida ugu jiray beesha Bariga Burco waxa isagana kursigiisa dhaxalay wiil uu dhalay oo magaciisa la yidhaahdo Axmed Xuseen Sahal.
9- Marxuub Xuseen Cali Jaamac oo isaguna ka mid ahaa xubnaha Guurtida ee Beesha Barigaasi Burco waxa isna kursigiisii dhaxalay ugu fadhiya wiil uu addeer u ahaa oo la yidhaahdo Sahal Iidle.
8- Marxuum Cali Ogaal oo ka mid ahaa odayaashii beesha Bariga Burco laga soo magacaabay waxa isagana kursigiisii dhaxlay Axmed Dirir Cali.
9- Marxuum Axmed Shire Xuseen Oo isaguna ka mid ahaa odayaasha Beeshaasi Bariga Burco waxa isna kursigiisii dhaxlay walaalkii Siciid Shire Xuseen.
10- Marxuum Nuur Sugaal oo ka mid ahaa odayaasha beesha Saylac ay u soo magacawdeen golaha guurtida waxa isna kursigiisii dhaxlay wiil uu dhalay oo isna la yidhaa Maxamed Nuur Sugaal.
11- Marxuum C/laahi Garas Seed oo ka mid ahaa odayaashi beesha Saaxil waxa isna kursigiisii dhaxlay walaalkii Saleebaan Garas Seed.
12- Marxuum Cabdi Faarax Maxamed oo ka mid ahaa odayaasha beesha Sool ee shirweynahaasi lagu soo magacaabay waxa isna kursigiisii si dhaxal ah ugu fadhiya wiil uu dhalay oo la yidhaa C/raxmaan Cabdi Faarax.
13- Marxuum Xaaji Yasir oo ka mid ahaa odayaasha beesha Galbeedka Burco, waxa isna kursigiisii dhaxlay Siciid C/laahi Yasir oo uu adeer u ahaa.
14- Marxuum Gacmo-Dheere oo ka mid ahaa odayaasha beesha bariga Sanaag ugu jiray guurtida waxa isna kursigiisii dhaxal ugu fadhiya nin lagu magacaabo C/laahi Maxamed Huruse oo ay isku beel ahaayeen.
15- Marxuum Maxamed Siciid Dhiif oo ka mid ahaa odayaasha beesha bariga Sanaag waxa isna kursigiisii dhaxlay nin lagu magacaabo Siciid Cali Nuux.
25. Marxuum Cali Duule, oo ka mid ahaa ergadii ay beesha Saylac u soo igmadeen kuraastooda golaha guurtida oo geeriyooday waxa kursigiisii dhaxal ugu fadhiya xildhibaan Axmed Daahir Jirde, oo ka mid ah xildhibaanada beesha Saylac.
26. Marxuum Cali Ogaal oo ka mid ahaa odayaashii beesha bariga Burco, waxa isagana kursigiisii dhaxal ugu fadhiistay xildhibaan Axmed Dirir Cali, oo ka mid ah xildhibaanada beesha bariga Burco ee golahaasi.
27. Marxuum Aw Jaamac Saban oo ka mid ahaa odayaasha beesha bariga galbeedka iyo woqooyiga Hargeysa ay u soo xusheen 97kii golaha guurtida waxaa kursigiisii golahaasi dhaxal ugu fadhiya, Sheekh Khaliif Sh Xasan Gudaal oo ka mid ah odayaasha waaweyn ee rug-cadaaga guurtida.
28. marxuum Cismaan Cali Bile, oo ka mid ahaa ergadii beesha Saylac ay usoo xulatay guurtida waxaa kursigiisii dhaxal ugu fadhiya xildhibaan Axmed Maydhane Shibiin oo ka mid aha xildhibaanda beesha Saylac ugu matala golahaasi guurtida.
29. Marxuum Cali Cumar Axmed (Cali dheere) oo ka mid ahaa ergadii beesha Sool usoo xulatay saamigooda kuraasta guurtida, waxa isagana kursigiisii ka dhaxlay walaalkii xildhibaan Xasan Cumar Axmed, oo ka mid ah xildhibaanda beesha Sool ee golahaasi.
30. Xildhibaan Sh C/raxmaan Maxamed Muuse, ayaa isaguna kursigii uu baneeyay wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh Maxamuud Suufi Muxumed, oo ka mid ahaan jiray intaan loo magacaabin jagada wasiirnimo, waxa buuxiyey kursigiisii-----
31. Gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa waxa isagana kursigiisii uga tanaasulay, Maxamed Diiriye oo ka mid ahaa xubnihii beesha bariga Burco soo xulatay.
32, Sheekh C/llaahi Sh Cali Jawhar oo ka mid ahaa odayaashii beelaha Awdal ay u soo xushay golahaasi, oo isagu iska casilay xubinimadii golahaasi ayaa waxaa isagana kursigiisii dhaxlay walaalkii xildhibaan C/wahaab Sh Cali Jawhar, oo ka mid ah xildhibaanda Awdal ugu jira guurtida.
33. Xildhibaan Ismaaciil Cabdi Ducaale oo ka mid ah xildhibaanda beesha bariga Burco ee guurtida ayaa isaguna kursiga uu ku fadhiyey ka dhaxlay walaalkii Cali Cabdi Ducaale (Xuunsho) oo isaga goluhu ku qaaday maamuus ka xayuubin.
Qaabka Hab-Beeleedka Ay Xildhibaanada Guurtidu Ay Saami Qaybsiga Kuraasida Beelaha Ay Ugu Fadhiyaan;
Qaybtanina waxa ay ka hadlaysaa magacyada xildhibanada iyo saamiga kuraasta beesha bariga burco oo ku leh 14 kursi, waxa ay xildhibaanada beeshaasi magacyadodu kala yihiin:
1 Gudomiyaha golaha guurtida Md Saleebaan Maxamuud Aadan 2.Cawil Xuseen Axmed, 3 Maxamed Jaamac Abokor 4.Axmed Dirir Cali 5. Ismaaciil Cabdi Ducaale 6. C/raxmaan Cismaax Xasan 7.Maxamed Maxamuud Diiriye 8. Maxamed Ducaale Qurux 9. Cawil Cismaan Dawiil 10. Siciid Shire Xuseen 11. Axmed Xuseen Sahal.12. Caydid Maxamed Cabdi 13.Aadan Shire Xuseen 14. Sahal Iidle
Beesha Habar-Awal, kuraasta ay ku leedahay golahaasi guurtida
1.Muxumed Aw Axmed Xaaji 2. Aadan Suldaan Ismaciil Suldaan Cabdi 3.Sh Khaliif Xasan Xasan Gudaal 4.Sh C/raxmaan Maxamed Muuse 5. Xaashi Cabdi Mooge Kharaj 6. C/raxaan Sh Yuusuf Sh Madar 7.Xasan Axmed Faarax Boobe 8.Axmed Jaamac Carab 9.Saleebaan Garas Seed.
Beesha Garxajis ayaa saamiga kuraastoodu yahay uu yahay
1.X Cabdi Xuseen (C/waraace) 2.Maxamuud C/llaahi Qaalib 3.Dheeg Maxamuud Yasiin 4. Faadumo Jaamac Raage 5. Axmed Muuse Obsiiye 6.Cumar Nuur Waaye 7. Ibraahin Aw Nuur Jiciir 8. Maxamed Nuur Cigaal 9.C/llaahi Ibraahin Dhugad 10. Farxaan Ciise Ubaxle 11.Siciid C/llaahi Yasir.
Beesha Balligubadle oo leh 6 Kursi.
1.C/qaadir Aw Xuseen Mire 2. C/casiis Gaaxnuug Boosh-cade 3. C/raxmaan Qawdhan 4. 4.Khadar Ismaaciil Qardhab 5. Jaamac Faarax (Jaamac Riyo) 6. C/raxmaan Quulle.
Beesha Ayuub waxay ku leedahay 3 kursi
1.Gudoomiye ku xigeenka guurtida Sh Axmed Sh Nuux Furre 2. X C/raxmaan Cismaan Jaamac 3. Cali Aadan Qaliinle.
Beesha Toljecle 2 kursi
Haybe 2 Cabdi Maxamed Woqooyi
Beesha Sool iyo Buuhoodle
1.Cawil C/llaahi Caydiid 2.Axmed Xasan Saalax 3. Xirsi 4. Maxamed Weli Warsame 5. C/qaadir Maxamed Indho 6. Xasan Cumar Axmed 7 Cumar Faarax Budeeye 8. Muuse Ciise Xamari 9. C/Rashiid C/llaahi Fakar 10. Cismaan C/llahi Maja-qariye 11. C/raxmaan Cabdi Faarax.
Beesha bariga Sanaag oo leh 7 kursi
1.Gudoomiye ku xigeenka labaad Siciid Jaamac Cali 2. Siciid Cali Nuux 3. Maxamed Nuur Shir-tag 4. Faysal Axmed Ismaaciil 5. C/llaahi Maxmed Huruuse 6. C/salaan Maxamed Siciid 7. Maxmed Xuseen Huruuse.
Beesha Awdal oo ku leh 10. kursi
1.Maxamuud Xareed Rooble 2. C/raxmaan Axmed Aareeye 3. Daahir Cali Jaamac Goodad 4. Saalax Madar Xoosh 5. Diini C/llaahi Hindi 6.C/wahaab Sh Cali Jawhar 7 Nuur Rayaale Khayre 8. Ibraahin Ciise Buux 9. Yuusuf Axmed Ugaas.10 Suldan guray Nuur ayaa isaga kursigiisi banana yahay oo dhawaan geeriyooday.
Beesha gobolka Saylac oo iyadu ku leh saamiga kuraasta 4 kursi
1.Sh Maxamuud Xirsi Faarax 2. Axmed Daahir Jirde 3.Maxamed Nuur Sugaal 4.Axmed Maydhane Shibiin
Beelaha laga tirada badan yahay ayaa iyaguna ku leh aqalka guurtida, oo saami ahaan min hal kursi looga qoondeeyay
Beesha Aabo Yoonis waxa kurigooda uga matala C/llaahi Sh. Xasan Cismaan beesha Gahayle.
2. Axmed Nuur Aw Cali 3. Yuusuf C/llaahi Cawaale, oo ku matala beesha Madigaan 4.Sheekh Cumar Furre, oo ku fadhiya kursiga beesha Akisho 5Jirde Siciid Axmed, oo isaguna ku fadhiya kursiga beelaha Gabooye.
Dhinaca kale waxaynu halkaasi ku soo gabagabaynay saamigii kuraasta 82ka kursi uu ka kooban yahay aqalka guurtida, waxaanu qormada qaybta 6aad idinku soo gudbin doona, xubnaha golaha wasiirada ee qoysaskoodu dibadaqha degan yihiin iyo inta haysata baasaabooro dalal shisheeye.
Haatuf