Halgankii Ummada
&
Hamigii Lixle
(IHUN)
Bahda Mareegta Farshaxan
Oktoobar 17, 2009
“Ma maanta ayaan odhan karayaa Lixle, Kood-buur, iyo Axmed-dhagax way iska
dhinteen? Ma awoodi karno in aynu sidaa nidhaahno. Ma maanta ayaa laga saari karayaa
halgankii ummaddani lahayd waxbarashadii, waannu aragnay oo way dhacday. Wasiirka
Waxbarashada aad baan uga xumahay da’diisa marka aynu eegno iyo inuu u habrado afar
inan oo aynaan garanayn oo UNESCO u shaqeeya oo la dagaalamaya taariikhda
Somaliland, halgankii ummadda iyo waxay ummaddani soo martay”.
Sh.Aadan Siiro
Bowdada markii aan ka jabay, boqonka taaggiisa
Habeenkiiba waa i bidhan lahaa, bahalkii cawlnaaye
Raggii buurta dheer igala baxay, beerka ka ogsooni
Bah-Cillaamo goortay dhammaan, iga dul booyaysey
Bah-Sadhaysna "baga" inay i tidhi,beerka ka ogsooni
Ninkii Burunji inuu iga cuno, ii barriidinaayey
Ee aan bar kale ii tarayn, beerka ka ogsooni
Ninkii Belad shisheeye iga jiray, ee soo bixi waayey
Ee in aan bogsado uun jeclaa, beerka ka ogsooni
Laxaad waa badhaadhee hadduu, ii bogsado xooggu
Haddii uu biixiyaha Eebbahay ,isugu kay beego
Abaal badh ah abaal bur ah abaal bur iyo dheeraad ah
Ninba kiisa kaan ugu beddeli, beerka ka ogsooni .
Xaaji Axmed Gabay-Xaddi(IHUN)
Fu,aad Sh.
Bahda Mareegta Farshaxan
Oktoobar 17, 2009
2
Taariikhda oo lagu yaqaan inay rogaalcelis samayso hadaan laga faa’iidaysan ayaa ururkii
SNL ee ku guulaystay doorashadu hilmaamay halgankii ummadu u soo martay
gobanimada ,islamarkaana ogolaaday inay ka sugaan dad kale qoritaanka taariikhda
halgankaa si loogu kaydiyo jiilalka danbe.Hase yeeshee may helin maamuuskii ay
mudnaayeen .Sooyaalkii halgankooduna wuxuu ku dhacay god si badheedh aay
xukuumadihii kala danbeeyey ugu rideen.Sidaa si la mid ah ayaa hormoodka SNM ee
noolina taa mid la mid ah la wadaagaan hormoodkii SNL ,ka dib markay cid kale ka
sugeen maamuusid .Waxaase mahad gaar ah leh xubnaha ka tirsan hormoodkii SNM ee si
hagar la’aaneed uga qayb qaatey qoraalada ku soo baxa mareegta Farshaxan iyo kuwa u
hiladay qoritaanka halgankii dheeraa.
“Qofka aan garan wuxuu mudan yahay cid kale uma garato”.
Waxaa si aan gabasho laheyn ugu balbalaadhiyey inaan taasi suurtogalayn gudoomiyaha
xarunta manaahijta Cabdilaahi Yaasiin Dirir yidhina: “Idinkoon (xubnihii SNM) waxba
haynin ummadana waxba u soo bandhigin, anigu ma qori karo manhajka SNM…”1
Hadaba bahda Mareegta Farshaxan sidii caadada u aheyd ayey u tafo xaydatey sugitaanka
sooyaalka taariikheed ee halyeyadaa u badheedhay hawlgalid, dabkana saaray intoodii
gaarka aheyd ee ay gu’yaal u soo halgamayeen kana hormariyeen danta bulshada oo ay la
soo gudboonaatey hagardaamada dawladii habaarqabe ee xukunka gacanta ku haysay
markaa iyo kuwii ka horeeyeyba.
Xiligan oo dadweynaha Somaliland u diyaar garoobayaan xuska maalintii qiimaha laheyd
ee loo suntay “Shuhadada SNM”, waxaa maanka toosani ina tusinayaa inaynu hormoodkii
maalintaa la beegsadey dagaal magacawno, kuna darno golaha taalodhiska ee ku
xardhan xusuusta inta danaysa horumarka iyo hanaqaadka dalka iyo dadka Somaliland.
Gudoomiyaha gudiga qabanqaabada Xuska Maalinta Shuhaadada SNM mujaahid Quule
Cabdi Xasan ooy bahda mareegta hadhwanaagnews ka wareysatey qaabka loo abaabulayo
gu’gan iyo wuxuu kaga duwanaanayo kuwii hore wuxuu yidhi: “Doorkan waxaanu wadnaa
laba arimood oo ah in horta Quraan loo akhriyo shuhadadaa, iyo in si gaar ah loo xuso lana
siiyo bilad sharaf mujaahidiintii ka qayb galay Burco Duuray”. Sidaa darteed ayey
mareegta farshaxan u hawlgashay siday u sugi laheyd sooyaalkii Mujaahid Lixle oo
hogaaminayey dagaalkaa Burco Duuray oo qiimuhuu halganka ku lahaa la garan karo.
Xilli ku beegnayd horaantii sideetamaadkii ayaa waxay aheyd maalin farxad iyo rayrayn
leh oo laga dareemayey dhamaan hay’adihii nabad galyada ee dawladii habaarqabto sida
qaybtii 26aad , Xaruntii nabad sugida, Xaruntii hangash (Dhabarjabinta), iyo xaruntii
saldhiga bilayska ee magaalada Hargeysa, markii uu dhambaal guuleed ku soo dhacey
miiskii taliyaha qaybtii 26 aad ee Ina Xaashi “Gaani” oo sheegayey in Maxamed Xaashi
Diiriye-Lixle- raadkiisii qabashana arinkiisu yahay.
Waxaa loo gudo galay sidii guushan horta leh loo soo dhaweyn lahaa oo dhabarjab iyo guul
daro weyn ku ridi doonta dhaqdhaqaaqii SNM iyo kuwa la garab jooga taageerada hiil iyo
hooba leh .
1 Mar dood ay Idaacada Codka Ameerika u qabatay Cabdilaahi Diiriye iyo Xasan ciise
Wuxuu amray Gaani in si deggan oo wanaagsan loo qaabbilo gogoshana loogu fidiyo
dhambaal sidihii iyadoo waliba loo fududaynayey gudashada hawshaa qaran.Dhamaan
hay’adihii dawladaa ee nabad galyadu ayaa la wargaliyey in ay la socdaan hawlgalkaa
muujinayey kartida iyo waxqabadka hay’adahaa ee gobolada woqooyi, taasi oo si ba’an u
curyaamin laheyd yididiiladii laga qabay dhaqdhaqaaqii SNM , keenina laheyd dabargo’ii
SNM-ta ee lagu gami’i lahaa.
Hay’adihii nabad galyadu waxay fiiro gaar ahaaneed ku hayeen saraakiishii dawlada ka
tirsanaa, ganacsatadii, iyo dhamaan intii haybta la wadaagaysay xubnaha SNM siiba
hormoodkii ee loo tuhmi karayey taageeradii SNM.Waxay xiligaa wararku si iska
dabadhac ah u soo gudbin jireen inuu Maxamed Xaashi “Lixle” si joogto ah u joogo
gudaha wadanka, kuna hawlanaa hawlgalyo lagu curyaamin lahaa awoodii dawlada,
muujina lahaa tayada iyo hawlkarnimada xoogagii SNM. Xilligaa waxaa aad loo
tuhunsanaa in qabashada Lixle ay suurtogalin laheyd dabagal lagu sameeyo saraakiil
dhawr ah oo uu ka mid ahaa dhame Xayd (Ina ganbadh) oo la filayey inuu la kulmo, una
suurtogalin lahaa inuu Lixle falal ka fulin lahaa gudaha dalka.
Maalintaasi markii la gaadhay xilligii guryo fadhiisiga ee u jilbo dhigista qaadka nin
waliba u goob raadinayey ayuu dhame Xayd (Ina ganbadh) u dhaqaaqey halkuu
maalintaa jaadka la dhacadiidsan lahaa.Guri ku yaalay dhinacaa Xero Awr waxaa ku
kulmayey maalintaa rag dhawr ah oo uu ka mid ahaa Cabdiraxmaan Aw Cismaan
Ismaaciil (Jawaan), Buraale Cilmi Cumar ahaana dirawaladii ugu da’da waaweynaa,
Kheyre,iwm. Dadkaasi dhamaan way is garanayeen aan ka aheyn Buraale Cilmi oo
garan la’aa mid ka mid ahaa raggii ku kulmayey meeshaa. Waxaanu Buraale Cilmi si
badheedh ah u warsadey halkuu ka socday Kheyre ?. Laysma waalinee waxaa si degan
markiiba jawaabta ula booday Cabdiraxmaan Aw Cismaan oo yidhi “waxaa la yidhaa
Kheyre oo waa Jibriil Abokor baayac mushtari baana naga dhexeeya ”. Intaasi waxay si
fiican u qancisay waraystihii waydiinta horta leh la shir yimid aan dareemina wixii ku
ladhnaa iyo intii qarsoon ee la socotay warcelintaa.
Dhinaca kale dhamaan hay’adihii iyagoo la gaadhey mijilis qaad u raadintii waxay soo
dhaweynta maalintaa farxadeed dhinac wadeen hawlahoodii caadiga ahaa eey ka mid
aheyd dabagalka iyo raadinta guryaha lagu qayilaayo maalintaa iyo ka war haynta cida ku
qayilaysa meeshaa iyada ah. Halka xaruntii maamulka ama gurigii Gaani laga waday u
diyaargarowga iyo soo galbinta “guushii” ka midho dhalatey dadaalkii, kartidii , wada
shaqeyntii , iyo isku duubnidii dhamaan hay’adahii sirdoonka iyo nabad galyada .Waxaa
maalintaa dhamaadkeedii sugi kara la’aa taliyihii qaybta kana fikirayey siduu ugu
gudbin lahaa adeerkii oo ahaa madaxweynihii dawladii ee habaarqabe Ina Siyaad
Bare.Taasoo uu u arkayey inay u noqonayso noqonayso mid cimri dherer iyo xukun raaga
u kordhinaysa maamulkiisii.Isagoo niyadana ku hayey inay taasi u suurtogalinayso arintii
aheyd “meeshaad inankaaga dhigato uu baa waxqabadkeegu ku soo gaadhaa ”.
Mijiliskii maalintaa fooxa dabka loogu riday in la caleemo saaro waxaa ku soo biiray
dhame Xayd. Lays wareysay laysuna gudbi warbixintii haboonayd. Dareeme akhyaartii in
la ogaan karo bartilmaameedna noqotay meeshii si hufana laysku waraysay, lagana
tabaabushaysay colka ku soo maqan. Rag dhawr ah oo albaabka meel in yar uun ka
durugsan joogay ayaa ku hawlanaa inay gudbiyaan warbixintii meesha magaceeda iyo
sarkaalka ay arkeen isagoo sii galayey. Waxaase la yaab laheyd in amar la siiyey raggii
dharcada ahaa loona sheegay inay gudaha galaan soona qabqabtaan dhammaan dadkii ku
jiray gurigii.
Dadkii waxaa lagu shubay xafiiskii nabad suggida.Wareysi dheer dabadeed Buraale Cilmi
Cumar ayaa si la yaableh u yidhi oo haddaad nagu haysataan Lixle ma aragteen maad mar
horeba si toos ah noo waydiisaan?.Waxaa ku xigtay askartii oo la soo booday oo mee?
Buraale Cilmi Cumar ayaa si badheedh ah u qirtay inuu arkay Lixle, walibana siiyey
qaad,markaana ogaa halkii uu joogay.Fariintaasi ayaa mudatay inay xukuumaddii jirtay,
siiba qaybihii qaabilsanaa nabadgalyadu, soo dhaweeyeen oo ilaa garaad-laawe Gaani
gurigiisa gogol farxadeed maalintaasi u fidiyey.
Buraale wuxuu u horkacay hay’adihii riyaaqsanaa inuu soo tuso halkii uu Lixle
maalintaasi ku qayilayey. Waxaa la soo kaxeeyey Lixle.Warbixin layska sii horaysiiyeyna
loo gudbi Gaani iyo intii ku xeernayd oo iyaguna ka sii tashanayey sidii ay ka yeeli
lahaayeen iyo siday warbixintan ugu gudbin lahaayeen madaxweynihii habaarqabe.
Waxaa la soo galiyey Lixle oo la wado lana horkeenay Gaani.Hase yeeshee waxa lays
waydaarsadey hadaladan :
Gaani : Waar mee Lixle ?
Guulwadaashii: Taliye waanagan wadna?
Gaani : (oo xanaaqsan) waar si fiican ii dhageysta oo mee Lixle ?
Guulwadayaashii: (waxay ku jeesteen maxbuuskii guusha loo goglay), waar magacaa?
Maxbuuskii : Lixle ..
Gaani : (oo gartay inaanu Lixluhuu doonayey aheyn) Sii daaya gacan lagu hayuhu ha
iska socdee.
Waxaa halkaa ku fashilmay qoomamo iyo ciilna la hoyday dhamaan xubnihii u xilsaarnaa
hawshaa oo ninkii naaneystiisa Lixle la yidhaaba moodayey Lixlaha dawlada wareeriyey ee
hadh iyo hurdaba u diiday .Waxay tani ina xasuusinaysaa markii la rabay in la xidho
Idaacada Horyaal ee la galay gurigii shaqaalaha idaacadaa,gacantana lagu dhigay agabkii
(labtop-kii iwm), hase yeeshee ay gama’ li’i ku riday markay idaacadii soo gashay
xiligeedii caadiga aheyd 8:00pm…waxaa lays waydiiyey waar sawtaan agabkii ka soo
qaadnay siday idaacadu hawada u soo gashay ?. malaha ilaa iminka way
raadinayaanee.Hase yeeshee aqoon meel kaliya ku wada aroorta iyo itaalkeed iga dheh.
Ku dhawaaqidii ururkii SNM, talaabiddii hormoodkii bulshada, xadhiggii dhalinyaradii
UFO, dhagaxtuurkii ardayda, iwm waxay kordhiyeen shakigii iyo kala fogaanshihii
dawladii habaarqabto iyo dadweynaha maamulkaa hoos imanayey. Waxaanay xoojiyeen
hawlgalkii madhalayska ahaa ee hay’adahii nabad gelyada ee Hangashta, Dabargoynta,
Nabad Sugidda, Guul wadayaasha, Koofiyad Casta iwm ay isku dayayeen inay
fuliyaan.Hay’adahaasi waxay si dadban iyo si toos ahaaneedba u hoos tagayeen taliyihii








