Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta Cali Asad ka qaaday xilkii uu hayay ee ahaa badhasaabka gobolka Maroodi-jeex
Hargaysa(Oodweynenews)--Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta Cali Asad ka qaaday xilkii uu hayay ee ahaa badhasaabka gobolka Maroodi-jeex.
Madaxweyne Rayaale waxa uu war-saxaafadeedka uu ku soo saaray xilka qaadista Cali Asad ku sheegay inuu uga mahad-naqayo mudadii dheerayd ee ay soo wada shaqaynayeen isagoo ku amray inuu xilka si dhakhso ah ugu wareejiyo masuulka cusub ee uu soo magacaabay. Xilka qaadista Cali Asad oo maanta soo baxday,ayaa aan lagu sheegin wax eed ah oo xilka lagaga qaaday balse isla maantaba waxa uu madaxweyne Rayaale xilkaasi u magacaabay Maxamed Cabdi Daa'uud oo dhawaan ku biiray xisbiga UDUB.
Oodweyhnenews.com/Hargeysa Office
http://oodweynenews.com/display_page.ph ... leid=11599



