Halkan Ka Dhegaysta Dood Lagu Qaadaa-dhigayo Isbedelka Ay Somaliland U Baahan tahay Iyo Doorka Dhalinyartu Ka Qaadan Karto
Hargaysa (Oodweynenews)- Annaga oo markastaba jecel raali-gelintiina iyo inaanu idiin soo gudbino warar iyo barnaamijyo ku qotoma xaqiiqada biyo-kama-dhibcaanta ah, ayaa waxaanu jecelnahay inaanu idiin soo bandhigno dood-cilmeed ku saabsan isbedelka wax-ku-oolka ah ee Somaliland u baahan tahay, doorka dhalinyarta ee isbedelka wadanka iyo horumarintiisa iyo weliba kaalinta ballaadhan ee ay kaga jiraan daalada loogu jiro hanasahada isbedel wadanka ka hana-qaada.
Doodan oo caawa laga sii daayey TV-ga Qaranka Somaliland ee xaruntiisu tahay magaalada Hargaysa, waxaaka qayb-galaya Tifaftiraha shabakada wararka ee Oodweynenews.com C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/Heersare], Axmed Cabdi Wacays oo ka tirsan Dallada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO iyo Farduus Siciid Dirir oo dhamaantood ka tirsanaa Araydidii ka soo qalin-jebisay Jaamacada Hargaysa.
Waxaa kaloo doodan lagu faaqidayaa horumarka ay dhalinyarta Somaliland ku tallaabsatay muddooyinkan ugu dambeeyey, marka laga hadlayo dhinacyada waxbarashada, fikir-abuurka, horumarinta hawlaha bulshada iyo kuwa Qaranka iyo isu-diyaarinta kaalintooda ka qayb-galka talada dalka.
Sidoo kale dooda gudnaanadkeeda waxaa lagu tibaaxayaa talooyinka muhiimka ah ee loo baahan yahay in dhalinyartu ku dhaqaaqdo si ay uga qayb-qaataan isbedelka wadanku hiigsanayo, tallaabooyinka looga fadhiyo xukuumada oo ka wakiil ka ah dawladu inay la timaado istaraatiijiyad cad oo dhalinyarta ku hagaysa guda-shada waajibaadkooda iyo inaanay dhalinyartu waddankooda ka qancin ee ay u samraan dhibaatooyinka ka jira oo mar uun laga bixi doono.
Waana tan doodii ee ka bogosho wanaagsan:------
HALKAN KA DHEGAYSO
http://oodweynenews.com/display_page.ph ... leid=11640



