Komishankii Cusbaa Ee Doorashooyinka Oo Maanta Lagu Dhaariyey Xarunta Madaxtooyada Somaliland +SAWIRO
Hargaysa (Oodweynenews)- Xubnaha cusub ee Komishanka doorashooyinka Somaliland ee ay dhawaan ansixiyeen Golaha Wakiilada JSL, ayaa maanta lagu dhaariyey xarunta Madaxtooyada Somaliland, iyaga oo uu halkaas ku dhaariyey Gudoomiyaha Maxkadama sare Maxamed Xirsi Oomane.
Xafladii dhaarinta xubnaha cusub ee Komishanka, ayaa waxaa ka soo qayb-galay oo goob-joog ka ahaa Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahim, Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo], Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo masuuliyiin kale.
Munaasibadaas dhaarinta ah ee loo qabtay xubnaha cusub ee Komishanka doorashooyinka Somaliland, ayaa waxaa ku sugnaa todobada xubnood ee dhawaanta Golaha Wakiilada Somaliland u soo ansixiyeen inay noqdaan Guddida doorashooyinka.
Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Somliland Maxamed Xirsi Oomane oo dhaarinaya todobada xubnood ee Komishanka doorashooyinka, ayaa sidan ku bilaabay oo yidhi “Waxaan ilaahay ugu dhaartay inaan u noqonaayo daacad diinta Islaamka dalkayga Somaliland, dadkiisana ku maamulayo sinnaan iyo caddaalad.”
Xubnaha cusub ee loo dhaariyey xilka komishannimo ee Guddida doorashooyinka Jamhuuritada Somaliland, ayaa magacyadoou kala noqonayaan sidan soo cocota: Magacyada saddexda xubnood ee madaxweynuhu soo magacaabay; 1. Maxamed Axmed Xirsi Geele. 2. Eng: Ciise Yuusuf X.Maxamed (Egn; Ciise Xamari) 3.Faarax Abiib Aadan.
Halka Labda xubnood ee golaha guurtidu soo xuleen ay kala yihiin;. 1.Raabi Shariif Cabdi Maxamed. 2.Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil.
Labada xubnood ee xisbiyada mucaaradka ah ee KULMIYE iyo UCID, ayaa kala noqonaya; 1.Cali-Khadar Xasan Cismaan, 2.Cabdifataax Ibraahim Xasan.
Xubnahan cusub ee maanta loo dhaariyey masuuliyada komishanka doorashooyinka, ayaa noqonay komishankii saddexaad ee loo dhaariyo xilka iyo gudasha waajibaadyada kala duwan ee hawlaha doorashooyinka. Waxaana la filayaa inay sida ugu dhaqsaha badan ula wareegi doonaan masuulyadaas loo dhaariyey.
Hasayeeshee, waxaan ilaa hadda la saadaalin karin sida ay noqon doonaan, iyo weliba sida ay u guddan doonaan hawlaha ballaadhan ee ka soo fool leh. Waxaana laga naawilayaa inay soo celiyaan sumcadii Komishanka.
Madaxweynaha Somaliland, Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Gudoomiyaha KULMIYE iyo Gudoomiyaha UCID
Xubnaha Komishanka Doorashooyinka (Sawiradii Dawo Xaagan)
http://oodweynenews.com/display_page.ph ... leid=11718
xubnaha oo mid mid loo dhaarinayo
C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/heersare]
Oodweynenews.com/ Hargaysa/Somaliland
Cabdiheersare01@hotmail.com/heersare2009@gmail.com





