Somaliland Oo Maanta Lagu Qabtay Baroor-Diiq Loogu Ducaynayo Dadkii Ku Dhintay Qaraxyadii 29kii, Oct
Written by Qarannews
Oct 29, 2009 at 08:48 AM
Hargaysa(Qarannews) Xus ballaadhan oo lagu ducaynayo dadkii ku dhintay Qaraxyadii ka dhacay Somaliland 2008 Xarunta Madaxtooyada, Safaarada Ethiopia iyo Xarunta Qaramada Midoobay ee UNDP ayaa lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada.
Xuskan oo ay ka soo qayb galeen Madaxda Qaranka, Mas'uuliyiinta Qaramada Midoodbay, Wakiilka Ethiopia u jooga Somaliland iyo Marti sharaf kale ayaa waxa Ubax loogu baroor diiqayo dadkii Qaraxyadaasi ku dhintay la dhigay Barxada hore ee Madaxtooyada oo ahayd bartii uu ku qarxay Gaadhigii galay ee ku qarxay Xarunta Madaxtooyada.
Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin oo ka hadlay xuskaasi ayaa sheegay falkaasi inuu ahaa fal Argagixiso oo aan Diinta Islaamka meelna ku lahayn waxaanu culimada Somaliland ugu baaqay in ay ka fidyoodaan falalkan oo khatar ku ah Somaliland iyo Caalamka oo dhan, waxaanu intaasi ku daray in loo baahan yahay sidii loogu caqli celin lahaa caruurta la duufasado ee lagu ababinayo falalkaasi.
Madaxweynaha oo u Ducaynaya dadkii dhintay Qaraxii 29 October
waasi oo ka dhacay meelo kala duwan, waxaanu sheegay dhammaantood dadkii falalkaasi gaystay in la wada qab-qabtay sharcigana la hor-keeni doono si loo abaal mariyo, waxa uu Madaxweyne Rayaale u mahad-naqay Madaxweynaha Djibouti oo uu sheegay inuu ka jawaabay isla markiiba dhibaaadii ka dhacaday Somaliland 2008, isagoo sheegay inuu isla markiiba Somaliland ka caawiayay dadkii qaraxyadu soo gaadheen, dhinaca kalena waxa uu dhaliil u jeediyay Dowladihii iyo Hay'adihii ballan qaaday in ay gacan ka siin doonaan Somaliland dhacdadaasi iyo sidii looga hortagi lahaa la dagaalanka Argagixisada.
Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aan Somaliland loo tudhin durbaan colaadeed oo lagu baqo galiyo, waxaanu sheegay Somalialnd in ay diyaar u tahay in ay iska difaacdo cid kasta oo dhibaato u la timaada isagoo baaq u diray Beesha Caalamka ugana digay in aanay taageerin falalka lagu burburinayo oo ah meesha kaliya ee ka xasiloon dhulka Somalida, isagoo arintaasi ka hadlayana wxuuu si wayn u dhaleeceeyay Congress Donald Payne iyo Madax kale oo dabada ka wada qorshe lagu sammaynayo Maamulo qabyaaladeed oo ay wadaan Madaxda Somaliya. Isagoo Faysal hadalkiisa ku daray in Ummada Somaliland jeceshahay in Ummada Soomaaliyeed Nabad ku wada noolaadaan.
ufi Muxumed oo ka hadlay Munaasibadaasi Baroor diiqda ahayd ayaa ka sheegay in dadkii falkaasi gaystay ay ahaayeen dambiilayaal laayay nafo Macsuum ahaa oo aan waxba gaysan, sidaasi daraadeed ay ku waari doonaan cadaabta.
Sam Mu hel Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland oo ka hadlay dhacdadii is qarxinta ahayd ee 2008 ka dhacday Hargeysa ayaa sheegay sababta Xafiiskooda loola beegsaday in ay ahayd in la joojiyo shaqaalaha UN-ka ee Somaliland ka wada taageerada ay siiyaan, balse waxa uu sheegay taasi in aanay waxba ka beddelin, waxaanu xusay in ay sii laban-laabantay.
Dhamaan Dadkii halaasi ka hadlay waxay Illaahay uga baryeen dadkii ku dhintay inuu Janadii ka waraabiyo, kuwii ku dhaawacmayna caafimaad sariican ah siiyo, iyagoo dhaleeceeyay cid kasta oo ku kacda falal argagixiso.
Waaheen
http://www.qarannews.com/index.php?opti ... &Itemid=62




