Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Dhaqdhaqaaqa Gancsiga Xoolaha ee Sayladda Burco oo Kor u Kac

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Ducaysane_87
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3997
Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane

Dhaqdhaqaaqa Gancsiga Xoolaha ee Sayladda Burco oo Kor u Kac

Postby Ducaysane_87 » Thu Oct 29, 2009 4:09 pm

Dhaqdhaqaaqa Gancsiga Xoolaha ee Sayladda Burco oo Kor u Kacay

Burco (Oodweynenews)- Dhaqdhaaqyada sayladda xoolaha ee magaalada Burco ayaa kor u kacay toddobaadkii u dambeeyey, kadib markii uu diiray dhoofka xoolaha nool oo beryahan dambe aad u liitay.
Sicirka qiimaha lagu kala iibsanayo adhiga ahminka ah waxa uu hadda marayaa inta u dhexaysa $50 - 58 doollar, waxana maalin walba sayladda Burco lagu kala iibsadaa xoolo aad u badan.

Saciid Cali Daad oo ka mid ah dilaaliinta sayladda xoolaha Burco, ayaa Jamhuuriya u sheegay inuu maalmihii dambeeyey si xoog leh kor ugu kacay iibka xoolaha nool, kadib markii ay suuqa soo galeen dhawr shirkadood, gaar ahaan shirkadaha Indha-deero iyo Al-jaabiri.

Mr. Daad waxa uu sheegay in maalintii sayladda lagu kala iibsado adhi gaadhaya 1500 - 2000 neef, sicirka la kala siistaana yahay inta u dhexaysa $50- 58 dollar neefkiiba, isla markaana maalinba maalinta ka dambaysa xoolaha sayladda yimaad sii kordhayaan.

Xoolaha nool ee lagu iibsado sayladda Burco oo isugu jira geel iyo adhi waxa loo dhoofinayaa dibadaha, gaar ahaan dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya oo xoolo tiro badan loo dhoofiyo sannad kasta bisha Carrafo ee hadda foodda innagu soo haysa.

Sannad kasta xilligan oo kale waxa kor u kaca xoolaha lagu kala iibsado guud ahaan sayladaha dalka Somaliland , gaar ahaan sayladda Burco, iyadoo qiimaha neefka xoolaha ahna aad kor ugu kaco.

Xoolahan waqtigan lagu kala iibsanayo sayladda Burco waxa loogu talogalay in xilliga Xajka loo dhoofiyo dalka Sucuudiga.

Sidoo kale, waxa iyana sayladda xoolaha ee Burco si caadi ah uga socda iibka adhiga qalliinka, waxana xilligan sayladdu xaamiga tahay ka xoogsada dad iyo gaadiid tiro badan oo dhaqaale fiican ka soo galo.

Mr. Keyse Axmed Digaale oo shalay booqday sayladda Burco, ayaa ku tilmaamay goob camiran oo uu ka socday dhaqdhaqaaq xooggan oo lagu kala iibsanayey xoolaha nool.

Si kastaba ha ahaatee, dhaqdhaqaaqa ganacsiga xoolaha ee ka socda sayladda Burco ayaa u ekaa mid aad uga duwan muuqaalladii toddobaadyadii ka jiray halkaas.


TogdheerNews..Burco.



http://www.oodweynenews.com/display_pag ... leid=11742

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 17 guests