Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Col.Canjeex oo sheegay inuu diyaar u yahay inuu ku markhaati

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Col.Canjeex oo sheegay inuu diyaar u yahay inuu ku markhaati

Postby MrPrestige » Mon Nov 02, 2009 6:16 pm

Written by Ramaas

Col.Canjeex oo sheegay inuu diyaar u yahay inuu ku markhaati furo Maslax Maxamed Siyaad Barre.


Nov 01, 2009 at 09:58 AM
"Waxa lay geystay Dhaawac-maskaxeed, magdhaw ayaanan u baahanahay"
Hargeysa (Qarannews)- Col. Ibraahim Cali Barre (Can-jeex) oo laba jeer oo hore sharraxaado ka bixiyay sidii uu u dhacay xasuuqii Xeebta Jasiira oo sannadkii 1989-kii lagu laayay inka badan 46 qof oo dhalasho ahaan ka soo jeeday Beelaha Isaaq, isla markaana isaga loo haystay ayaa markii saddexaad ka hadlay arrintii xasuuqaas.

"Anigu hadee, arrintaan horaan u cadeeyay oo sannadii 2000 ayaan tegay maxkamad ku taala Nairobi oo aan idhi cidii cadaymo raadsan karaysaa ha tagaan maxkamaddaas." Ayuu hadalkiisa ku bilaabay. Waxaanu intaa ku daray Col. Can-jeex "Markaa mid yar oo markhaati kale ah aan kuugu daro, waxaa jirtay in sannadkii 1982-kii aniga oo Burco ka tegay, ciidan laygu dhiibay jiidda hore wada oo ku socda Jiiddaa Goraya-xun, ayaan habeenkii sii seexday Oodwayne, maalinkiina ka baqoolay. Goor ay tahay 5:00 ayaa waxa igu soo dhacay hub yar-yaroo Baasuuke ka mid yahay, meeshii weerar baan ku qaaday, waxaanan qabtay 11 nin. Markani waa markii SNM-tu abaabulka ku jirtay, 11-kaa nina may hubaysnayn. Waxay wateen baabuur ay lahayd dawladda hoose ee Oodwayne, waxay igu yidhaahdeen waa nala soo khasbay...wax khasab ahi ma jirine, waan soo kexeeyay oo Oodwayne ayaan ku soo celiyay. Markaan immina dhalinyaradii waxaan u dhiibay xaafadahoodii. Markaa waxa weeye si sarkaalnimo ah oo Soomaalinimo ahayd ayaan dadkoodii ugu soo celiyay. Marka, Can-jeex baa guryo kala baxay dad, hadaan guryo kala baxayo, maxaan u layn waayay kuwaas jiida igu xabadeeyay oo ila dagaalamay? Markaa iyagaa markhaati ka Reer Oodwayne waana 1982-kii, abaabul baa loo waday."

"Ta kale, maamulada ka jira Soomaaliya, marka laga bilaabo Somaliland, Puntland, Dawladda ku-meel-gaadhka ah iyo cid kastoo caqli lehba waxaan ka codsanahayaa inay dalbadaan maxkamad caalami ah oo qaada dembiyadii dadka laga galay. Arrintaasi maaha mid Soomaalida u taala, waa arrin adduunka u taala, waxaanan codsanayaa inay dalbadaan maxkamad caalamiya, si loo ciqaabo dadkii dembiyada dagaalka galay kuwii hore iyo kuwo dambeba. Isla markaana waxaan ku waaninayaa kuwa dadka dulmaya in wax aanay u hubin ay dadka ku dulmaan." Ayuu yidhi Col. Can-jeex. Waxaanu intaa ku sii daray, "Aniga dembi baa layga galay, dulmiguna ma fiicna. Illaahay baa dulmiga diiday. Markaa anigu hadaan maxkamaddaas helo waxan ku dacwiyayaa magdhaw-maskaxeed iyo caqliyadeed. Waxa weeye arrintaan ayaa laygu dilay Soomaali oo dhamina waa ka markhaati. Ragga arrintan runteeda ogaa oo aan ka hadlin 100 kor waa u dhaafayaan, iyaga aakhiro ayaanu isla tegaynaa. Laakiin waa inay runta ka hadlaan. Waar haday qabyaalad tahay, immika wiilka Axmed Godane ah ma reer Hargeysaa qaadanaya? Waar ha laga hadho arrimaha qabyaalada. Yaan arrinta qabyaalad laga dhigine, ha laga dhigo dambiile. Haday gacan-ku-dhiigle tahay, waa la yaqaanaa ninka loo raacayo, laakiin waxa ka horaysa in adduunka maxkamad iyo farogelin laga dalbado." "Haa, waan ku furayaa markhaatiga, maxaa yeelay maxaan uga hadlayaa. Immika 20 sannadood ayaan ka aamusnaa, markaa naftayda ma dulmayo oo Illaahay baa igu cadaabaya hadii aanan difaacin." Ayuu ku jawaabay mar la waydiiyay in hadii uu maxkamad dembiyada dagaalka qaada uu ku markhaati furayo cidii uu kaga xuub-siibanayay falkaas oo uu ku tilmaamay Maslax Maxamed Siyaad.



http://www.qarannews.com/index.php?opti ... &Itemid=62

lali99
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1575
Joined: Sat Feb 21, 2009 9:10 pm

Re: Col.Canjeex oo sheegay inuu diyaar u yahay inuu ku markhaati

Postby lali99 » Mon Nov 02, 2009 11:50 pm

Ducaysane209 wrote: la waydiiyay in hadii uu maxkamad dembiyada dagaalka qaada uu ku markhaati furayo cidii uu kaga xuub-siibanayay falkaas oo uu ku tilmaamay Maslax Maxamed Siyaad.



and to think that this man almost became president of somalia..its so craaazzzzzzzzzyyyyyyyyyyyyyyy that it gives a surplus of the SL independancy's quest :lol:

User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Re: Col.Canjeex oo sheegay inuu diyaar u yahay inuu ku markhaati

Postby MrPrestige » Tue Nov 03, 2009 3:39 am

lol lali dee thats for somalia for you even the biggest criminal morgan wanted to run for presideny thats how insane it is. :lol: . laakinse they will both be bought under court inshallah. :up:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 12 guests

cron