Maxaa Ka Jira In Cismaan Yuusuf Nuux (Afdhilo) Xidhiidh Soke La lahaa Garoowe, Yaase Dilkiisa Ka Danbeeyey?.
Sida ilo xog-ogaal ahi sheegayaan Taliyihii qaybta 12aad ee malayshiyada Hargeysa Cismaan Yuusuf Nuur (Afdhillo) waxa uu ahaa nin xidhiidh dhaw ka dhexeeyeen isaga iyo Garoowe, taas oo sida la sheego xataa xaaskiisa oo ka soo jeedda Garoowe ay degganayd iyada iyo carruurteeduba.
Cismaan Afdhillo kasoo jeeda magaalada Burco (Habar Jeclo/Reer Raage) ayaa aad loo xaqiijinayaa in uu tagi jiray maalmana soo joogi jiray magaalada Garoowe, oo ay xaaskiisa iyo carruurtiisu joogeen isaga oo ah taliyaha malayshiyada qaybta 12aad, xilligii dawladda Soomaaliyana ka shaqayn jiray Garoowe.
Nin xog-ogaal ah oo ku sugan Puntland ayaa waxa uu yidhi “Xidhiidhka hoose ee ka dhaxeeya Puntland iyo Somaliland waa mid qoto dheer, hasa yeeshee meesha waxaa ruwaayad loo jilayaa shacabka SSC. C/samad Cali Shire Carruurtiisu waxay joogaan Hargeysa iyo Burco, Wiilka uu dhalay C/raxmaan Faroole Madaxweynaha Puntland, oo lagu magacaabo Maxamed Bishii hore wuxuu joogay Laascaanood, wuxuuna la kulmay niman badan oo Somaliland ah sida nimanka jooga halkaas, wuxuuna ku dhuumanayey sidii uu yahay Saxafi, wuxuuna waday farriino, Cismaan Afdhillo Carruurtiisu waxay joogtaa Garoowe”.
Way iska caddahay in labada maamul muddooyinkii ugu danbeeyey xidhiidhkoodu aad u sii xoogaysanayo, waxaana arrintaas dhawaan ka sanqadhiyey Wasiirka Caddaalada ninka ugu magacaaban maamulka Hargeysa Casoowe Xasan Bisaas, oo markii uu hadlay Wasiirka Kalluumaysiga Puntland Faarax Faruur ka sheegay BBC-da in uu muddooyinkanba wanaagsanaa xidhiidhkoodu, ayna wada leeyihiin cadow ka dhaxeeya, kaas oo ah Alshabaab.
Waxaanay iskaashigoodu aad u sii xoogaystay intii lagu dhawaaqay Hoggaanka cusub ee Nairobi, iyaga oo isku mawqif iska taagay, waxaana ilo wareedyo ku sugan Garoowe ayaa hore u sheegeen in labada maamul mid kastaa hadda dhinac xoogga saarayo. Dhinaca Hargeysa ayaa hadda saaray culayska Magaalada Buuhoodle, dhinaca Puntland waxa ay culays saarayaan dhinaca Tukarraq, iyaga oo ka hortagaya siday sheegeen in aanu Hoggaanka cusub ee Sool, Sanaag Iyo Cayn wax dhaq-dhaqaaq ah samayn, iyada oo ilo xog-ogaal ahi sheegeen in Maamulka Puntland Garoonada Boosaaso iyo Gaalkacayo la dhigay magacayada Xubnihii ka qayb galay shirka Nairobi si haday halkaas uga soo dagaan loo xidho..
Waaxase hadda sooba korodhay qaraxan ka dhacay magaalada Laascaanood, oo aan ilaa iyo hadda cid sheegatay jirin, ayaa labada maamulba waxa ay aad ugu dadaalayaan sidii ay dusha ugaga tuuri lahaayeen Hoggaanka cusub ee Nairobi si loo saqiiriyo intaanu hana-qaadin.
Maamulka Hargeysa Saxaafaddiisa ayaa wadda olole ay ku xidhiidhinayaan Ururka Alshabaab, iyo Hoggaanka cusub, iyada oo Wargeysyada Hargeysa ka soo baxa aad wax uga qorayaan iyaga oo cinwaano ka dhigay (Garaad Jaamac Xidhiidh Mala Leeyahay Qaraxa Laascaanood), waana aad dareemi kartaa sida xaalku uu u socdo in ay doonayaan maamulka Hargeysa in ay isku dayaan in ay ka faa'iideystaan qaraxii ka dhacay magaalada Laascaanood. Waxaa iyaguna hoosta ka ilka caddaynaya Maamulka Garoowe, oo isaguna jecel in Hoggaanka Nairobi looga dhawaaqay Hana-qaadin.
Waa wax iska cad in Cismaan Yuusuf Nuur (Afdhillo) Garoowe xilliguu doonayo gali jiray, xilliga uu doonayana ka soo baxo, waxaa taas kuu caddaynaya markii qaraxa lagu dilay magaalada Laascaanood waxaa Garoowe markiiba ka soo baxday Xaaskiisa iyo qaraabadiisa, oo doonayey in ay aaskiisa kaga qayb galaan magaalada Burco.
Dhacdooyinkani dhammaantood waxa ay ka markhaati kacayaan in loo baahan yahay in bulshada deegaanka u dhalatay ay feejignaan badan muujiyaan, dad badani waxay aamminsan yihiin in Khaarajintii ka dhacaday magaalada Laascaanood ay ka dhalatay ismaan-dhaaf u dhaxeeya Saraakiil ka tirsan Malayshiyada Hargeysa, oo ay iyagu Khaarajiyeen ninka dhintay, iskuna dayeya in shacabka reer Sool dusha looga tuuro.
Dadka qaarna waxayba aamminsan yihiin in taariikhdii 100 sano ka hor dib isu soo celisay, u fiirso Halgankii Daraawiish waxaa jirtay Siyaasad Boqor Cismaan, Beelaha Hargeysa, Faranjigii Talyaani Iyo Ingiriis iyo Amxaaro kaga soo horjeedeen Daraawiish,.
Maanta u firso waa intii oo u wada maleegaya dibin-daabyo beesha SSC si dadban iyo si toos ah, hana ka tagin SSDF iyo SNM xilliyadii siddeetemeeyaadkii iyo hawlahoodii.
Waa lagama-maarmaan in ay ka dhiidhiyaan beelaha SSC, iyaga oo isku duuban hawlaha loo maleegayo. Kuwa wali aamminsan Puntland in ay wax qabanaysoow ku quuso in Madaxdii Puntland iyo kuwa Hargeysa aanay waxba ka dhaxayn, shaahana lagu wada cabbo Hargeysa iyo Garoowe, adiguna sidaas in aadan ka bixin laguugu talo galay ilaa Addis ababa, London iyo Washington-na taxan tahay.




