Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Ee Somaliland Oo Caawa Daboolka

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Ee Somaliland Oo Caawa Daboolka

Postby MrPrestige » Wed Nov 04, 2009 9:09 pm

Hargaysa (Oodweynenews)- Wasiirka wasaarada xannaanada xoolaha ee Somaliland Dr. Idiris Cabdi Ibraahin, ayaa shaaca ka qaaday in dawlada Sucuudigu ay xayiraadii ka qaaday xoolihii kala duwanaa ee ay ganacsatada reer Somaliland u iibgayn jireen wadanka Sucuudiga.

Wasiirku waxa uu sidan ka sheegay shirjaraa’id oo uu caawa ku qabtay magaalada Hargaysa, kaas oo uu ku faahfaahiyey go’aanka uu sucuudigu xayiraadii kaga qaaday xoolaha looga dhoofiyo Somaliland iyo guud ahaan-ba Somaliya.

Wariirka oo arrintaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa inaan halkan ka sheego laga bilaabo caawa Markabta ka baxa Berbera in uu toos ugu xidhanayo dekada Jidda [Sucuudiga], xoolihiina sidaas ayay ku furan yihiin, waana dadaalkii ay dawladu ku jirtay muddaba ee dagaalka badani ka qabsaday, ee cidhiidhiga badani ka dhacay, ee wareerarka badani ka dhacay, ee cadawgeenu isu dayay inaan maxjarkeena Dekada Berbera oo ah ka maants furay Suuqa Sucuudiga in laga hortago.”

Waxaana uu intaa raaciyey Wasiirku oo uu yidhi “Waxaa mad led dadaweynaha reer Somaliland wixii gacan-ka-gaystay hawshaas, dawlada Somaliland oo iyaduna dadaal badan ka gashay hawshaas, khaasatan Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Daahir Rayaale oo go’aan adag ka gaadhay dhismaha Maxjarka, oo aad-na loo mariyey in uu maxjarkaas joojiyo ama si kale wax loo leexiyo, ayaa isaguna aad ugu mahadsan.”

Wasiirku waxa uu hadalkiisa ku soo af-meeray oo uu yidhi “Waxaan dadka u sheegayaa in saaka la saxeexay oo dawlada sucuudigu faraha ka qaaday oo ay fasaxday in xoolaha Soomaaliyeed toos ugu soo dhoofaan Sucuudiga. Dekeda ugu weyn ee ugu muhiimsan ee ay xooluhu ka dhoofayaana waa Berbera.”

Dr. Idiris waxa uu sheegay in maanta-ba ay bilaabeen shirkadaha xooluhu hawl-galkii rarista xoolaha ee sucuudiga, “Maantaba shirkadihii xoluhu way bilaabeen dhoofintii xoolaha, oo shirkada Al-jabiri waxa ay maanta-ba amar ku bixisay inay laba Markab oo min 100,000 oo neef ahi inay u soo dhaqaaqaan Dekada Berbera oo ay ka qaadaan xoolo. Muddo toban cisho guduhood ah waxa aynu sugaynaa in Markabtii ugu horeeyey ee 100,000 ee neef qaadayey ee toos u tegayay Sucuudiga in uu ku soo xidho Berbera. Markabta labaad-na todobaad gudaheed marka uu ka hore tago in uu isna ku soo xidho, markaas oo uu isna qaadayo xoolo 100,000 oo neef ah.”


C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/heersare]

Oodweynenews.com/ Hargaysa/Somaliland

Cabdiheersare01@hotmail.com/heersare2009@gmail.com

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: Bing [Bot] and 8 guests