Page 1 of 2

Road Construction between Erigavo & Burco - a great move

Posted: Mon Nov 09, 2009 3:46 am
by Ducaysane_87
Ceerigaabo (HWN) Tan iyo Waqtigii gumaystaha ayaa hadal haynta dhibaatadda wadada isku xidha magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag iyo Magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa ahayd dhibaato soo jireen ah oo aan wax lataaban karo laga qaban.

1960 ka hor ayaa wadadaas gumaystihii ingiriisku ka samayey Marin Carro Tuur ah , oo dhaantay hadda xalada ay tahay wadadani, oo gaadiidka kala gooshi jirey xiligaas, kuwaas oo qaadi jiray badeecadaha kala duwan ee gobolku u baahan yahay.

Carro Tuur waqtigaas la samayey ayaa gabi ahaanba Burburay, iyadoo gaadiidkiina ka diga rogtay wadadaas, meelaha qaar ayaa laga dareemi karaa khadkii wadada ingiriisku dhigay oo aan haatan la’is ticmaalin maalin, iyadoo waqtigaa ahayd wado fiican oo dhibta gaadiidku kala kulmi jiray ay yarayd.

Gobolka Sanaag waxa ku xidhnaa ganacsato farabadan oo badeecado kaladuwan kaasoo qaadijiray xeebaha gobolkaas gaar ahaan magaalooyinka Xiis iyo Maydh oo ahaa xaarumo ganacs, marsooyinkan gobolka xeebihiisa ku dherernaa ayaa badeecadaha kasoo degi jiary, gaadhi jireen gobalada dalka oodhan iyo waliba wadamo katirsan Geeska Afrika.Gebi ahaanba goobahaas ayaan hadeer wax ganacsi ahi kajirin.

Ganacsatada gobolka Sanaag ayaa haatan kalasoo dega badeecadahooda magaalooyinka Berbera iyo Boosaaso taasi waxa ay keentay inay gaadiidka kusoo fool leh gobolka ay dhib badan kala kulmaan wadoonka udhaxeeye Ceerigaabo iyo magaala ganacsiyeedka uu gobolku haatan ku xidhan yahay.

Hay’adaha deeqda bixiya ee dalka ku sugan ayaa ku andacooda inay sabab utahay wax yaabaha ay deeqaha ugaadhsiin waayaan ay ugu wayntahay wada la’aanta,deeqa aad utirabadan ayaa soo gaadha dalka kaas oo xukuumada ku guul daraysatay inay hay’adahaas ku cadaadiso samaynta wadada isku xidha magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo.

Waqtiyada ugu daran ee ladareemo dhibaatada wadada ayaa ah xiliyada ay roobabku ka hooraan gobolka gaar ahaan xiliyada guga iyo dayrta.waqtigaas ayaa gebi ahaanba waxa xanibma gaadiidka ukala goosha magaalada Ceerigaabo iyo magaaloyinka kale ee ay gaadiidku uga soo qaadan badeecadaha gobalka,sidoo kale xilayadaas waxa cirka isku shareera ascaarta wax walibana qaali ayaay noqdaan arintaas oo ay sababtay hakadka ku yimaada gaadiidka badeecadaa kala waarida.

Sanadkii 2002 ayaa hay’ada shaqaalaha aduunka ee magaceeda layidhaaho International Labour Organization (ILO) ay ka bilowday mashruuc lagaga shayqaynayo wadada, barnaamijkan oo laga bilaabay saddex goobood oo kala ah duleedka magaalada Ceerigaabo, tuulada Yufle oo 18km ujirta magaalada Ceerigaabo iyo magaalada Ceel-afwayn oo iyana kadurugsan isla magaalada Ceerigaabo 90km.

Hay’adu waxay barnaamijkan oo wadada lagu dhigaayo carro tuur dib ugu bilawday gobalka horaantii sanadkan aynu kujirno ee 2009-ka gaar ahaan labo gobood oo kala ah magaaladda Ceerigaabo iyo tuulada Yufle.

Waqtigan xaadirka ah ayaa meelihii shaqada ay ka fulisay hay’adani iyadoo kaashanaysa maamulada dawladaha hoose ee deegaanadaas ayay yihiin meelaha ugu ladan ee gaadiidku si dhibyar umari karo lagana dareemi karo in wax laga qabtay.

Si kastaba ha ahaatee arinta dadwaynu aaminsan yahay ayaa ah in wada xaumadu tahay Aafada ugu daran ee gobolka Sanaag haysata.






Image




Image





Image





Image





Image





Image






Image

Re: Road Construction between Erigavo & Burco - a great move

Posted: Mon Nov 09, 2009 5:45 am
by LiQaaye_TDH
:up:

Re: Road Construction between Erigavo & Burco - a great move

Posted: Mon Nov 09, 2009 11:46 am
by MrPrestige
this is great news walle it would make it easier for people to go to places such as Ceerigaabo , Ceelafweyn , Fadhi Gaab , Garadag, Yufleh and many more.

Re: Road Construction between Erigavo & Burco - a great move

Posted: Mon Nov 09, 2009 12:02 pm
by Dhaga Bacayl
Ducaysane & Liqaaye,

How long is the road?
That seem very time consuming and back breaking work. They need 2 to 3 tractors.

GREAY JOB either way :up: :sland: :up: :sland:

Now I can go to Daalo and Ceergabo for vacationing!

Re: Road Construction between Erigavo & Burco - a great move

Posted: Mon Nov 09, 2009 12:19 pm
by MrPrestige
Dhaga Bacayl the distance about 300km from Ceerigaabo to Burco.

Re: Road Construction between Erigavo & Burco - a great move

Posted: Mon Nov 09, 2009 1:02 pm
by Dhaga Bacayl
Ducaysane209 wrote:Dhaga Bacayl the distance about 300km from Ceerigaabo to Burco.


300km built by hand? :shock:

Re: Road Construction between Erigavo & Burco - a great move

Posted: Mon Nov 09, 2009 1:04 pm
by Air_Canada
Dhaga Bacayl wrote:
Ducaysane209 wrote:Dhaga Bacayl the distance about 300km from Ceerigaabo to Burco.


300km built by hand? :shock:


:lol:

Re: Road Construction between Erigavo & Burco - a great move

Posted: Mon Nov 09, 2009 1:06 pm
by MrPrestige
loool Dhagabaycl dee mixi samayan since the distance from burco to Erigavo is far? they have other equipments that they will use later aswell , its not just hand wa ku siide , aada arkii doona you will be amazed the wonders they do. :lol:

Re: Road Construction between Erigavo & Burco - a great move

Posted: Mon Nov 09, 2009 1:09 pm
by Dhaga Bacayl
Ducaysane209 wrote:loool Dhagabaycl dee mixi samayan since the distance from burco to Erigavo is far? they have other equipments that they will use later aswell , its not just hand wa ku siide , aada arkii doona you will be amazed the wonders they do. :lol:



I sure hope so because 300km is very long.

Re: Road Construction between Erigavo & Burco - a great move

Posted: Mon Nov 09, 2009 2:00 pm
by MrPrestige
it's worth it , it will connect lots of places together , it will be easier to get to the capital of sanaag ceerigabo aswell i am planning to go there this summer again inshallah.

Re: Road Construction between Erigavo & Burco - a great move

Posted: Mon Nov 09, 2009 2:54 pm
by koohi
good job :up:

Re: Road Construction between Erigavo & Burco - a great move

Posted: Mon Nov 09, 2009 8:28 pm
by MrPrestige
Koohi , this should be encouraged all over sland. :up:

Re: Road Construction between Erigavo & Burco - a great move

Posted: Tue Nov 10, 2009 5:25 am
by LiQaaye_TDH
They are not gonna build the whole road from ceerigabo to Burco, that would take years if they are constructing the road like that :lol: they are just building the serrounding areas in Ceerigabo and to the villages. they might be clearing the road from Ceerigabo to Burco!

Re: Road Construction between Erigavo & Burco - a great move

Posted: Tue Nov 10, 2009 11:37 am
by MrPrestige
Liqaaye so the road constructions is properly mostly going to happen in Deegmaada ceerigabo , iyo Ceelafweyn maybe , a extension can be given.

Re: Road Construction between Erigavo & Burco - a great move

Posted: Wed Nov 11, 2009 12:58 am
by koohi
Ducaysane209 wrote:Koohi , this should be encouraged all over sland. :up:


yeah but they need some help

u know 200 km is not easy to build and if it is by hand i thing it is quit impossible

i thing Somali qurbe-jooge specially north ppl are waste if there an election or war between two sub clans they will collect huge money within few days to support their clan and if there project to develop their village or town no action at all.