Somaliland announced its members for the Africa Parliamentary intergroup
November 09,2009
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009
Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda
Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso
Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey
Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland
Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
Guddoomiyeyaasha Labada Gole Ee Baarlamaanka Oo Magacaabay Guddiyo Ka Mid Noqon Doona Ururka Baarlamaanada Afrika “Parliamentary Inter-Group
“Labada Guddoomiye Ayaa Si Wada Jir Ah U Wada Saxeexay, Safarka Guddoomiyuhuna Waa Mid Gaar Ah” Ku Simaha Guddoomiyaha Wakiilada, Md.C/Casiis Samaale
Hargeysa, November 9, 2009(Haatuf)-Guddoomiyeyaasha labada gole ee baarlamaanka Somaliland, Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan, Wakiilada, C/raxmaan Maxamed C/laahi “Cirro”, ayaa magacaabay guddi ka kooban toban xubnood oo ka mid noqon doona ururka baarlamaanada Afrika “Parliamentary inter-group”, kuwaas oo la filayo in bisha soo socota ee December horaanteeda ay u amba baxaan dalalka qaarada Afrika oo ay kaga qayb geli doonaan shir baarlamaanada dalalka Afrika ay iskugu iman doonaan.
Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay shir guddoonada labada gole Baarlamaan hase yeeshee ilo lagu kalsoon yahay oo ku dhow dhow labada aqal ee Baarlamaanka ayaa wargeyska Haatuf in guddoomiyaha golaha guurtida, Md.Saleebaan Maxamuud Aadan, badhtamihii bishii hore ee October 2009 ka hor intii aanu u socdaalin dalka Ingiriiska uu si rasmi ah u magacaabay xubnaha ururka baarlamaanada Afrika uga mid noqon doona golaha Guurtida kuwaas oo kala ah, Axmed Dirir Cali, Siciid C/laahi Yasir, Sheekh C/raxmaan Sh.Yuusuf Sh.Madar, Axmed Xasan Saalax iyo C/raxmaan Axmed Aareeye, isla markaana magacaabista xildhibaanadoodaasi uu u gudbiyay shir guddoonka Wakiilada.
Iyadoo dhinaca kalena guddoomiyaha golaha Wakiilada,Md.C/raxmaan Cirro,isagana la sheegay intii aanu safarka ugu bixin dalka Finland toddobaadkii hore uu soo magacaabay shanta xildhibaan ee ururka baarlamaanada dalalka Afrika uga meteli doona, hase yeeshee nooma ay suurto gelin in aanu helno magacyada shanta xildhibaan ee Wakiilada ee ka qayb geli doona shirka baarlamaanada Afrika oo dhowaan qabsoomi doona.
Guddoomiye ku xigeenka ee golaha Wakiilada isla markaana ah ku simaha guddoomiyaha, Md.C/casiis Maxamed Samaale, oo aanu xalay kula xidhiidhnay khadka Tilifoonka waxna kaga weydiinay inay iyaguna gole ahaan xubnahoodii uga mid noqonayay ururka baarlamaanada Afrika ay soo magacaabeen iyo in kale ayaa isaguna noo xaqiijiyay in guddoomiyaha golahoodu magacaabay xubnaha ururkaa uga qayb geli doona balse guddoomiye ku xigeenku ma cadeyn magacyada xubnahaasi golahooda ka metelaya, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “magacaabista xubnahaa labada gole labada guddoomiye ayaa si wada jir ah u wada saxeexay guddoomiyahaga ayaana magacaabay xubnihii golahayaga balse hadda gacanta kuma hayo liiska magacyadaasi”.
Mar aanu weydiinay u jeedada safarka uu guddoomiyaha baarlamaanka, C/raxmaan Cirro, uu ku tagay dalka Finland, waxa uu sheegay inuu safarkaasi yahay mid Private ah oo isaga u gaar ah isla markaana uu si dhakhso ah dalka ugu soo guryo noqon doona,isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “ guddoomiyuhu socdaalkiisaa uu u baxay waa mid gaar ah oo private ah, Insha Allah, waxan filayaa in muddo laba toddobaad aan ka badnayn uu qaadan doono”.





