Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Boqor Cusub oo Maanta lagu Caleemo Saaray Magaalada Arabsiyo

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Boqor Cusub oo Maanta lagu Caleemo Saaray Magaalada Arabsiyo

Postby Keyse_0208 » Fri Nov 13, 2009 3:39 am

Gabiley (SDWO 12/11/09)- Boqor Muxumeed Geelle Seed, ayaa maanta lagu caleemo-saaray degaanka magaalada Arabsiyo ee Gobolka Gabiley.
Xaflad ballaadhan oo loo sameeyey caleemo-saarka boqorka oo maanta lagu qabtay beer weyn oo ku taala magaalada Arabsiyo ee Gobolka Gabiley, ayaa oo ay ka qaybgaleen madaxdhaqameed kala duwan, masuuliyiin xisbiyada qaranka ka socday, xildhibaano iyo martisharaf kale oo badan, balse waxaan ka qaybgelin golaha xukuumadda.
“Waxaan idiin sheegayaa salaadiinta tolkaa gacanta ku hayn jiray oo sharfi jiray, haddii uu boqorku intaa waayo xukuumadda ayuu iska xaadirinayaaye goordhaw ha ceebaynina. Sidaa darted, dhaqaaleeya boqorka oo geedka hoostiisa fadhiisiya. Waxa jira salaadin marka la yidhaa shir bay Soomaaliya leedahay la garba-duubo oo la yidhaa yaanu tegin shirkaasi ha la laaluusho, taana inaga ilaaliya,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.
Abbaanduulaha Ciidanka Qaranka Somaliland Gen. Ibraahim Caydiid Axmed oo hoggaaminayey koox saraakiil ah oo xafladaa caleemo-saarka ahayd ka qaybgalay, ayaa hambalyeeyey boqorka cusub, balse waxa uu ka dayriyey koradhka tirada madaxdhaqameedka Somaliland.
“Haddii cid waliba boqor samaysato, waxay noqonaysaa in reer waliba inta uu cadhoodo uu yidhaahdo anaguna kan baanu caleemo-saarnay, kadibna aynu wada boqor isugu nimaadno, :lol: hadda anigu haddii jagadan abbaanduulaha ka tago dee reerkayga way iiga bannaan tahay in aan garaad noqdo,” ayuu yidhi Gen. Ibraahim Caydiid Axmed.
Ugu dambayntii Boqor Muxumed Geelle Seed oo cumaamada boqornimada uu saaray Boqor Cali Xuseen Kaahin, ayaa hadal kooban oo uu jeediyey waxa uu aad ugu mahadnaqay dhammaan dadkii ka qaybgalay caleemo-saarkiisa.
Boqor Muxumed Geelle uu sheegay in aanay boqornimadiisu waxba u dhimayn saldanada guud ee beelaha Habar-awal oo suldaanka beelaha Habar-awal uu yahay suldaankiisii. Waxaanu ballanqaaday inuu Somaliland wax uga tari doono golaha boqoradda Afrika ee uu ka midka noqday.

Image
Image
Image
Image
Image
Image

Oldboy
Posts: 39
Joined: Thu Nov 12, 2009 3:37 pm

Re: Boqor Cusub oo Maanta lagu Caleemo Saaray Magaalada Arabsiyo

Postby Oldboy » Fri Nov 13, 2009 7:27 am

Maalin walba boqor cusub :lol:

User avatar
rich-boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1635
Joined: Wed Jan 30, 2008 6:26 am
Location: Paris Seine saint denis Banlieue Nord gros

Re: Boqor Cusub oo Maanta lagu Caleemo Saaray Magaalada Arabsiyo

Postby rich-boy » Fri Nov 13, 2009 8:31 am

Oldboy wrote:Maalin walba boqor cusub :lol:



tell me about it that shit gets old

Dhaga Bacayl
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8363
Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
Location: H-Town in Somaliland

Re: Boqor Cusub oo Maanta lagu Caleemo Saaray Magaalada Arabsiyo

Postby Dhaga Bacayl » Fri Nov 13, 2009 11:25 am

Sheekadaa boqoradu waa wax inagu cusub. Waligay maan maqal hebel waa boqor before Buur Madaw. :down:

Arabsiyo is amazing lookind as ever!. :up:

User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: Boqor Cusub oo Maanta lagu Caleemo Saaray Magaalada Arabsiyo

Postby SahanGalbeed » Sat Nov 14, 2009 12:15 pm

Dhaga bacayl , inadeerow weligey hore u maan maqal aniguba , wuxu yahay ninkani na ma aqaan :lol:

User avatar
salafi_student
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2223
Joined: Mon Dec 19, 2005 3:47 pm
Location: If you would only listen, I can educate you!

Re: Boqor Cusub oo Maanta lagu Caleemo Saaray Magaalada Arabsiyo

Postby salafi_student » Sat Nov 14, 2009 5:37 pm

The only true leader or "King" I know in the North is Riyale :up:

User avatar
zingii
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9937
Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.

Re: Boqor Cusub oo Maanta lagu Caleemo Saaray Magaalada Arabsiyo

Postby zingii » Sun Nov 15, 2009 12:19 am

The waraabe guy looks as if he is about to perform xaj. :lol:

Image


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 17 guests