Waa guryo cusub oo qurxo badan oo kiro iyo iib ah, kuna yaal xaafado fiican oo magaalada Burco, ee xarunta gobolka Togdheer, dhexdeeda ah. Suuqyada magaalada, adeegyada Burco, xafiisyada iwm guryuhu aad ayey ugu dhow yihiin!
Waxaa loogu talogalay dadkeenna debedaha ku nool (qurbo-joogga) ee Dalkeennii Hooyo fasax gaaban u tegaaya, muddo ku soo noolaanaaya ama halkaas degaaya.
Waa guryo waaweyn (Fillo 5 maqsin ah iyo guri la mid ah oo 4 ama 2 qol ah) oo si wanaagsan oo casri ah iyo sida guryaha reer Galbeedka loo dhisay, si nadiif ah loo hagaajiyey, lana habeeyey oo diyaar ah.
Qiimaha kirada ama iibkuna aad iyo aad ayuu macquul u yahay oo qof kasta u raalli gelin doonaa!
Waa guryo bilicsan oo dhalaalaaya nadiif awgeed oo aad mooddo qalcad (palace) ama qasri madaxtooyo oo dhismahooda si heer sare ah loo qorsheeyey, loo agaasimey, loona agab tirey. Waxay ku habboon yihiin dad aad iyo aad nadiif u ah oo jecel inay meel qurux badan oo nadaafad wacan iyo raaxo leh ku nastaan ama ku noolaadaan!
Sidaas darteed, guryahani ammaan iyo xayeysiin toona uma baahna ee qofkii soo arka ayuun baa ka sheekeyn kara.
Aroosyada Burco oo dhan ayaa yidhaahda "gurigan naga kireeya aannu ku aqal galno e" markay quruxdiisa, weynaantiisa iyo lacagta lagu kireynaayo ka helaan.
Xaafadaha Burco ugu fiican iyo meelo wanaagsan oo magaalada Burco ahna guryuhu way ka dhisan yihiin, sida biyo aan go'ayn (24ka saac), ileys, dhul beerashada/khudradda iwm ku habboon, bannaano carruurtu ku ciyaarto, meel hawo macaan leh, sanqadh yaraan iyo nefis, goobaha waxbarashada, maamulka dawladda, adeegyada bulshada, miyi/deegaan xoolo ama beerasho iwm u dhow oo daawasho iyo dalxiis u noqon kara qurbo-joogga... iyo waxyaalo kale oo faro badan oo aan halkan lagu soo koobi karin!