Postby Ducaysane_87 » Fri Nov 20, 2009 5:15 am
this has already been explained , Ignorance is a bliss.
Written by Maxamed Jaamac Cawil.
Nov 18, 2009 at 07:33 AM
Bismillaahi raxmnnaani raxiim.
Anigoo ah, af-hayeenka beelaha Kuul Carre mudane Maxamed Jaamac Cawil.
Waxaan ku wargelinayaa dhammaanba beelaha Kuul Carre, ee ku kala hoyda dunida hareereheeda
Inay u dyaargaroobaan sidii ay uga qayb gelilahaayeen shirweynaha, ka dhici doon magaalada Burco
Somaliland 20/1/2010.
shirkaasi oo beelweynta Habar Yoonis ku soo dhoweynayso walaalahooda Kuul Carre.
Waxaan beelaha Kuul Carre ku wergelinayaa inay dhowaanahan soo shaac baxeen, shakhsiyaad
Tira yar oo doonaya inay carqaladeeyaan, ama is hortaagaan shirweynaha ka dhici doona magaalada Burco ee gobolka togdheer Somaliland, ee ay hore ugu heshiiy een, guurtida iyo salaadiinta Beelweynta Habar Yoonis iyo cuqaasha iyo waxgaradka beelaha Kuul Carre.
Shakhsiyaadkaas oo caadaystay beenabuur, iska horkeen iyo xasard joogto ah, inay kula dhex wareegaan beelweynta Habar Yoonis iyo beelaha Kuul Carre oo isir walaaleeyey.
Isla markaana ku been abuurtay magacyada dad Kuul Carre ah,kuna sheegay qabiilk aanay isir ahaan ka soo jeedin. Iyo weliba dad aan beelaha Kuul Carre u dhalan Sida;
1.khadiija Cabdi
2.Xaliimo Cabdi Axmed.
Dadka lagu been abuurtay magacyadoodana sida qaldan loo isticmaalay, isla markaana la siiyey derejooyin iyo magac dhaqameedyo aanay lahayn raalina ka ahayn, sida, caaqil, Dr., nabad doon
Abwaan, sheikh, prof. iwm, magacyadoodu waa kuwa hoos ku taxan, iyagoo dacwad qaba’;
1, Maxamed Muuse Xayir Afjar
2,Axmed Mustafe Abdi Aw-Ali Siraad
3,Yuusuf Muuse Xayir
4,Dr. Ali Abdisalaan ALazhar
5,Yaassin Jama Adan
6,Bashiir Jama Adan
7.Xuseen Xaashi
8,Dr. Xasan Maxamed Cismaan
9,Ibrahim Xasan Yool
10.Dr. Xasan Ali Maxamed
11,caaqil Daahir Saalax
12,caaqil Maxamed Tarabi.
Haddaba kadib markaan samaynay baadhitaan aad u qotadheer, waxaa noo caddaatay oo aan xaqiiqsanay sida kor ku xusan in dadkaas magacyadooda lagu been abuurtay, isla markaana beelaha
Kuul Carre iyo beelweynta Habar Y oonis fidmo iyo fadqalalo ay kula dhex meeraysanayaan canaasirta u soo tafa xaytay inay dadkan is helay ee isir ahaan walaalaha ah kala dilaan.
Af-hayeenka beelaha Kuul Carre
Mudane Maxamed Jaamac Cawil
Phone 206 778 9512.