
London,(Qarannews)-Waxa maanta magaalada London ka dhacay ka dhacay shir aad u balaadhan oo ay isugu yimaadeen xubno kor u dhaafay 500, oo qof oo ka soo kala jeeda beel weynta Habaryoonis, dadkan maanta ka soo qayb galay shirkani oo lahaa rag iyo dumarba waxa la isga kala yimid gobolo badan oo ka mid ah gobolada Ingriiska iyo sidoo kale dadweyne aad u tiro badan oo ka mid ah bulsho weynta ku dhaqan magaalada London iyo nawaaxigeeda

Shirkani maanta la isugu yimid oo ku furmay jawi aad u heer sareeya waxa uu ku dhamaaday guul iyo sidii loogu talo galay, iyada oo dhamaan la isku raacay qodobadii lagaga hadlaayay oo ay ugu horaysay sidii uu u qabsoomi lahaa shirka lagu qaban doono magaalada Burco dhawaan, iyada oo shirkaasi maanta lagaga hadlay 3 qodob oo kala ahaa arinta Kuul Care iyo wadooyinka isku xidha Maydh iyo Ceerigaabo, wada isku xidha Hargaysa iyo Oodweyne iyo dekada Maydh.

Dhamaan qodobadaasi waxa ay ahaayeen kuwo guul ku dhamaaday oo dhamaantood la isku afgartay iyada oo shirkaasi uu goob joog ka ahaa Garaadka beesha Kuul Care oo isaguna shirkaasi maanta aad uga dhex muuqday iyo sidoo kale Suldaan Xiiray, waxa sidoo kale goobta shirka ku sugnaa aqoonyahano, siyaasiyiin, odayaal, dhalinyaro,mujaahidiin iyo dhamaan dadweyne kala gadisan oo beesha ka mid ah

Shirkani waxa uu ahaa shirkii noociisah ee ugu horeeyay ee abid ka dhaca meel ka baxsan Somaliland oo ay reerku ku kulmaan, sidoo kale waxa laga wada muujiyay dareen midaysan oo aan loo kala hadhin, sidoo kale shirkani waxa uu tusaale fiican u sii noqon doonaa ka ka dhici doona magaalada Burco oo ayaamaha soo socda la bilaabi doono abaabulkiisa iyada oo hada aad loogu diyaar garoobay.

Wararka shirkii maanta wararkeena kale ayaynu ku soo qaadan doonaa




La soco sawiro badan oo kale
http://www.qarannews.com/index.php?opti ... &Itemid=62





