Hargeysa (Qarannews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Daahir Rayaale Kaahin waxa maanta uu xilkii ka qaaday Agaasimihii hore Wasaarada Dalxiiska Hidaha iyo Dhaqanka Mudane Xasan Ismaaciil Xassan, isla markaana waxa uu u magacaabay Agaasime cusub.
Madaxweynuhu isagoo tixglinaya ahmiyadda dhismaha Qaranka ay Wasaaradaasi u leedahay iyo hufnaanta iyo kartida aqooneed ee uu leeyahay mudane Axmed Maxamed Xasan waxa uu amray inuu noqdo agaasimaha Guud ee Wasaarada Dalxiiska Hidaha iyo Dhaqanka JSL isagoo ku amray in uu xilkaa kala wareego agaasimihii guud ee xilka laga qaaday, laga bilaabo maanta oo bishu tahay 24/11/2009,
Allaa Mahad Leh
Siciid Cadaani Mooge
Afhayeenka Madxweynaha
http://www.qarannews.com/index.php?opti ... &Itemid=62



