Colaad Muddo Shan Sanno Ah Dhex Taalay Laba Beelood Oo Ka Soo Kala Jeedda Beelaha Bariga Burco Ayaa Maanta Lagu Soo Afjaray Magaalada Burco.
Burco(Ramaas) Dis.03, 2009 - Colaad u dhaxaysey laba Ardaa oo ka tirsan beel ka mid ah beelaha gobolka Togdheer oo dhimasho iyo Dhaawac gaysatey ayaa maanta lagu soo afjaray magaalada Burco. Colaadaas oo laga gaadhey heshiis buuxa.
Dirirtan oo ka dhacay shan sano ka hor magaalada Burco oo dhex maray laba ardaa oo ka soo kala jeeda beesha bariga Buco, kuwaas oo kala ah (Aadan Madoobe) iyo (Abrokor Axmed) oo ay ku dhinteen laba nin oo ka soo kala jeeda labada dhinac, laba kalena ku dhaawacantay, ka dib markii ay ku kala fogaadeen labadan Reer markii ay isku maandhaafeen sida falku u dhacay taas oo arrintooda meel xun gaadhsiisay.
Balse Salaadinta gobolka Togdheer oo markii dambe guddi u saartay xalinta dirirtaas ayaa xukuno ay ka soo saareen maanta xaflad ay u qabatay guddida labadaa ardaa sidii ay u kala qaadan lahaayeen magahii dadkii waxyeeloobay iyo heshiisiintooda.
Xafladaas oo lagu qabtey hotel city plaza, isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen guddiga nabadgalyada gobolka Togdheer, madax dhaqameedka labada dhinac ee dirirtu dhex martay ayaa loogu kala wareejiyey 7,200 Dollar oo ka kooban labda nin ee dhintay magtoodi iyo ganaax.
Guddoomiyaha guddidaas go’aanka soo saaray Siciid Aadan Guuleed oo hadal kooban goobtaa ka jeediyey ayaa sheegay in arrintani muddo soo jiitantay, isla markaana meel xun gaadhay markii hore ay hadda meel wanaagsan ku dhamaatay markii ay soo darseena ay soo saareen xukun ay labada dhinacba raali ka tahay. Xukunkaas oo ay sheegeen in ay ninkiiba 150 halaad ka soo qaadeen, taas oo lacag loo badalay ayana noqotay 6200 Dollar.
Waxaanu intaa ku daray in ay beesha Aborkor Axmed khalad ay galeen dartii loogu xukumay 10,000 oo dolar oo ganaaxa. Waxaana ugu dambeyntii mahad u celiyey labada dhinac ee arrintu dhex martay muqaalifada wanaagsan ee ay ka keeneen arrinta.
Guddoomiyaha gobolka Togdheer Jaamac C/laahi Warsame Biin oo halkaa isaguna kalmado kooban ka jeediyey ayaa ku nuux-nuuxsaday, arrintani muhiimada ay leedahay in la dhameeyo, taas oo uu sheegay in ay muddo dheer gobolka ka soo jiitantay arrimo nabadgalyo daro ku haysay gobalka, taas oo uu ku amaanay guddiga ka soo shaqeysay arrintan iyo labada dhianac ee dhibaatadu dhex marty ee aqalbal keenka keenay.
Waxaanu guddoomiyuhu kula dardaarmay in aanay labada dhinac gocasho dambe keenin iyado uu guud ahaana kula dardaarmay dadweynaha gobolka Togdheer in la ilaaliyo nabadgalyada iyadoo uu xusay in ay nabadu tahay waxaa lagu nool yahay.
Suldaan Maxamuud Gulleed Mire oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa amaanay guddigii arrintan ka shaqeysay, isla markaana mahadnaq u jeediyay labada beelood ee dirirtu u dhaxaysay Go'aamada ay kala qaateen.
Colaadan labada reer dhex taalay ee maanta la soo afjarey oo ahayd mid muddo Shan Sanno ah soo jiitamaysay ayaa noqonaysa dirirtii labaad ee noocan oo kale ah ee magaalada Burco lagu soo Afjaro bilihii u dambeeyay.
Ramaasnews Desk
Burao




