Postby Abdi-Samatar » Sun Dec 20, 2009 11:11 am
December 20th, 2009
Hargeysa (Somaliland.Org)- Jabhadda Xoraynta Ogaadeeniya ee ONLF, ayaa la sheegay inay dileen laba qof oo muwaadiniin reer Somaliland ah, kuwaas oo mid ka mid ah Baabuurtii ay wateen-na ku gubay Gobolka Fiiq ee Gobolka Fiiq ee Ismaamul-gobolleedka Soomaalida Itoobiya.
Inkasta oo aanay Xukuumadda Somaliland si rasmi ah uga hadal muwaadiniintan la dilay, haddana siday Wargeyska Ogaal u sheegeen qaar ka mid ah ehelada labadan Marxuum oo magacyadoodu kala ahaayeen, Marxuum Ismaaciil Axmed Jaamac oo dhalasho ahaan ka soo jeeda bariga magaalada Hargeysa iyo Marxuum Isaxaaq Xasan Magan oo isna ka soo jeeda Deegaanka Gabiley ee xarunta gobolka cusub ee Gabiley.
Cali Axmed Jaamac oo ay walaalo yihiin Marxuum Ismaaciil Axmed Jaamac oo isaga oo ku sugan Hargeysa xalay Wargeyska Ogaal uga waramayay sida dilka walaalkii u dhacay, ayaa sheegay in marxuumka oo ay weheliyaan wiil kale oo ay walaalo yihiin iyo marxuumka kale ee la dilay ee Isaxaaq Xasan ay Kooxda ONLF ka heshay Deegaanka Fiiq ee ismaamul-gobolleedka Soomaalida Itoobiya. Mar uu ka hadlayay sida ay wax u dhaceen, waxa uu yidhi, “Habeenimadii maalin Afraaddii (Salaasadii), ayaa abbaaro 9:00 ilaa 10:00 habeenimo layla soo hadlay oo laygu yidhi waxa dhintay Ismaaciil oo ah Ninka aanu walaalaha nahay ee dhintay. Markii aan waydiiyay cidda dishay iyo halka lagu dilayna, waxa lay sheegay in lagu dilay Fiiq oo ay dishay ONLF Ogaadeeniya. Waxaana la socday Wiil ka yar oo isagana aanu walaalo nahay. Intaas ayaa habeenkii ku seexday” Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Dabadeed subaxnimadii ayaan guriga ugu tegay baroor iyo oohin, waxaana laygu yidhi labadoodiiba waa la dilay iyo Inan (Wiil) kale oo Gabiley u dhashay oo isna Gaadhi kale watay. Anagoo sidaa subaxnimadii dhimasho u hayna, ayaa gelinkii dambe nala yidhi waxa nool kii ee aanu isagana walaalaha ahayn.”
Cali Axmed Jaamac waxa uu sheegay in ay dad gurmad ah ka direen Hargeysa oo ay Jigjiga ugu direen inay xog rasmi ah ka keenaan sida falku u dhacay, kuwaas oo xaqiijiyay in uu nool yahay mid ka mid ah saddexda qof ee ay ONLF heshay. “Waxaanu halkan (Hargeysa) ka dirnay Rag oo aanu u dirnay Jigjiga, kuwaas oo markii ay halkaa tageen la xidhiidhsiiyay Wiilkii yaraa ee aanu walaalaha ahayn. waxaanay xaqiijiyeen in uu nool yahay oo uu Fiiq joogo, ninkii ka waynaana la dilay.” Ayuu yidhi Marxuumka walaalkii. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Labadii Gaadhi ee ay Walaalkay iyo Inanka kale ee isna ay dileen kala wateeen, kii walaalkayna way gubeen, kii kalena way daayeen. Waxaana gacanta ku haya gaadhigaa ay daayeen Wiilkii yaraa ee aanu walaalaha ahayn oo hadda wuxuu joogaa Fiiq.”
Mar aanu wax ka waydiinay Cali waxyaabaha dilka walaalkii iyo marxuumka kale loo adeegsaday, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Nimanku (ONLF) dadka way iska laayaan oo si alla si ay u dileen lama oga, balse waxa la sheegay inay cidla ka heleen Baabuurta, waxaanay sidaa ku dileen labada Marxuum ee midi walaalkay ahaa.” Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Walaalkay wuxuu Gaadhiga la gubay ku qaadi jiray Rarka iyo Raashinka caawimada ah ee dadka abaaruhu saameeyeen ee Itoobiya oo uu Jigjiga ka qaadi jiray, waxaanu geyn jiray deegaannada Miyiga ah. Halkaas oo uu imika ku maqnaa muddo siddeed bilood ah.”
Sidoo kale, mar aanu waydiinay halka lagu aasay Maydadka labada marxuum, wuxuu sheegay in lagu aasay deegaanka Fiiq. Waxaanu xusay in aanay jirin wax soo-hadal-qaad ah oo dilka labadan la xidhiidha oo uga tegay dhinaca Xukuumadda Somaliland. “Maydadkoodii waxa lagu aasay Fiiq, cid noo timi iyo cid Xukuumad ka socota oo aanu ka war helnay toona ma jirto.” Ayuu yidhi Cali.
Dhinaca kale, Rashiid Cumar Magan oo ay Marxuumka kale ee la dilay ee Isaxaaq Xasan Magan laba walaalo ahi kala dhaleen, ayaa isna isaga oo ku sugan Magaalada Gabiley Wargeyska Ogaal uga waramay dhinacooda sida Warka dilka ay u maqleen, waxa uu yidhi, “Fiiq bay ahayd oo ONLF ayaa heshay, Warku wuxuu nagu soo gaadhay sidaa. Laba nin oo kale ayaa la socday, Baabuurkiina way ka gubeen. Waxaana naloo sheegay in ay ka soo dejiyeen Baabuurkii, markaas ayay mariyeen Rasaas oo ay dileen, Baabuurkana Qori Saban ah ayay ku dhufteen”
Maaha markii u horraysay ee Jabhadda ONLF falal dil ah kula kacdo muwaadiniin reer Somaliland ah, isla markaana ay Baabuur laga leeyahay Somaliland ku gubto Deegaannada Kililka shanaad ee Soomaalida Itoobiya. Hase ahaatee, waxay wararku sheegeen in hore sanadihii la soo dhaafay ay u gubeen baabuur tiradoodu ka badan tahay 50 Baabuur.
Xigasho: Wargeyska Ogaal