Postby Khalid Ali » Wed Jan 06, 2010 6:17 am
Ururka Sima Ee U Dooda Xuquuqda Beelaha Gabooye Oo Deedafeeyey Dad Ka Soo Jeeda Beesha Madhibaan Oo Sheegtay Abtirsiimo Kale Iyo Madaxdhaqameedyada Beelahaasi Oo Ka Muquurtay Soo Dhawayntii Garaadkooda
“Beesha Cigaal Kuul Waa Beel Ab Iyo Isirba Ka Mid Ah Beelaha Madhibaan, Beeshayadii Madhibaan Ee Magacooda Qurbaha Laga Sheeganayey Waa Nasiib Daro Haduu Garaadkayagii Beelo Kale Sheegtay”
Gudoomiyaha Ururka Sima Kamaal Daahir Cashuur
Hargeysa, January 6, 2010 (Haatuf) - Guddoomiyaha ururka Sima ee u dooda xuquuqda beelaha Gabooye (Somali International Monitory Alains) Kamaal Daahir Cashuur oo ah wakiilka ururkaasi ee Somaliland ayaa deedifeeyey dad kasoo jeeda beesha Siciid Kuul ee beesha Madhibaan oo sheegtay abtirsiimo ku salaysan Beesha Kuul Care oo ka mid ah Beelaha Galbeedka Burco, kuna tilmaamay Beeshaasi Cigaal Kuul ee ay ka soo jeedaan Garaad Axmed Diiriye iyo Suldaan Daakir Xasan Khaliif inay ka mid yihiin Beesha Madhibaan ee Beelaha Gabooye. isagoo intaa ku daray in Garaadka Beesha Madhibaan Garaad Axmed Diiriye oo doraad kasoo dagay madaarka Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa kana soo kicitimay dalka Sweden ugu baaqay in hadii uu beelo kale ku biirayo inuu isagu si shakhsi ah ugu biiro Beelaha Galbeedka BurcoGudoomiyaha Ururka Sima ee Somaliland Kamaal Daahir Cashuur oo wargeyska Haatuf shalay uga xog waramay mawqifka ururkooda ee ku wajahan muranka ka aloosan beesha Madhibaan ee sheegatay abtirsiimada Kuul Carre ayaa isagu urur ahaan xaal raali galin ah u diray madaxdhaqameedyada iyo guud ahaanba beelaha Galbeedka Burco isagoo arinkaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Anigoo ah gudoomiyaha ururka Sima (Somali International Monitory Alains) ee Somaliland oo ah urur u dooda xuquuqda beelaha laga tirada badan yahay oo ka dhisan dalalka Yurub,Amarica iyo Carabta, hadii aan ka hadlo waxyaabaha ku saabsan beelaha la leeyahay way isku biireen haday tahay beesha Siciid Kuul oo ka tirsan beesha Madhibaan oo ab iyo Isirba la wada ogyahay inay ka tirsan yihiin Madhibaan, Suldaan Daakir Xasan Khaliif oo ah suldaanka beesha Madhibaan waa suldaan kasoo jeeda beesha Siciid Kuul oo aanu dooranay, garaadka yidhi Kuul Care ayaanu nahay horta Beelaha Habar Yoonis xaalbaanu siinaynaa urur ahaan, Habar Yoonis iyadaa la sheegan jiray ee iyadu cid ma sheegato sida xaqiiqdu tahayna waxaan qabaa inaanay beesha Habar Yoonis iyadu waxba sheeganayn, balse iyada la sheeganayo, madaxdhaqameedyada beelaha Habar Yoonis-na waxaanu leenahay hadii madaxdhaqameedyada Madhibaan ay daadefayni idinka soo gaadhay xaalbaanu idinka siinaynaynaa. Iyadoo beesha Madhibaan ay beelaha Ajiga ee dibadaha joogaa baasabooradooda lagu diwaan galiyo Madhibaan, Muuse Dhariyo,Tumaal iyo Hawle hadii garaadkii Madhibaan ee isaga beeshiisa la sheeganayey uu isagu beelo kale oo ka baxsan Madhibaan uu sheegto waa ayaan darro anaga waa garaadkayagii oo aflagaadayn mayno wayse jirtay in dhaqan ahaan beelaha Gabooye lakala Faquuqay oo qaarba beelaha Ajiga ay la dagaan, balse beelina beelaha ay la dagto isir ahaan ma sheegato, sidaa darteedna sheekadan hada la wadaa waxay ku danbaynaysaa is bahaysi dhaqan oo dhiiga la wada bixiyo,balse beelina beel kale kuma biiri karto”
S:Garaadka Beesha Madhibaan Garaad Axmed Diiriye markii uu shalay kasoo dagay madaarka Hargeysa waxa la sheegay in dad wayne kasoo kala jeeda labada dhinac ay soo dhawayn tiisii isku qabsadeen oo la sheegay in isku dhac ka iman gaadhay labada beelood arinkaasi maxaa ka jira ?J: Madaxdhaqameedyada beeshayadu may tagin madaarka, lagumana dagaalamin waana dacaayad iyo borobogaando laga fidinayo beesha Madhibaan waxaanu se ognahay inaan beesha Siciid Kuul isku raacsanayn Kuul Caraynta, balse ay afar qof oo tiro yari arinkaasi dabada ka riixayeen markay soo daalaana ay nagu soo noqon doonaan.
S: Salaadiinta Beelaha Habar Yoonis arinkaasi makala kulantay ?
S:Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray ayaan kala kulmay qadiyadaasi waxaanu igu yidhi, anagu beeshan maanu doonane iyagaa nasoo sheegtay, salaadiinta beesha Habar Yoonis Suldaan Rashiid Suldaan Maxamed Xirsi Qani waa Salaadiin Xuquuqda beelaha Gabooye u dooda.
S: Garaad Axmed Diiriye oo isaga iyo beeshiisu ay ku doodayaan Kuul Care ma iska aragteen oo makala hadashay qadiyadan ay ku sheegeen inay beeshaasi Habar Yoonis ka tirsan yihiin ?
J: Ismaanu arag laakiin anagu Madhibaanimadayada iyo qoomiyada Gobooye ee aan ka mid ahay ayaan ku kalsoonahay hadaan beel kale sheegtana waxaan qabaa inaan karaamadayda iyo Isirkaygaba wax u dhimayo, sidaa darteed sheekadani ma suuro galayso waxaanay ku danbaynaysaa isbahaysi dhaqan.
Dhinaca kale qadiyadan la xidhiidha mawduuca muranka wayni ka taagan yahay ee ku saabsan abtirsiimada ay sheegteen dad kasoo jeeda beesha Madhibaan ayaa waxa iyagu hore u deedefeeyey madaxdhaqameedyo ka mid ah beelaha Gabooye oo uu hogaaminayo Suldaanka Beesha Madhibaan Suldaan Daakir Xasan Khaliif oo iyagu hore u sheegay inaanay beeshoodu asal ahaan ka mid ahayn beesha Kuul Carre balse ay sheegeen inay ab iyo Isirba kasoo jeedaan beesha Madhibaan, waxaanay ilo xogogaal ah noo sheegeen in garaadka beesha Madhibaan Axmed Diiriye oo la sheegay inuu u ololaynayo qadiyada ku saabsan abtirsiimada ka baxsan beelaha Madhibaan ay doraad ka muquulteen soo dhawayntiisii madaxdhaqameedyada Beelaha Gabooye.