Page 1 of 1

Hargeisa Survived The Biggest Kacdoon Yesterday

Posted: Sun Jan 24, 2010 6:01 am
by LiQaaye_TDH
Shacabka hargeysa ayaa saaka mar kaliya indhaha ku kala qaaday hadal dhawaan ka soo yeedhay wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha Dibada Md Kayse.

Hadaladaasi ayaa saaka waxaa lagu soo daabacay bogaga hore ee joornalada ka soo bax hargeysa, gaar ahaan wargayska caanka e Geeska Afrika, in kastoo ay hore u baahiyiyeen baraha internet-ku.

Wargayska ayaa saaka aroorti hore guud ahaan laga waayey suuqyada lagu iibiyo joornaalada waxaana kor u kici gaadhay qiimaha lagu iibiyo. Warkan ayaa waxa uu saamayn weyn ku dhex yeeshay caasimada Somaliland, meel kasta xaafadaha, basaska la raaco ee qaada rakaabka, maqaaxiyaha lagu gorfeeyo siyaasada
Saamayntaas ayaa keentay in mar kaliya markii warkaasi saaka soo if-baxay shacabka reer hargeysi ay isa soo dhoobo wadooyinka iyo meherada hortooda.

Shacabka ayaa waxay door bideen in ay dhigaan mudaharaadyo salmi ah, isla markaana ay socod ku maraan wadooyinka iyo jidka hor-mara madaxtooyada Somaliland.Dareenka shacabka ayaa ilaa iyo abaaro 12:30 duhurnimo isa soo taraayey. Hase ahaatee wasiirka wasaarada arrimaha dibada Md C/laahi Maxamed Ducaae ayaa faro cidideed ku fashiliyey is abaabulka shacbka. Wasiirka ayey khasab ku noqotay in uu hadalka ku xigeenkiisa ka soo yeedhay beeniyo, isaga oo eegay maslaxada dadweynaha iyo karaamada masuulka la weeraray. C/laahi Maxamed Ducaale ayaa si deg deg u gaadhay idaacada iyo Tv-ga ku hadla afka xukumada madaxweyne Riyaale, dadweynahana u sheegay in aanu wasiir-ku-xigeenku afkiisa ku hadli Karin, arrinkaas uu sheegayna aanay waxba ka jirin.

Si kastaba ha ahaatee dadweynuhu markii ay warkaasi maqaleen waxay u kala qado doonteen guryahoodii, waxaana baaqday mudaharaadyadii ay dhexdooda ka soo abaabulayeen. Ilaa hada ma jiraa wax rabshado ah oo ka bilaabay magaalada hargeysa, waxaana degen goobihi saaka laysku uruursanaayey oo hada u muuqdo goobo caadiya.

Re: Hargeisa Survived The Biggest Kacdoon Yesterday

Posted: Sun Jan 24, 2010 6:16 am
by Voltage
Horta what did Siilaanyo say?

Re: Hargeisa Survived The Biggest Kacdoon Yesterday

Posted: Sun Jan 24, 2010 6:24 am
by LiQaaye_TDH
Horta what did Siilaanyo say?
Nothing, The Somaliland Goverment was Jealous of this:

Image

Re: Hargeisa Survived The Biggest Kacdoon Yesterday

Posted: Sun Jan 24, 2010 7:28 am
by Voltage
Never mind just watched the youtube clip. Siilaanyo the Somalia supporter :up:

Re: Hargeisa Survived The Biggest Kacdoon Yesterday

Posted: Sun Jan 24, 2010 8:00 pm
by The_Emperior5
Never mind just watched the youtube clip. Siilaanyo the Somalia supporter :up:

Silanyo does not support that shit hole called somalia you wish boy

Re: Hargeisa Survived The Biggest Kacdoon Yesterday

Posted: Sun Jan 24, 2010 8:42 pm
by Voltage
Sxb it is obvious this guy if somalia gets its act together har cad ayuu xamar aadi, lakin how can he support somalia now? he would just become exile like buubaa. Lakin you can tell nuxurka ninkaan ku maqan.

teeda kale ku ye you wish like inay caano iyo malab arintaan iigaga maqantahay :lol: :lol:

Re: Hargeisa Survived The Biggest Kacdoon Yesterday

Posted: Sun Jan 24, 2010 8:45 pm
by The_Emperior5
Sxb it is obvious this guy if somalia gets its act together har cad ayuu xamar aadi, lakin how can he support somalia now? he would just become exile like buubaa. Lakin you can tell nuxurka ninkaan ku maqan.

teeda kale ku ye you wish like inay caano iyo malab arintaan iigaga maqantahay :lol: :lol:

war Silanyo maba taqanid wa nin ka han weyn waxa la yidha Xammar iyo dadka koonfurta jooga iyo waxa la midka ah , wa nin somaliland u so halgamay wa nin jecel dalkisa
they guys 69 years old xammar muxu ka sugi , markay nafta lahayd waki wasirki maaliyada ka noqday lol.
Ninka isaaqa madaxweyna ba kama noqon karo somalia sharciga 4.5 baba dhigaya kaas
4.5 good formula.

Re: Hargeisa Survived The Biggest Kacdoon Yesterday

Posted: Sun Jan 24, 2010 8:48 pm
by Cali_Gaab
^ Watch the video i've posted where Gaboose speaks. He talks about the subject of joining somalia, also watch the video i've posted about Silaanyos visit to America, this should give you an in-depth understanding regarding the thoughts of joining what was once known as Somalia.

Re: Hargeisa Survived The Biggest Kacdoon Yesterday

Posted: Sun Jan 24, 2010 8:49 pm
by Voltage
Siilaanyo sxb is an old educated man oo waliba wax ku bartay UK at the tme of colonialism, liberation struggle, etc. Dadkaas oo kale meeshay ka fakiraan maaha little qabiil stuff, at the end of the day meel dheer bay ka fakiraan...Africa iyo the black races sida loo burburiyo with small countries and weak economies iyo waxaas bay ka fakiraan. Even if I have not watched him on youtube I could understand how this guy thinks...ima baraysid.

Re: Hargeisa Survived The Biggest Kacdoon Yesterday

Posted: Sun Jan 24, 2010 8:51 pm
by Voltage
Cali Gaab the first HJINO. :up:

Re: Hargeisa Survived The Biggest Kacdoon Yesterday

Posted: Sun Jan 24, 2010 8:53 pm
by Cali_Gaab
Bollox, maybe 4th cause my half brothers live in New York.

Re: Hargeisa Survived The Biggest Kacdoon Yesterday

Posted: Sun Jan 24, 2010 8:55 pm
by Cali_Gaab
Assuming HJNIMO stands for the first Habar Jeclo in North America :roll:

Re: Hargeisa Survived The Biggest Kacdoon Yesterday

Posted: Sun Jan 24, 2010 8:57 pm
by Voltage
Habar Jeclo In Name Only

HJ are almost always lax Sland supporters never extremist secessionists like you. You are a HJINO. :down:

Re: Hargeisa Survived The Biggest Kacdoon Yesterday

Posted: Sun Jan 24, 2010 8:57 pm
by The_Emperior5
Assuming HJNIMO stands for the first Habar Jeclo in North America :roll:

looooooooooooool