Burco(HWN):- Magaaladda Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa maanta si heersare ah loogu Caleema saaray Suldaan Cusub, Sulaankaas oo magaciisa la yidhaahdo Suldaan Cismaan Sheekh Ibraahim Sheekh Maxamed, kaasoo ay doorteen Beelaha Awal-Bari ee Gobolka Togdheer, waxa uu ku soo biiray Madax-dhaqmeedka reer Somaliland, gaar ahaan Togdheer.
Munaasibad balaadhan oo loo sameeyay caleemo-saarka Suldaankan cusub oo lagu qabtay Huteelka Cigaal ee Magaalada Burco, ayaa waxa ka soo qayb galay boqolaal qof oo isugu jira oo u badnaa Madax-dhaqmeed isugu jira Salaadiin, Cuqaal, Odayaal iyo sidoo kale, Culimo-udiin, Haween, Dhalinyar iyo dadweyne kale oo aad u badan.
![]()
Caaqil Cumar Ibraahim Maxamuud oo ka mid ah cuqaasha beelaha Awal Bari ee Suldaanka cusub doortay oo ugu horeyn Munaasibadaa ka hadlay ayaa si weyn u soo dhaweeyay caleemo saarka Suldaanka cusub, isla markaana waxa uu kula dar-daarmay in uu noqdo Suldaan ka shaqeeya nabada iyo isku xidhka beelaha ku dhaqan gobolka Togdheer. Waxaanu u soo jeediyay Caaqil. Cumar, Suldaanka Cusub in uu dulqaad iyo cadaalad ku shaqeeyo ilaahay baa cadaalada bixiyee.
Sidoo kale, Caaqil. Xasan Cumar Guuleed oo isna madashaa ka hadlay kana mid ahaa beesha uu Suldaankani ka soo jeedo oo Suldaanka cusub ducooyin iyo talo guddoonsiiyay. "Suldaan Cismaan Sheikh Ibraahim hore ayuu suldaan Beesha ugu ahaa oo waxa uu ahaa nin ka shaqeeya nabada gobolka Togdheer oo Sheekh ah, balse maanta waanu caleemo saaraynaa oo dadka reer Burco ayaanu tusaynaa in Suldaankan beeshu raali ka tahay.” Sidaa ayuu yidhi Caaqil Xasan Cumar.
Waxaanu Caaqil Xasan oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo yidhi, “Sidaa awgeed, waxaan leeyahay Suldaanka ha noqon Suldaan marka la caleemo saaro Hargeysa iska dhiiba oo axsaabta kala raaca, dhex u noqo Ummaddaada oo ku shaqee diinta islaamka iyo xilkii laguu doortay. Annaguna waanu kuugu ducaynaynaa xilka laguu doortay in ilaahay kuu fududeeyo.”
Gudoomiye Ku-xigeenka beelaha Awal-Bari ee Gobolka Togdheer Cismaan Cabdi Rooble oo Xafladdaa Caleema-saarka ka hadlay, ayaa Suldaankan cusub ku tilmaamay Suldaan Sheekh ah oo ay Beesha Awal-Bari u soo xushay in Suldaan laga dhigo ka baaraan-deg badan ka dib. Waxaanu Sheegay Guddoomiye ku-xigeenku inay Beeshu lahayd Suldaan hore, hase ahaatee, uu hadda ka dallacay Booskaas oo uu isubedalay Boqor, baahidaas is-bedalka Suldaankoodii hore awgeedna ay keentay inay maanta Caleema-saaraan Suldaankan cusub oo ah Suldaan Cismaan Sheekh Ibraahin Sheekh Maxamed.
Hadhwanaagnews.com/Office
Burco/Somaliland





