XARBI DHERES POEM
ON THE ISSUE
Maansada Cabdiyo Nuurba way, igu canaanteene
Ciroolahaa i waydiiyay iyo, culimadaan diidaye
Cismaan iyo adaan Jaamacaw, kuu camirayaaye
Ka cudhaadha cawaan sidii, ceel idiin shubiye
Carab iyo Gurey waatii uu, cunay waraabuhuye
Cabdilaahi Nuux iyo Salaan, ciida lagu aasye
Cawil Eebbe mooyee Khaliif, ka cifan maysaane
Cadaab ma arke Aw Yuusuf baan, ciilkii duubnahaye
Ceeblaawihii layga qaad, caalinka ahaaye
Nin Cadaawe riixaa ka madhay, cuurka Reer Dalale
Iyagu soo ceshaa iyo innagu, kula carrawnaaba
Jeeroo col kale soo baxoo, qolo la ciiryoonto
Ama ay wax kala caad baxaan, sida cirkoo hooray
Intay Baho cadceed iga xigaan, caafimaad dhimaye
Afaan Ciidagale ugu gabyaa, iima caad bixine
ileen you posted it twice