



Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB mr Jamac Yasin Faarax oo ka soo galay dhinaca bari ee magaalada Burco kana soo kicitimay saaka magaalada Caynaba ayaa soo maray Gobolo,Degmooyin iyo tuulloyin badan oo Bariga ah, waxanuu safarkiisan uu Burco ku yimi u muuqdaa kii uu ku soo gebogabaynayay safaro uu ku gaalaa bixinayay deegaanadaas


Hadaba waxa xarunta xisbiga UDUB Hortiisa oo loogu talo galay in wefdigu uu kula hadlo

Waxa iyaguna madashii soo dhoweynta wufuuda xisbiga UDUB ka hadlay Badhsaabka Gobolka Jamac C/laahi Biin iyo masuuliyin kale. Sidoo kale waxa madashii soo dhoweynta Hadhuub Caano ah lagu Guddonsiiyey Horkacayaashii Labada wefti waa Mr, Cisman Hindi iyo Jamaac Yasin Faarax e, waxaana halkaas ku Guddonsiisay hadhuubka caanaha ah Guddomiyaha Cusub ee Garabka Haweenka ee Xisbiga Talada Haya ee UDUB Marwo Sahra Dubbad Axmed oo dhowr iyo tobankii bishii Hore lagu caleemo saaray Hotel Cigal ee magaalada Burco . Soo dhoweyntan qiimaha badnayd ee loo sameeyey weftiga Xoghayaha Guud iyo weftiga Guddomiyaha Ololaha Doorashooyinka ee Xisbiga UDUB ayaa ahaa mid maalmihii u danbeeyey ay u dhegtaagayeen taageryaasha xisbigu, waxana markii munaasibadu dhammaatay loo gelibbiyey wufuuda dhinaca HOTEL IGAL oo badanaa wefdigu marku yimaado ay degaan, isagoo intii aanu madasha ka dhaqaaqina xoghayuhu sheegay in uu joogi doono maalmo kooban lana kulmi doono madax dhaqmeedyada iyo shacabka Gobolka.




