Page 1 of 1

Anako Hadaan HY Nahay We Want Revenge Hahahha

Posted: Fri Feb 12, 2010 8:13 pm
by LiQaaye_TDH
Anagu Hadaanu Nahay beesha Habar Yoonis Waanu Aar Goosanynaa" Anigu Runtii Meel U Dagaalka Habar Yoonis Cawil Faqash Kaga Jiray Garan Maayo
(Hadhwanaagnews) Thursday, February 11, 2010

Waxa iska caado noqotay intu maamulka hayay Rayaale Kaahin (anigu shakhasi ahaan aan ugu yeedhayn Madaxaweyne ama Mudane sida dastuurka Somaliland ku cad inaanu u qalmin magacaas guulwadayaashiisu la jeclaysteen laakiin aan sharci ku diidanahay). Waxa caado noqotay shakhsiyaad luf-luf loo duubo oo mar kaste fitno ku abuura magaca reerka Siciid Garxajis ayagoo adeegsanaya dagaalkii sokeeye. Waxa ugub ah hadalado fara badan oo ugu horeeyay qalaadkii Cawil ku bilaabay "Anagu hadaanu nahay beesha Habar Yoonis waanu aar goosanynaa" anigu runtii meel u dagaalka Habar Yoonis Cawil Faqash kaga jiray garan maayo, malaa Mudane Cawil waxa iskaga qaldantay shaqadu u qaban jiray dawladii Mudane Daarood iyo beesha Habar Yoonis.

Mar maaha oo 10 maaha inta shakhsiyaad ku hadlaya magaca beesha Garxajis intay saxaafadda la hadleen adeegsadayna dagaalkii sokeeye ayagoo Rayaale ugu ololinaya cuqdad aan sal iyo raad toona lahayn laakiin lays leeyay hadda gacamaa ku rimiya. Waxa ka mid ah hadaladii Maxamed Ismaaciil Bulaale oo inagu soo kordhiyay eriga ah " reer hebel baa hebel dhabta ku haya". waxa ka mid ah hadaaqii Suldaan Yuusuf Xiiray ee ahaa " haday mudaaharaadaan shicibka somaliland ee Kulmiye anakuna waanu ku madaaharadaynaa ee hala joojio" cidu u mudaaharadaayay isagoo suldaan sheegta malaa waa maamulka Riyaale sida ka muuqata. Waxa kaloo ka mid ah hadalkii suldaan Maxamed Cabdiqaadir Dhabeeye isagoo suldaanka guud ee Isaaq oo dhan ah yidhi hadana " sidii anaka naloo galay dagaalkii sokeeye haloo galo shicibka taageersan Kulmiye". Waxa ka mid ah Suldaan Galaal oo Isaaqa ku sheegay reer Karbala (Shiyicada Iraaq) ee suniga tirada yar 40 sanadood maamulayay. Walaa cadad walaa xisaab inta jeer ee hadala noocan ah ay ka soo yeedheen shakhsi ku hadla magaca beesha Habar Yoonis.

Waxa ugu danbaysay maanta 40 cuqaal oo la soo dhoobdhoobay "Galbeedka Burco" oo yidhi Siilaanyo baanu uga hanjabanynaa Somaliweynimo , qofka caafimaadka qaba ee dabaylaa Cawl weli sumayn wuxu ogsoonyay in hadalkii Siilaanyo daba taagnaa waraysigii Cabdilaahi Yuusuf ku sheegay inay SNM weligood ahaayeen Gooni-goosato waraysigii universal T.V. Siilaanyana ku saxsanaa inu erigaas ka jawaabo oo taariikhda saxo, ka dibna maamulka fadhiidka ah ee shaqadiisu noqotay yooyootan abuur inu u badalay hadlakii taariikh sixid ahaa ee ahaa inay SNM dastuurka ugu taalay Somaliweyn isla markiiba u qaloocayay Siilaanyo iyo Kulmiye waa somaliweyn.

Judhiiba waxa soo baraarugay mudane beeshayda ah (Muuse Cabdalle) oo ka mid ah raga hankoodu buux dhaafiyay "wasiir ku xigeenimadu" oo la shir yimi hadal ah "siilaanyo dalka waa ka mamnuuc ilaa u Riyoole waydiisto cafis", cafis la waydiisto Riyoole waxa ku xigay wasiirkii iyo maamuulkiisii "Maca Naas" oo guryadhoodii ka soo bixi kari waayay marku Siilaanyo dalka ku soo laabtay.

Haday ka dhabtahay shakhsiyaadakan magaca beesha Habar Yoonis aan ka mid ahay u afduubay Riyoolism ka ayagoo dagaalkii sokeeye ka shidaal qaadanaya , sababta hadalada noocan ah looga maqli waayay beesha 1995-2001 intu ina Cigaal noolaa haday ka dhabtahay. Waxa iska cad inay waxani yihiin mashruuc iyo fitno la doonayo in Garxajis lagu beego Isaaqa kale , nasiib daroduna waxay weeye in reerka la baxay imika "Galbeedka Burco" inay shiraako ka yihiin mashruucaas oonay ka dhiidhiyin.

Anigoo shakhsi ka ah beesha Habar Yoonis oon hubo inta aqoonta le inaanu isku rayi nahay, mashruucaas "cuqdada gacan ku rimiska ah" waanu diidnay waana been waxna kama jiraan meel reerka garxajiska ah lagu ciilay. Horna ugamaanu maqli jirin waagay colaadu jirtay, maantana waxa waxaas shaqo ka dhigtay 4 Galbeedka burco lagu biilo. Waxan ugu danbayn kaga baxayaa maqaalkan beesha Habar Yoonis Galbeedka Burco eey jeclaadeen reer Burco ma nihin, nimankiinan reer Burco ka daaya afduubka iyo bahdilaada magaca beesha H.yoonis ee ilaa Yoobe ilaa Bulaxaar taxan. Hadaad diidantiin Kumliye umada kale ba waa ka soo horjeedaa wax aan xataa Gedabursi ku hadlina caadaad ka dhigateen , reerka Habar Yoonis wuxu u afduubanyay 4 qabqable oo Qirinqiir u noqday maamulka Ururuka Danbiilayaasha Umada Boobay ee lagu soo gaabyo UDUB, maanta UDUB iyo masiirkiiHabar Yoonis baa xataa isku milmay oo 4 jeer oo hore buu fashilmay shirkii Habar Yoonis waxa ugu danbeeyay kii la yidhi waxa la helay " the mising link" Siciid Kuul oo weligood ahaa madhibaan baa la yidhi habar yoonis halagu daro kamana madax banaana arintaasi UDUB oo suldaan Daakir ayaaba sheegay, Habar Yoonis waxa la gaadhsiiyay inay Madhibaan xataa u sheegtaan UDUBNimo , reerkan hadii aan loo kicin intay goori goor tahay waa loo yaabaa.


Guul iyo Gobinomo.

Rashid Jama
Kayse78@hotmail.com

BY: **********

Re: Anako Hadaan HY Nahay We Want Revenge Hahahha

Posted: Fri Feb 12, 2010 9:03 pm
by Siciid85
Did you read the article first, cousin? Or just the tile of it.

Re: Anako Hadaan HY Nahay We Want Revenge Hahahha

Posted: Fri Feb 12, 2010 9:07 pm
by Goljano Lion
Damn racist H-jeclo :lol:

Re: Anako Hadaan HY Nahay We Want Revenge Hahahha

Posted: Sat Feb 13, 2010 7:53 am
by hargaysaay
this guy liqaaye is at the boiling point of his cuqdad , poor guy I think it is time for other isaaq members in snet to make interfention and help this guy

Re: Anako Hadaan HY Nahay We Want Revenge Hahahha

Posted: Sat Feb 13, 2010 8:31 am
by The_Emperior5
xplaya wrote it .

Re: Anako Hadaan HY Nahay We Want Revenge Hahahha

Posted: Sat Feb 13, 2010 8:43 am
by koohi
war ma kii gaalkii ayaa qoray waxaas.
wallaahi kaasi waa naanaab bal wuxuu qoray eega waa wada qabiil
meesha ma wuxuu u haystaa paltalk.