ayna soo abaabuleen xafiiska Somaliland ee magaalada Sanca, ayaa ka mid ah 16 kooxood oo tartan uga furmay magaalada Sanca(Sawiro)
Koox kubadda cagta ah oo ku ciyaaraysa magaca Somaliland ayna soo abaabuleen xafiiska Somaliland ee magaalada Sanca, ayaa ka mid ah 16 kooxood oo tartan uga furmay magaalada Sanca.

Tartankan oo ay soo qaban qaabisay haayad la yidhahdo ADRA waxa uu ka socdaa garoonka "Sabciinka" ee magaalada Sanca, waxana 16 ka kooxood kasoo baxaya 8 kooxood. Hadaba, waxanu la kulanay kooxda ku ciyaaraysa magaca Somaliland , kooxdan oo direeska iyo qalabka ciyaarta ka helay xafiiska Somaliland ee dalka Yemen, waxa ay ciyaari doonaan maalinta isniinta ah.
Tababaraha kooxda Somaliland, Anwar Mustafe Saalax ayaa mahad naq ballaadhan u soo jeediyay xafiiska Somaliland ee dalka Yemen, isaga oo sheegay inay taageero aad u balaadhan ka heleen.Sidoo kale Kabtanka kooxda Somaliland ee tartankan ka qayb galaysa Ibrahim Xaaji Suufi (Jaloori), ayaa sheegay inay haystaan ciyaar yahanno khibrad leh oo hore uga soo qayb galay tartano hore, sidoo kalana uu rajo wayn ku qabo firfircoonidooda uuna ku niyad sanyahay inay qaadi doonaan koobkan oo magac weyn usoo jiidi doonaan Somaliland


Ku xigeenka wakiilka Xafiiska Somaliland ee dalka Yemen, Mudane Maxamed Xirsi Gudaal (Maxamed Tamaam) ayaa rajo fiican ka muujiyay in kooxdan magaca Somaliland ku ciyaaraysaa guul wayn soo hoyn doonto, wuxuna ku booriyay inay karti iyo firfircooni la tagaan garoonka. Wuxu intaas ku daray in ciyaaruhu yihiin sida keliya ee dhalinyarada lagaga fogayn karo balwadaha iyo waqti lumiska, ayna xafiis ahaan soo qaban qaabiyeen kooxdan.
Axmed Maxamuud Cilmi -Shawqi
Golisnews reporter
shawqi06@hotmail.com



