Xawaalada Qaran Express Oo Maanta Hargiesa Ay Uga Furantay Bandhig Balaadhan, Daawo
Written by Qaran News
Mar 02, 2010 at 07:57 AM
Hargaysa,(Qaran News)- Waxa maanta Hotel Ambasadoor ee magaalada Hargaysa lagu qabtay xaflad bandhigeed aad u balaadhan oo ay soo qabn qaabiyeen ama ay dhigeen maamulka guud ee xawaalada caalamiga ah ee Qaran Express, oo ka mid ah xawaaladaha ugu waaweyn kuwooda ka hawl gala geeska Afrika iyo dhamaan caalmkaba.
Xafladani oo ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiinta ugu sar saraysa ee xawaalada Qaran Expres, waxa maanta iyana ka soo qayb galay ganacsato waaweyn iyo qaybaha kala gadisan ee bulshada, waxa sidoo kale joogay oo ka soo qayb galay siyaasiyiin, madax ka socotay xukumada Somaliland iyo xisbiyada mucaaridka, golayaasha qaranka sida guurtida iyo wakiilada, iyo xubno sharafeedyo aad u tiro badan oo ka kala socday dhamaan qaybaha bulshada iyo shaqaalaha
Xawaalada qaran express, qaar ka mid ah oo ka kala yimid qaaradaha dunida badidooda, gaar ahaana kuwooda ka hawl geeska Afrika, waxa sidoo kale iyana xaflada goob joog ka ahaa khubaro heer caalami ah oo maanta furitaanka bandhigani si balaadhan oo baaxadleh uga dhex muuqday.
Hadaba halkani anaga oo aan ku soo koobi karin muuqaalkii kulankii maanta oo socon doona maanta iyo bari xagani hoose ka daawo.
Source Qarannews