Buuhodle Odayaasha Degmada Buuhoodle ee Beesha Habar jeclo oo Maanta Shir Kuyeeshay Duleedka Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Buuhodle Ayaa Sheegay In Shirkaas Ay uga Arinsanayeen Arimah Gobolka Buuhoodle Odayaashan Ayaa Shaaciyey In Degmada Buuhoodle Ay 50/50 Utahay beesha Dhulbahante Iyo Iyaga islamarkaana Ay Saluugsanyigiin Qaabka Golah Degaanka Buuhoodle Waxana Ay Tibaaxeen In 12 Xubnood Keliya Ay Kaheleen Golaha Degaanka Buuhoodle oo Ah 3O Xunood Iyo Labada Gudoomiye.
Odayaasha Degmada Buuhoodle ee Beesha Habar jeclo ee Isaaq Ayaa Sheegay In Gudoomiye Kuxigeenka Iyo 12 Xubnood Keliya uu Degmada Kaga Soo Aadey Saami Qaybsigii oo Ay Deganyihiin 8 Tuulo oo Kamid Ah 13 Tuulo oo Degmada Buuhoodle Hoosyimaada Kuwaasi oo Ay Kala Deganyigiin Beesha Dhulbahante Iyo beesha Habar jeclo ee Isaaq.
Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Boohoodle ee Gobolka Muuse Macalin Ayaa Sheegay In Awood Qaybsiga Degmada Buuhoodle Ay tahay Mid Muhiin Ah oo Lobaahan Yahay In Beelaha Walala ah ee Degaanka Dega Ay ku Hashiiyaan Waxana uu gudomiye Kuxigeenku Sheegay In Beesha Habar Jeclo Aaney Degneyn Gudaha magaalada Buuhoodle Balse Ay Degaan 8 Tuulo oo Hoosyimaada iyo Degaano Badan Iyadoo Horay Labada Beelood iskugu Maandhaafeen Degaanka Galgal ee 23 KM Ujirta Degmada Buuhoodle.
Gudoomiye Kuxigeenka Ayaa Sheegay In Dhinaca Somaliland 2 Xubnood ee Degmada Buuhoodle Kasoobaxay Ay Beesha habar Jeclo Qaadatay oo Halkaasba Ay Khalad Tahay Waxana uu Sheegay In Xiligii Dowladii Dhexe ee Somalia Labo Xubnood ee Degmada Kasoobixi jirey labada beelood ay kala qaadan jireen.





