Page 1 of 1

Buurowaddal under attack by puntland

Posted: Wed Mar 17, 2010 9:54 am
by The_Emperior5
Maamulka Puntland Oo Isu Diyaarinaya In Uu Weerar Ku Qaado Buurawadal.
Written by Jidbaale.com
Wednesday, 17 March 2010 10:19
Garoowe(Jidbaale.com):-Wararka naga soo gaadhay magaalada Garoowe ayaa waxa ay sheegayaan in uu haantan ka socdo Madaxtooyada Puntland diyaar garow loogu jiro sidii loo weerari lahaa magaalada Buurawadal, halkaas oo ay ku sugan yihiin xubnaha Khusuusiga iyo madax-dhaqameed ay ka mid yihiin Garaad Jaamac Garaad Cali Iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.



Qorshan ay abaabulayso Puntland ayaa waxa hormuud looga dhigayaa sida qorshuhu yahay Wasiirka Ganacsiga Xasan Faarax Jaamac (Xasan Geerash), oo isagu aad ugu ololaynaya in uu hormuud ka noqdo weerarka Buurawadal.



Arrintan ayaa waxa ay ka danbaysay ka dib markii uu saaka Xasan Faarax (Xasan Geerash) deegaanka Buurawadal kala soo kulmay waji gabax, isaga oo ula tagay qorshe uu ka waday maamulka Puntland Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, isla markaana uu ka diiday Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil arrimahan ay soo hordhigeen maamulka Puntland, oo soo wakiishay Xasan Faarax (Xasan Geerash).



Xasan Geerash ayaa kula soo noqday magaalada Garoowe qayla dhaan iyo isaga oo sheegay in aanay arrin kale hor oollin maamulka Puntland aan ka ahayn in weerar lagu qaado deegaanka Buurawadal. Waxaana ilo xog ogaal ah oo ku sugan madaxtooyada Garoowe sheegeen in haatan loogu jiro diyaar garow sidii weerar loogu qaadi lahaa deeganka Buurawadal, iyada oo heegan la galiyey Tignikada Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/samad Cali Shire. Xasan Geerash ayaa sida la xusuusan yahay maamulka Hargeysa xilligii uu ka tirsanaa u adeegsan jiray qorshayaasha sidan oo kale ah.



Arrimahan is daba socda ayaa waxa ay ka danbeeyeen markii shalay go'aamo ay soo saareen qaarka mid ah madax-dhaqameedka SSC iyo maamulka Puntland, kaas oo qeexay in loodaba fadhiisto maamulka Puntland wax ka qabashada Laascaanood, isaga oo uu maamulkuna sheegay in aanay hadda awood u lahayn in ay soo celiyaan Laascaanood ee laga sugo xilligay wax qaban karaan.



Magaaladda Buurawadal ayaa iyana lagu ansixiyey shalay hoggaanka SSC Dr. Saleebaan Xaglatoosiye iyo Col. Cali Sabarey, ka dib markii golaha Khusuusigu kalfadhigoodii ugu horreeyey yeesheen shalay, iyaguna ay doorteen Guddoomiye, una doorteen Col. C/risaaq Gacamey.



Jidbaale.com

jidbaale.com@gmail.com