Awdal region Ready
Saaxil Region Ready
Now we Have Togdheer, Sanaag and Sool Left
71 xubnood oo ka kala socday saddexda Gobo lee Awdal, Hargeysa iyo Saaxil, isla markaana ah Guddoomiyayaasha, Guddoomiye ku-xigeennada iyo
Xoghayayaasha Komishanka doorashooyinka Somaliland ee Goboladaas iyo Degmooyinka hoos yimaadda ayaa maanta lagu dhaariyey Huteel Ambasador ee Magaalada Hargeysa. Sidoo kalena waxa isla maanta hawl-wadeennadaas u furmay tababbar muddo laba maalmood ah u socon doona.
Munaasibaddii 71-kan xubnood ee ka kala socday saddexda Gobol oo lagu qabtay Huteel Ambasador ee Caasimadda Hargeysa waxa ka soo qaybgalay, toddobada xubnood ee Guddiga doorashooyinku ka kooban yahay, hawl-wadeenada kale ee Komishanka, Masuuliyiin ka kala socday saddexda Xisbi ee UDUB, KULMIYE iyo UCID, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa.
Ugu horeyn furitaankii Xafladdaasi waxa hadal ka jeediyey Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) oo sheegay in 71 qof oo ka kala socda saddexda Gobol ee Awdal, Maroodi-jeex (Hargeysa) iyo Saaxil ay madashaas isugu yimaaddeen, una yimaaddeen tababbar la xidhiidha hawlaha doorashooyinka ee ay masuuliyaddooda dusha ku qaadayaan iyo in loo dhaariyo xilka qaran ee loo dhiibay.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland Ciise Yuusuf Maxamed (Ciise-Xamari), oo kulankaa ka hadlay, ayaa ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee Guddigii iyaga ka horeeyey ay soo mareen iyo waxyaabihii qaldamay oo uu sheegay inay ka mid ahaayeen diiwaangelintii dalka laga sameeyo, taasoo uu xusay inay hadda kala shaandhaynta lagu wadaa meel fiican marayso, isla markaana ay ku rejo wayn yihiin in si dhakhso ah wixii sax ah loo soo saaro, ka dibna kaadhadh cusub oo lagu codeeyo la siin doono dadka, waxa markaa loo dhaqaaqaana ay tahay arrinta doorashada Madaxtooyada.
Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinku waxa uu u soo jeediyey xubnaha maanta la dhaariyey inay caddaalad iyo dhexdhexaadnimo ku dedaalaan oo ay ka dhawrsadaan wax kasta oo fashilaad iyo caddaalad-darro ka dhalanayso. “Masuuliyaddii Masiirka qaranku innaga ayuu inna saraaran yahay maanta, intiinaasi waxaad qaranka ka lumisaan ama ka xumaysaan cid u sixi kartaa ma jirto, markaa waa inaad dhexdhexaadnimo, xilkasnimo, caddaalad ku shaqaysaan oo guda-taan waajibaadka waddaninimo ee inna saaran.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinku Ciise-Xamari.
Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Aadan Maxamed Mire Waqaf, Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE Kayse Xasan Cige, Xoghayaha Arrimaha Siyaasadda Xisbiga UDUB Cumar Jaamac Faarax, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Maxamed Xirsi Ismaaciil, ayaa iyaguna Munaasibaddaas hadallo kala duwan oo waano, dardaaran iyo dhiirigelin ah uga jeediyey Guddiga doorashooyinka iyo xubnaha cusub ee maanta la dhaariyey, waxaanay sidoo kale hambalyeeyeen Komishanka doorashooyinka ee hawshan gacanta ku haya.
Ugu dambayntii Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa Sheekh Cabdirashiid Maxamed Xirsi, ayaa guud ahaan 71-tankaa xubnood si isku mid ah u dhaariyey, waxaana raxanraxan gacmaha loogu saaray Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, waxaana xubnaha la dhaarinayay ay u dhaarteen sedan:- “Waxa nagu wallaahi ah oo nagu billaahiya inaannu hawsha doorashada u gudan doonno si xilkasnimo leh, daacadnimo leh, inaannu dhex u ahaanno Xisbiyada, Ururada iyo Musharixiinta, sharciga iyo caddaaladdana aannu ku shaqaynayno.” Weedhahaas dhaarta ah ayay xubnaha la dhaariyey ka daba lahaayeen Guddoomiyaha Maxkamadda Hargeysa Sheekh Cabdirashiid.



