Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare Ee S/and Oo dhaariyey 71 Xubnod

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Guddoomiyaha Maxkamada Sare Ee S/and Oo dhaariyey 71 Xubnod

Postby Siciid85 » Sun Mar 21, 2010 2:11 pm

Image


Hargeysa (Oodweynenews) – Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland Md Maxamed Xirsi Oomane ayaa maanta magaalada Hargeysa ku dhaariyey 71 xubnood oo Komiishanka doorashooyinka qaranka Somaliland u xushay inay ka hawl-galaan goobaha doorashada ee saddexda Gobol ee Maroodi-jeex, Awdal iyo Saaxil.

Xubnahan loo dhaariyey hawlaha la xidhiidha cod-bixinta doorashada aqalka Madaxtooyada Somaliland oo u badan aqoonyahan dhalinyaro ah ayaa maalmaha soo socda waxa la siin doonaa tababar la xidhiidha hawsha ay bulshada u qabanayaan.

Guddoomiyaha Komiishanka doorashooyinka Qaranka Md Ciise Xamari oo ka hadlay Munaasibadii dhaarinta xubnahan loo diyaarinayo inay ka hawl-galaan doorashada Somaliland oo ka dhacday Huteelka Ambasador ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu kula dardaarmay inay ku dadaalaan sidii ay umadooda ugu shaqayn lahaayeen si daacadnimo ku jirto, si loo helo doorasho xor iyo xalaal ah oo ay ku wada qancaan dhinacayada ku tartamaya kursiga madaxtooyada Somaliland.

Munaasibadda dhaarinta xubnahan hor-dhaca u ah shaqaalaha doorashada madaxtooyada ee Komiishanku qaadanayo ayaa iyaguna waxa goob joog ka ahaa xubne sare sare oo ka tirsan saddexda xisbi Qaran ee Somaliland, kuwaas oo ujeedada ay u tageen xaflada ay ahayd inay dhiirigaliyaan shaqaalaha loo tababarayo doorashada.

Md Aaden Maxamed Mire Waqaf oo ka socday xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Kayse Xasan Cigge oo ka tirsan xisbiga KULMIYE iyo Cumar Jaamac Faarax oo isna ka socday xisbiga UDUB ayaa dhammaantood halkaasi kalmado koob-kooban ka jeediyay iyagga oo ka taxadaraya hadalo dhaliya muran siyaasi ah, ayaa waxa ay dhammaantood muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin dhalinyarada loo dhaariyey hawlaha la xidhiidha doorashada, iyagga oo si toos ugu sheegay qolooyinka la dhaariyey in iyaga gacanta loo galiyey mustaqbalka Somaliland iyo in dalka doorasho wanaagsani ka dhacdo.

Xubnahan la dhaariyey oo hor-dhac u ah shaqaale faro badan oo ka hawl-gali doono doorashada aqalka madaxtooyada Somaliland oo dhawaan la filayo ayaa waxa ay rajo wanaagsan galinayaan dhammaan shacabka Somaliland, gaar ahaan dadka u diyaarka ah in isbadal dalka ka dhaco.


Oodweynenews.com Desk

Hargeysa/Somaliland

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: kaliil, MrSinister and 11 guests