Written by Yool
Mar 26, 2010 at 03:43 PM
Nayobi,(Qaran News)-Warar lagu kasoon yahay oo Wargeyska "Yool" uu helay, ayaa sheegaya in Ciidamada la dagaalanka Argagixisada ee Kiiniya inay Shalay [Doraad] xabsiga u taxaabeen laba ka mid ah xubnihii isu cummamaday madaxtinimada deegaanada Sool.
Labad xubnood oo kala ah Dr. Salleebaan Ciise Axmed Karshe, oo isagu isku magacaabay Guddoomiyaha Hoggaanka iyo Cali Sabareyn, oo isna isu boqray inuu yahay Guddoomiye-ku-xgeenka, ayaa sida wararku sheegayaan waxa Ciidaanka la dagaalkanka Argagixisada ka qabteen Maalintii Khamiistii Madarka Magaalada Nayrobi, waqtigaa soo ay isu diyaariyayeen inay halkaa ka dhoofaan.
Ilaa iyo hadda lama ogga sabata dhabta ah ee ka danbeysay xadhigooda. Haseyeeshee sida ay ilahaasi tibaaxeen, waxa ujeedada xadhigooda lagu xidhiidhinayaa inay ku taxaluqdo arimo Argagixiso oo looga shakiyey.
Geesta kale waxa wararku sheegyaan in labadaa xubnood ay mudooyinkan u danbeeyay-ba ku hawlanaayeen shirar iyo kulamo qarsoodi ah oo ay la yeelanayeen xubno aan Magacyadooda la shaacin, balse looga shaki qabo inay xidhiidho la leeyihiin kooxo xag-jir ah.
Dhinaca kale war aanu goor dhoweyd ka helnay Magaalada Nayrobi, ayaa sheegaya in tirade xubnaha la xidhay ay intaa ka badan tahay, isla markaana uu weheliyo xubnaha hore Nin isagana Magaciisa la yidhaahdo Maxamed Xuseen Xaashi. Haseyeeshee aan isagu wax jago ah kaga Magacawnayn kooxahaa isu abaabulay inay khalkhal geliyaan deegaanada Gobolka Sool, halkaasoo sannadihii u danbeeyay ay gacanta ku haysay Somliand, isla markaana intii mudaas ahayd aan wax khulkhulato ahi ka dhicin, marka laga reebo qaraxyo si dhuumasho ah ay gobo kala duwan uga fuliyaan dad aan la aqoonsan. Inkastoo xXukuumada Soamliland ay falalkaasi ku eedaysay inay ka danbeeyeen kooxo Argagixiso ah.
Source Yool




