Safaarada Somaliland ee dalka France ayaa lagu casuumay shirkii caalamiga ahaa ee OIF
Sanad guuradii afartanaad ee kasoo wareegtay aasaskii ururka caalamiga ah ee dadka afka faransiiska ku hadla oo loo soo gabiyo (OIF) Organation International de la Francophonie, ayaa maanta si heer sare ah loogu xusay dalka Faransiiska caasimadiisa Paris, waxaana maanta si rasmi ah lagu casuumay xafladaas hawlwadeenada safaarada Somaliland ee dalka France, waxaaa goobjooga ka aha Le Président du Sénat Gérard LARCHER Iyo guddoomiyaha labada aqal u qaabilsan geeska Afrika Mudane Louis DUVERNOIS kaas oo tegay Somaliland sannadkii 2008, isaga oo hogaaminayay wafdi balaadhan oo ka kala tirsanaa labada aqal iyo sidoo kale Safiirka dawlada Faransiiska u fadhiya dalka Djibouti.
Dhinaca Somaliland waxa maanta uga qayb galay Wakiilka Somaliland ee France Mudane Ali Ismail Hassan iyo ku xigeekiisa Mudane Mahamed Abdi Aden, waxa kale oo ku wehelinayey Mudane Hussein Wadadyare oo ah ku xigeenka Wakiilka Somaliland ee Sweden.
Guddoomiyaha u qaabilsan labada aqal Bariga Afrika mudane M. Louis DUVERNOIS
waxa uu aad u amaanay nabad gelyada ka jirta Somaliland iyo horumarka xaga dimoqraadiyada, waxana uu aad ugu sharxay guddoomiyaha guurtida Faransiiska oo ah ninka aad looga ixtiraamo France sidoo kale wakiilka Somaliland mudane Ali Ismaacil ayaa isna dhinaciisa uga sharxay waxa ay qabsatay Somaliland waxan uu ka codsaday in dawlada faransiisku gacan balaadhan u fidiso Somaliland gaar ahaan xaga aqoonsiga horumarinta caafimaadka iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo waxbarashada.
Guddoomiyaha bariga afrika ee labada aqal mudane Louis DUVERNOIS waxa uu ku balan qaaday in uu dib ugu laabanayo Somaliland bisha June 2010.
Waxa kale oo goobta ay kula kulmeen hawlwadeenada Somaliland wasaaradaha dhaqanka iyo arimaha dibeda kuwaas oo ay u badan dhigeen mawqafka Somaliland, iyo in ay caalamka ka rabto aqoonsi buuxa,waxa kale oo ay la kulmeen madaxa sare ee guriga iyo ururka horumarinta dhaqanka oo ah hayd ku caawisa caalamka buugaagta.
Maanta oo ay bishu tahay 20 Mars 2010, waxa caalamka looga dabaal degaa maalinta dhaqanka ee dadka ku hadla afka faransiiska, ururka caalamka ee (OIF), ururku waxa uu ka kooban tahay 70 dawladood, kuwaas oo shacabkoodu yahay 870 milyan ,waxa afkooda koowaad yahay faransiis 201 milyan oo qof. waxana hadda madaxweyne u ah Abdou Diouf, ahna madaxweynihii hore ee dalka Senegal.
published on Tuesday, 23 March 2010



